Dr Abdinur Ali Yusuf

Dr Abdinur Ali Yusuf Mahadsanid

Waxaan ahay Abdinur Ali Yusuf dhaqtarka caruurta iyo cudurada guud waxaan halkaan kugula wadaagi doonaa warbixino caafimaad oo noloshaada saamayn ku yeelan doona.

Sidee loo daweeyaa ilmaha  qaba neefta (asthma)Daaweynta neefta waa labo qaybood.Qaybta  1aad waxaa iska leh dhaqtarka.Q...
16/07/2023

Sidee loo daweeyaa ilmaha qaba neefta (asthma)

Daaweynta neefta waa labo qaybood.

Qaybta 1aad waxaa iska leh dhaqtarka.
Qaybta 2aad waxaa iska leh waalidiinta.

Ugu horreyn neefta waxaa sabab u ah xasaasiyada sidaa daraadeed waalidku waa inuu ka ilaaliyo ilmihiisa neefta qabo cuntooyinka qaar ee kiciya xasaasiyada sida: mallaagya/kalluunka, Ukunta, lowska, Basbaaska, Digirta, carafta nuucyadeeda Kala duwan sida catarka, perfume ka ,carfisada, iyo uunsiga.

Waxaa muhiim ah in busta/boorka laga ilaaliyo qolka ilmuhu seexdaan iyo in laga ilaaliyo waxyaabaha guryaha lugu nadiifiyo sida kalooriinka, Naftada, iyo Aash*tada guryaha lugu dhaqo.

Ogow hadii aadan ka ilaalin ilmahaaga waxyaabaha aan soo sheegnay way adag tahay in laga daweeyo xanuunka neefta.

Waxaan kugula talinayaa inaad soo iibsato qalabka neefta lugula tacaalo si aad markiiba ugu xirto cunuga.

Si fiican u dhageyso talada dhaqtarka.

0619663733

MAHADSANID

Dr Abdinur Ali Yusuf

Cuntooyinkaan ka ilaali caruurta ka yar hal  Sano❗️. 1- Malabka :caruurta wuxuu ku Keenaa  infection ka ku dhaca  caloos...
04/07/2023

Cuntooyinkaan ka ilaali caruurta ka yar hal Sano❗️.

1- Malabka :caruurta wuxuu ku Keenaa infection ka ku dhaca caloosha kaasoo Keenaa inta badan shuban.

2-Macmacaanka (sweats) sida nacnac , shukulaato, malmalaato, iyo shaaha oo isagu ilmaha hurdada ka qasa , Waayo waxaa ku jirta maadada loo yaqaano Caffeine.

3-Caanaha Lo'da 🐄 sababtoo ah waxaa ku badan maadada Lactose oo keeneysa shuban.

4- Cabitaanada gasacadeysan ee laga keeno dalka dibadiisa waxayna ku keenaan ilmaha shuban iyo matag.

5-Cuntada xasaasiyada Leh sida Ukunta , Malaayga/kalluunka, Digirta.

F.G cuntooyinkaan Looma ogola ilmaha ka yar hal Sano.

MAHADSANID.

Dr Abdinur Ali Yusuf

Kala xiriir 0619663733

28/06/2023
Ciid Mubarak كل عام وانتم بخير.
20/04/2023

Ciid Mubarak كل عام وانتم بخير.

Ramadaanka iyo qaar ka mid ah cunooyinka ugu fiican. WAQTIGA AFURKA : ku billow  timirta  iyo qudaar kadibna cab galaas ...
28/03/2023

Ramadaanka iyo qaar ka mid ah cunooyinka ugu fiican.

WAQTIGA AFURKA :

ku billow timirta iyo qudaar kadibna cab galaas biyo ah .

DIGNIIN

iska ilaali inaad ku afurto cunooyinka shiilan sida sanbuuska ,burka , acidic juice iyo cunto lugu daray basbaas waayo waxay keenaan gastritis (gaaska)

Maqribka kadib cun cashada caadiga ah waxaana fiican inay noqoto cunooyinka diirka ama qolofta leh sida carbohydrates ka.

Habeenkii si fiican u cab biyaha 💧 iyo waliba cunooyinka biyaha leh (Hydrating foods) sida qaraha 🍉 si jirku u helo biyo ku filan.

Fadlan iska ilaali bisha ramadaan inaad cabto shaah ama coffee ☕ waayo waxay sababaan in jirkeenu lumiyo biyo badan ayagoo u saaraayo biyihii jirka ku jiray kaadi ahaan (Diuresis ). Taasoo kugu keeni karta oon daran (Dehydration)

WAQTIGA SAXUURTA

Ku saxuuro cunooyinka protein ka leh sida caanaha lo'da iyo ariga , hilibka nuucyadiisa kala duwan ,digirta iyo misirta.
Ogow cunooyinka protein ka leh waxay jirka ku jiri karaan saacado badan waxayna ku gaarsiin karaan ilaa galabtii adigoon dareemin wax baahi ah.

MAHADSANID.

Dr Abdinur Ali Yusuf
Kala xiriir 0619663733

XANUUNKA QUMAN XANUUNKA (TONSILLITIS)Waa caabuq ku dhaca labadaas qanjir ee ka danbeeya carabka CALAAMADIHIISA Barar ku ...
26/02/2022

XANUUNKA QUMAN XANUUNKA (TONSILLITIS)

Waa caabuq ku dhaca labadaas qanjir ee ka danbeeya carabka

CALAAMADIHIISA

Barar ku yimaada labadaas qanjir ,qandho aan kala go' lahayn ' qoorta iyo margiyada xanuun ku yimaado , in cuntada aad laqi weysid , afka oo soo shiiro. Iyo madax xanuun.

MAXAA KEENA XANUUNKAN.

Inta badan waxaa sababa Virus iyo sidoo kale Bacteria loo yaqaano Streptococcus pyogenes ( group A Streptococcus).
Ogow xanuunkan waxaa fududeeya cuntada qaybo kamid ah sida basbaaska iyo macmacaanka . Ice cream (jallaato).

Qofka qaba xanuunkan hadii uusan qaadan daawo saxan ama xataa uu kala gooyo daawada wuxuu halis ugu jiraa xanuunnada ku dhaca wadnaha , kalagoysyada, neerfayaasha iyo kuwa ku dhaca killiyaha ee ay keento bakteeriyadaan.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA.

jooji isticmaalka qabowga , basbaaska iyo cuntada aad ku qabto xasaasiyada hana cabin wax kulul iskana baddal burush ka aad ku cadaysato bishiiba laba mar .
Ku dhaq faraha saabuun ama oomo marka aad kasoo baxdo suuliga ama musqusha.
Hadii aad isku aragto xanuunkan fadlan u tag dhaqtarka si laguu siiyo daawada kugu haboon .

Mahadsanid.
Dr Abdinur Ali Yusuf

Kala xiriir 0619663733

Xanuunka Dhego-Dillaaca (Otitis Media)Waa caabuq ku dhaca dhegta gudaheeda waxaana keena Virus , Bacteria. wuxuuna kusii...
14/02/2022

Xanuunka Dhego-Dillaaca (Otitis Media)
Waa caabuq ku dhaca dhegta gudaheeda waxaana keena Virus , Bacteria. wuxuuna kusii badan yahay carruurta.

CALAAMADAHA XANUUNKA

Dheg-xanuun: (ear pain)
Waxaa lugu arkaa caruurta oohin saaid ah , hurdo la'aan iyo qoyaan ka yimaada dhegta.
Inta badan dheguhu waxay dillaacaan markii qofka uu ku dhaco hargab kaasoo keena cabur.

DIGNIIN!

Hadii aad ilmahaaga ku aragto calaamadahaas fadlan ugee dhaqtarka si loo siiyo daawo saxan oo ku haboon.
Hadii aad aragto in cunugaaga dhegta wax uga jiraan sida dhukay fadlan ha isticmaalin suufka dhegaha waayo wuu kusii fogeynayaa wuxuuna dhaawici karaa xuubka dhegta.
Mahadsanid

Address

Mogadishu

Telephone

+252619663733

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdinur Ali Yusuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdinur Ali Yusuf:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category