Dr mohamed maow

Dr mohamed maow “If you're happy, if you're feeling good, then nothing else matters.”

please join us like and follow

23/02/2025
Causes of finger clubbing
01/11/2022

Causes of finger clubbing

28/10/2022

"Ha caajisin"

25/10/2022
25/10/2022

''Qofka intuu yaryahay wuxuu u baahanyhy in difaaciisa jireed la dhiso, si lamida waa in difaaciisa caqliyeed iyo caqiideed dhisnaa''.

24/10/2022

Noloshaada si aad u dareento farxad, naxariis iyo daganaansho samee qodobadaan.👉

Badi Aqrinta quranka.

Samee wanaag, xumahane ka fogoow.

ku dadaal cibaadada,

Badi istiqfaarta,

Caawi masaakiinta,

Dadka ha dulmin,

iska cafi kuwa ku dulma,

Hadalka iyo dooda badan iska dhaaf,

ka saar laabtaada xumaanta iyo xasidnimada,

Dadka wanaaga la jecloow.

Yaree fikirka, walwalka iyo cabashada badan.

Ku dadaal daryeelka iyo caafimadka naftaada.

Naftaada ku kalsoonoow, Noloshaadane qof haku tiirsanaan.

Sameeyso qorshe iyo hadaf nololeed.

Sameeyso xirfad aad ku shaqeeysato.

Dr mohamed maow

22/10/2022

Sida aad u fikirto oo aad u dareento naftaada, iyo go,aanada aad qaadaneyso, dadaalka aad sameyneyso, ayaa go'aamiya guulaha aad gaari karto.

Marka aad bedesho hab fikirkaaga, waxaad beddeshaa noloshaada, ogow riyo kastane iskama rumowdo ee waxey u baahanthy dadaal.

sirta guushane waxa ay ku jirtaa waxa aad maalin waliba waqtiga ku bixineeyso oo aad ku mashquulsanthy.

Hadii aad garato caqabadaha ku heysto iyo waxa sabay in aad guul daresato, waxa kuu fududaanayaa sida aad u guuleysan Laheyd.

Dr mohamed maow

😁😅
21/10/2022

😁😅

DHAGAXA XAMEETIDA KUSAMEYSMA  (Gallstone ) Xameetidu waa xubin yar oo ku taal dhanka midig ee caloosha gaar ahaan qeeybt...
13/06/2022

DHAGAXA XAMEETIDA KUSAMEYSMA (Gallstone )

Xameetidu waa xubin yar oo ku taal dhanka midig ee caloosha gaar ahaan qeeybta kore caloosha

Waxee wax yar ka hooseeysaa beerka. waxay haysaa ama lagu keydisaa dareere dheefshiid oo la yiraahdo bile kaas oo lagu sii daayo mindhicir yaraha.

xameetida waxaa ku sameeysmi kara dhagax kaa oo ka dhashay isbadal ku dhacay dareeraha dheefshiidka eh ee lagu keeydiyo xameetida.

Dhagxaanta xameetida waxa ay ku kala duwanan karaan waxa ay ka sameesanyihin iyo cabbir ahaan mid yar ama mid weyn.

Dadka qaarkiis waxaa ku sameysma hal dhagax, halka qaar kalena ay isku mar yeeshaan dhagaxaan badan.

💣CALAAMADAHA

Dhagaxa xameetida ku sameysma inta badan ma keenaan wax calaamad eh.

Balse Haddii dhagaxa uu galo tubada kasoo baxda xameetida oo uu keeno xannibaad waxa ka dhalanaya Xanuun degdeg ah oo sii xoogaysanaya oo laga dareemo dhanka midig ee caloosha gaar ahaan qeeybta kore ee caloosha.

xanuun laga dareemo garabka midig ama garbaha dhexdooda.

Lalabo ama matag .

Sidoo kale marar qaar waxa la arkaa xanuun cuntada ka dib eh, gaar ahaan markasta oo cunta dufanka leh lacuno balse xanunkaasi waxu saaid yahy daqiiqado ilaa iyo dhowr saac ka dib waa laga bogsada.

💣YAA HALIS UGU JIRO OO DHAGAXA KU SAMEYSMI KARAA.

inta badan Dumarka ugu badan

qofka da.da 40 jir ah ama ka weyn

qofka Miisaanka badan ama cayilan

hooyada Uurka leh sababo la xiriira isbadalka hormoonada.

qofka cuna Cuntooyinka dufanku ku badan yahay.

Qofka cuntada ka sooma ama Cunista cunto yar oo faybarku ku yar yahay ama qofka aan afka wax cunta eh ka qaadan..

qofka qabo cudurka macaanka

Qofka qaba xanuunada dhiiga cas qaarkood, sida sickle cell anemia ama hemolytic diseases.

qofka Si dhakhso ah u lumiyo miisaanka yacni waqti yar isku caateeya.

Qaadashada daawooyinka ay ku jiraan estrogen-ka, sida kuwa ka-hortagga uur-qaadista ee afka ama daawooyinka hormoonnada lagu daweeyo

qofka qabo cudurada beerka ku dhaca.

✨ KA HORTAGA.

Haka tagin cuntada oo waqti kala duwan ama kala fog ha qaadan. Isku day inaad ku adkayso wakhtiyada cuntadaada caadiga ah maalin kasta.

Same jimicsi, cab biyo badan.

Aayar u lumi ama u dhin miisaanka. Haddii aad u baahan tahay inaad miisaan lumiso ama yareeyso tartiib u lumi.

qaado cuntooyinka faybarku ku badan yahay. .

miisankaga lasoco waayo Cayilka iyo miisaanka xad dhaafka ah waxay kordhiyaan halista dhagaxa xameetida.

mohamed maow

Address

Banadir
Mogadishu
5071

Telephone

+252683505687

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr mohamed maow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr mohamed maow:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category