
25/06/2025
UJEEDO: Magacaabis Guddiga Doorashada Golaha Sare ee Ururka Umulisoyinka Soomaaliyeed
Og: Golaha Sare Ururka Umulisoyinka Soomaaliyeed
Og: Golaha Fulinta ee Ururka Umulisoyinka Soomaaliyeed
Ku: Xubnaha Ururka Umulisoyinka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Ururka Umulisoyinka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa muhiimadda ay leedahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu cusboonaysiinayo hogaanka sare ee ururka, ayaa waxay shaacineysaa magacaabista guddiga doorashada hoos ku xusan. Magacaabistan waxa ay timid ka dib markii la sameeyay wadatashi lala yeeshay xubnaha Guddiga Fulinta ee ururka.
Guddoomiyaha waxa ay kula dardaarmeysaa guddigan in ay gutaan hawsha loo igmaday si hufan, cadaalad ah, isla markaana ay qabtaan doorashada si waafaqsan xeer hoosaadka ururka.
Xubnaha Guddiga Doorashada:
1. Zakia Abdullahi Abdi (Gudoomiye)
2. Mariam Hassan Adawe
3. Amina Hassan Mohamud
4. Ismahan Mohamud Abdulle
5. Fatima Hussein Hirey
6. Manadeq Mohamed Abdi
7. Farhia Abdi Elmi
8. Mariam Mohamed Ahmed
9. Najma Hassan Mohamed
10. Nasteho Elmi Salad
11. Saido Mohamed Mohamud
Waajibaadka Saaran Guddiga Doorashada:
1. Diyaarinta Habraaca Doorashada iyo Shaacinta Jadwalka Doorashada
2. Diiwaangelinta Musharixiinta iyo Kormeerka Geedi-socodka Doorashada
3. Tirinta iyo Shaacinta Natiijooyinka Doorashada
4.Xallinta Cabashoyinka iyo Hubinta hufnaanta doorashada
Waxaan ka rajaynaynaa guddigan inay shaqadooda u fuliyaan si daacadnimo, hufnaan iyo xirfad ku dheehan tahay.
Fatima Haji Mohamed
Gudoomiyaha ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed