16/04/2026
Cudur Isma Arkaysaan Hadii Intaan Aad Samayso.👇
1.In aad cabto 5 galaas biyo ah ugu yaraan, shanta salaad ee faradka ah mid walba hal galaas biyo ah in aad cabto.
2.In aad quraacato 07:00 subaxnimo, qadayso 01:00 duhurnimo, cashayso 07:00 habeenimo waqtiyadaas yayasan kula dhaafin quraacda, qadada iyo cashada
3.In aadan badsan hilibka gaduudan ee xoolaha balse aad zaaid u cunto hilibka digaaga iyo kaluunka oo ah hilibka cad.
4.In aad iska dhaafto ama yarayso cunista iyo cabista wax kasta oo macaan, cudur oo dhan macaan oo la badsado ayaa aabe u ah.
5.In aad soonto labo barri isbuucii si qashinka iyo sunta cuntada badan ay sababto looga saaro jirka
6.In aad socoto maalinti ugu yaraan hal saac hadii aad cayilan tahay, hadii aad caato tahayna aadan socon wax ka abdan 20 daqiiqo.
7.In aad wax akhriso, dadka wanaagsan aad la saaxiibto, dadka waxa ay kaa sheegayaana aadan dhag jalaq u siin.
8.In hammi sare aad yeelato hammigaaguna uusan xad dhaaf noqon oo wax aadan awoodin ha iska mashquulin.
9.In aad akhriso quraanka, salaada jameecada joogtayso, mar walbana saqdax dhexe aad soo kacdo dukato rabbigagana waydisato waxa aad jeceshahay.
10.In aad seexato cishaha ka dib ugu yaraan 6-8 saac aad hurudo.
11.In aad u dadaasho nadaafada jirkaaga, tan gurigaaga, tan dharkaaga, cunto qabowna aadan cunin in aad iska kulaylayso ayaa qurux badan.12. In aadan cabin wax qabow marka aad cuntada cunto ka dib ka daba gee wax kulul si dheefshiidka ugu fududaato in uu cuntadas shiido