Zahra Garaad jamac

Zahra Garaad jamac Education is the key of life

24/08/2022

Waa maxay Caafimaad (Medicine)?

Caafimaadku waa barashada cilmiga kahortagga, daaweynta iyo la tacaalidda cudurrada, sidoo kale waa aqoonta lagula falgalo noole bukaan ah si loo xaqiijiyo badqabkiisa iyo badbaadadiisa.

Yaa baran kara cilmigaan?

Qofka baranaya aqoonta caafimaadka uma baahna inuu lahaado mowhibo ama karti gaar ah uu ku barto. Waxaa ku filan inuu lahaado rabitaan dhab ah oo ku aaddan barashada cilmigaan, taas oo lagala jeedo inay qofka ka go'an tahay inuu bixiyo waqtiga iyo dadaalka lagama maarmaanka u ah barashadeeda. Balse haddii la tilmaamo qofka ay kusoo baxeyso, ugu horreynba waxaa la xusi karaa marka laga eego dhanka akaadamiga ah, ardeyga ku fiican maaddooyinka Biology-ga, Chemestry-ga iyo Xisaabta, haddii laga fiiriyo dabeecad ahaanna waxay kusoo baxaysaa qofka leh tilmaamaha kala ah dabacsanaanta, deggenaanta iyo tan ugu muhiimsan oo ah dhiirranaanta.

Barashada cilmigaan ma fahan baa mise waa xifdin?

Marba haddii laga hadlayo caafimaad (medicine), waa kulliyad u baahan fahan iyo xifdin wada jira, oo laguma kaaftoomi karo mid kaligeed. Balse muhiimadda ugu badani waxaa leh xifdiska maadaama caafimaadku yahay cilmi oo aysan aheyn aragtiyo qaleel ah, waxaase xusid mudan in waddada ugu fudud ee wax lagu xifdiyo ay tahay fahamka h**e, sababtoo ah marka aad wax fahanto ayaad si fudud uxifdin kartaa. Sidaa darteed cilmigaan waxa uu soo dhaweynayaa ardayda xifdiska iyo kuwa fahamka usaaxiibka ah labaduba.

Waa imisa qarashka iyo waqtiga ay dalbaneyso kulliyadda caafimaadka?

Kulliyadda caafimaadka waa jaadgooni ka duwan aynigeeda, waxaa ku baxa qarashaad aad ufarabadan marka loo fiiriyo barashada culuumta kale, sidoo kale waxaa la daraaseeyaa sannado ka badan sannadaha kulliyadaha kale. Lix illaa toddobo sannadood ayay qaadataa daraaseynteeda, taas oo ka dhigan inay kulliyadda aheyn mid iska fudud oo waxa ay ay liiska 'A' kaga jirtaa ablaableynta kulliyadaha caalamka ka jira. Sidoo kale waa kulliyad qofkii bartaa gacanta loo galin doono jirka qof bani'aadam ah iyo noloshiisaa, taasoo ka dhigeysa in si aad ah loo hubiyo aqoonta iyo xirfadda gacmahaasi ay leeyihiin.

Maxay kala yihiin takhasusaadka iyo qeybaha ay kulliyadda ukala baxdo?

Takhasusaadka kulliyadda lama soo koobi karo, oo waxa ay ku lug yeelaneysa waxkasta oo quseeya kahortag, daaweyn, qalliin iyo iyo la tacaalid bukaan socod iyo bukaan jiif. Mar haddii aad dhex gasho kulliyadda adiga ayaa dabaalan doona bad takhasusaad ah, balse kuwa ugu caansan waxaa kamid ah:
General Medice, Pediatric, Public Health, Gynecology, Surgery, Dental, Anotomy, Nutrition & Dietetics.

Waa maxay Fursadaha shaqo ee ubannaan ardayfa kasoo qalinjabiya kulliyaddaan, baahi noocee ah ayaana cilmigaan loogu qabaa suuqa iyo bulshada dhexdeeda?

Baahida caafimaadka waa mid kamid ah baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Ba' iyo baraaraba xilli kasta oo la joogo waa mid lagama maarmaan ah, sidaasi darteed ardayda kasoo qalin jabisa kulliyaddaan waxa ay heystaan mid kamid ah fursadaha ugu badan ee kajira suuqa shaqada. Caafimaafka waa aqoon iyo xirfad isla socota, waana ay yartahay amaba majirto cid labadaas isku heysata haddana shaqo la'aan ah. Mushaharka laga qaato shaqada caafimaadka waa mid kamid ah kuwa ugu badan ee qof shaqaale ah uu helo, sidoo kalena xirfaddaan waa mid si madaxbannaan loogu shaqeyn karo. Waa xirfad iyo shaqo laga sameyn karo sumcad iyo magac (Caannimo), sidoo kalena lagu hodmi karo.

Inaad baratid caafimaad maxaad ku heleysaa (Positive earnings), maxaase kaaga dhimmaya (Negative earnings)?

Faa'idooyinka ama waxyaabaha togan ee aad ka heleyso barashada cilmigaan waxaa kamid ah aqoon ballaaran oo waxtar la taaban karo leh, farxad joogto ah maadaama aad dhibbane bukaan ah caawineyso, magac, makaano iyo sumcad aad bulshada ku dhex- yeelanayso, hodantinimo iyo maal muuq leh maadaama dakhli sareeya aad heleyso, iyo tan ugu muhiimsan oo ah naxriis, iyo uturidda dadka kale.

Waxyaabaha taban ee laga dhaxlayo barashada caafimaadka waxaa kamid ah waqtiga la baranaayo oo aad ufog maadaama shahaadada 1aad ee Bajalarka lagu qaato 6-7 sano. Haddii lagu sii daro inta aad takhasuska diyaarineyso, tababarka qaadaneyso ama aad waayaragnimada kasbaneyso waa muddo aad udheer, sidoo kale lacagaha ku baxa barashadeeda waa kuwa qaali ah oo jeebka ay kasoo baxayaan waa laga dareemi doonaa. Waxaa xusid mudan maaddooyinka la qaadanaayo oo aan aheyn kuwa fudud awgeed, waxaa qofka qasab ku noqoneysa inuu juhdi iyo soo jeed habeenno uu kutalagalo. waxaa kaloo kamid ah waxyaabaha tabani inuu qofka ubanbaxaayo xaalado aad umurug badan, argagax leh oo aan dareenka la siisan karin, taas oo go'aan adeyg iyo shakhsiyad karti leh ubaahan doonta. Sidoo kale qofka waxa uu weyndoonaa xorriyadda waqtigiisa, oo waxaa laga yaabaa in familkiisa laga soo kaxeeyo, ama hurdo laga toosiyo amaba xaalado uusan jecleysan doonin inuu howlgalo ayuu ku qasbanaanayaa shaqadeeda. Sidoo kale waxaa qofka gacanta ugali doona baahiyaha dadka, cowradooda iyo waxkasta oo loogu faa'ideysan karo qof bani'aadam ah taas oo ka dhigan seef laba afleh oo dhinicii la doono lala aadi karo, waana arrin qofka uga baahan doonta iimaan iyo dadnimo dheeraad ah.

Ugu dambeyntii, kulliyadaan waa mid wanaagsan, ahna aqoon la barto tan ugu sharafta badan, maadaama ay quseyso caawin, badbaadin iyo rajo ucelin qof bani'aadam ah, waxaana baran kara labada jinsi lab iyo dheddig. Sidaas darteed qof walba oo raba oo daneenaya inuu barto wuu baran karaaa wuuna ka guul gaari karaa.

Nasiib wacan.

Address

Degmada Hodan
Mogadishu
ZAHRUJ

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zahra Garaad jamac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category