23/01/2026
Qofka marka uu maro qaliin ama jab, ma aha in uu ku ekaado nasasho oo keliya ❌. Si jirku u bogsado si sax ah, loogana fogaado xanuun soo noqnoqda ama dhaqdhaqaaq xaddidan, waxa lama huraan ah Physiotherapy (daaweynta soo kabashada). Daaweyntani waxay ka caawisaa bukaanka in uu si tartiib ah ugu laabto nolol caadi ah, iyadoo la ilaalinayo badbaadada jirka.
Physiotherapy-ga waxaa ka mid ah jimicsiyo gaar ah oo la qorsheeyay, massage caafimaad, daaweyn koronto (Electrotherapy), iyo tababar dib loogu soo celinayo xoogga murqaha, dabacsanaanta kala-goysyada iyo isku dheelitirka jirka. Hab kasta oo daaweyn ah waxaa loo sameeyaa si waafaqsan xaaladda bukaanka, nooca qaliinka ama jabku ahaa, iyo heerka bogsashada.
💙 Badbaado Physiotherapy waxaan ku takhasusnay daryeelka bukaanka qaliinka iyo jabka soo maray, anagoo adeegsanayna qalab casri ah iyo khubaro khibrad leh. Ujeeddadeennu waa in bukaanku helo bogsiin dhammaystiran oo waarta, kuna soo laabto nolol firfircoon si kalsooni leh.
📍 Address: Hodan Black Sea – Muqdisho
📞 Contact: 0617209655