Mubarak Medical Center

Mubarak Medical Center Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mubarak Medical Center, Medical and health, Mogadishu.

Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna  ee xanuunka sokorta waxaa lagu arkaa carruurta amaba da'da qaangaarka.Xanuunk...
16/08/2024

Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna ee xanuunka sokorta waxaa lagu arkaa carruurta amaba da'da qaangaarka.

Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof - qof walba ayuuna ku dhici karaa.

Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah wadno xanuun, wadno istaag, indhi beel, kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo.

Waana dhibaato - Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka - waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan.

Waxaa lala xiriirin karaa hiddaha qofka amaba waxaa sababi kara caabuq.

Cudurka Cagaarshowga waa cudur dhibaato wayn ku haya bulshada caalamka, sidaas daraadeed sanad kasta 28 ka Luuliyo waxa ...
28/07/2024

Cudurka Cagaarshowga waa cudur dhibaato wayn ku haya bulshada caalamka, sidaas daraadeed sanad kasta 28 ka Luuliyo waxa loo asteeyay maalinta Cagaarshowga aduunka si bulshada loogu wacyi galiyo khatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah ee sida aamusan dadka u dila.

Sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO sanad kasta waxa uu cudurku soo ritaa dad lagu qiyaasay 325 Milyan oo qof aduunka oo dhan iyadoo sanad kasta ay u dhintaan 1.34 milyan oo qof.

24/07/2024

Tab iyo xeelad ?
Rabaa

Kuso dhawaaw Mubarak Medical Center
22/07/2024

Kuso dhawaaw Mubarak Medical Center

Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah: 1. Dhiig qof loo shubo3. Qubeyska4. Cadaysiga5. Candhuufta 6. Cunid & c...
20/03/2024

Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:

1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

1. Cunid & cabid
2.Jamaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafur
2. Uu xanuunsado
3. Uu ummulo
4. Uu caadoodo
5. Uu caqligiisu tago
6. Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin

MAXAY BISHA RAMADAAN UGU MUHIIMSAN TAHAY BILAHA KALE? Sababaha soo socda dartood:1. Waa bisha ugu fadli badan bilaha 2. ...
19/03/2024

MAXAY BISHA RAMADAAN UGU MUHIIMSAN TAHAY BILAHA KALE?

Sababaha soo socda dartood:
1. Waa bisha ugu fadli badan bilaha
2. Waa bishii Qur’aanka la soo dejiyey
3. Waa bisha Naxariista, Barakada iyo Dembi dhaafka
4. Waa bisha albaabada Jannada la furo
5. Waa bisha albaabada Naarta la xiro
6. Waa bisha Shayaadiinta la xirxiro
7. Waa bisha acmaasha wanaagsan la labalaabo
8. Waa bisha uu jiro hal habeen oo ka khayr badan kun bilood
9. Waa bisha uu Allah SWT Muslimiinta ka xoreeyo Naarta
10. Waa bisha Sadaqada iyo Taakulaynta Masaakiinta.

*Jadwal fiican aad raaci karto ramdanka oona ku anfacaya*1: xilli h**e seexo habenkasta 10pm2: waxaad soo kacdaa 3am 3:s...
11/03/2024

*Jadwal fiican aad raaci karto ramdanka oona ku anfacaya*

1: xilli h**e seexo habenkasta 10pm
2: waxaad soo kacdaa 3am
3:salatul layl ama tuhajid tuko 3:30am ilaa 4:15am
4: 10 ayadood oo quraanka kamid ah macnahooda baro ugu yaraan 20 daqiiqo, 4:15am ilaa 4:35am ducaysu ilaa 10 daqiiqo oo illhy wxaad rabid weydiiso 4:35am ilaa 4:45
5: saxuuro 4:45 am ilaa fajrka inta udhaxysa
6:markaa saxuurta cuntid kadib isku diyaari salaada subax
7: salad subax xiligeeda tuko
8:wxaa aqrisataa adkaru sabaax ilaa 6am
9: naso ilaa 7am kadibna isku diyaari malintaada
10:tuko saalatu duxaa ugu yaraan 4 rakcadood 9:00am ilaa 11:30 am
11:markasta quraanka dhagyso
12: salaada duhur xiligeeda tuko ducaysana ugu yaraan 20 daqiiqo
13: salaada casar xiligeeda tuko adraaku masaa'na aqri iyo quraan
14:ku afur mrky qorqxada dhacdo wxaa hystaid kadibna ducayso oo illahy waydiiso wx walba ad rabtid intaadan afurin kahor
15: tuko cishaha waqtigiisa sidoo kalena tuko taraawiixda ilaa 9:00pm
16:tarawiixda kadib 5 daqiiqo wxaa ka fakartaa malintaada sidey ahyd iyo wxa kuu qabsoomay nafsadaadana waydii suaalahan
Mxaa sameeyey ? Maxaa isbadal iiga baahan? Mxaan joojiyaa? Iyo maxaan bilaabaa o?

Intaasoo dhn kadib badi sadaqadaa bixinysid oo caawi dadka baahn
Illhy wxan ka baryeynaa ramadanka inuu cafimaad nagu gaarsiiyo

□ habka quranka ad ku dhamyn kartid 30ka jus 30malmood

Salada subax kadib :4bog
Salada duhur kadib : 4bog
Slaada casar kadib : 4bog
Slaada maqrib kadib :4 bog
Salaada cishe kadib : 4bog

□Habka aad ku dhamykartid 30ka jus 15 bari

Slada subax 8bog
Slada duhur 8bog
Salada casar 8bog
Salda maqrib 8bog
Slada cishe 8 bog

□Habka aad ku dhmayn kartid 30ka jus 12 malmood

Slada subax 10 bog
Salda duhur 10 bog
Slaada casar 10bog
Salda maqrib 10 bog
Slada cishe 10 bog

□Habka aad ku dhmyn kartid 30ka jus 10 malmood

Slada subax 12 bog
Salada duhur 12 bog
Slada casar 12 bog
Slada maqrib 12 bog
Slada cishe 12 bog

□Qaybataan wxaa logo talagaly dadaka Hankooda aadka usareeyo wxa ku dhamyn kartaa 30ka jus 6 maalmood

Salda subax 20 bog
Slada duhur 20bog
Salda casar 20 bog
Slada maqrib 20 bog
Slada cishe 20 bog

Fadlan ku faafi groupyada iyo dadka taqanid sabbatoo ah ma ogid ajarka kaheli kartid meku qof raaco taladan aad share greysey uuna quraanka dhameeyo

𝐈𝐬𝐤𝐚 𝐣𝐨𝐨𝐣𝐢 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐜𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚𝐧 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐮 𝐟𝐢𝐢𝐜𝐚𝐧𝐚𝐲𝐧.Kuwa la shiilay.1. Saanbuuska, Burka, Quraaca 2...
11/03/2024

𝐈𝐬𝐤𝐚 𝐣𝐨𝐨𝐣𝐢 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐜𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚𝐧 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐮 𝐟𝐢𝐢𝐜𝐚𝐧𝐚𝐲𝐧.

Kuwa la shiilay.
1. Saanbuuska, Burka, Quraaca
2. Bajiyaha, Malawaxa, Haanbaygarka
3. Shuwaarmada, Naalo Naalo ku laab
4. Saanwiijka, Isku dhuuqa, Jibiska

Kuwa a bow.
1. ice cream
2. iskiriinka/ jalaatada
3. barafka

Kuwa macaan.
1. Nac naca, Buskulka, Keega
2. Jukulaatada, Kac kaca, Doorshaha
3. Xalwada, Hariisada

Sharaabada aysiidha / sodhaha leh.
1. Faantada, Shaanida, kokoola.
2. Isbaraydka, Red bull

Kuwa cad cad.
1. Sonkorta, Milixda, Baruurta,

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧
𝐄𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐮𝐧𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨.

Borotiinada.
1. Hilibka, Digaaga/Doorada
2. Kaluunka, Beedka/Ukunta
3. Caanaha, Yogodka

Midhaha Cabitaanada ama Sharaabada.
1. Afkaadhada, Canbaha
2. Qunbaha, Liin macaanta
3. Liin dhanaanta, Mooska & muuska
4. Baytaraafka, Law'ska
5. Qaraha/xab xab, Cinabka
6. Tufaaxa, Sibiibta
7. Dacasaha, Tamaandhada
8. Baamiyaha, Shaaha cagaaran ( green tea)

Khudaarta cagaaran
1. Saladhka & asalaatada
2. Koostada, Begelka, Qajaarka
5. Kaabashka, Bocorka, Baamiyaha

Cuntooyinka baalka leh.
1. Biinaska, Fuulka, Digirta & gidirta
2. Gelayda, Misirta, Canbuulada
3. Salb, Qamandida, Garowga
4. Harakooga, Boorashka
5. Shuurada, Saloolka & daangada
6. Soorta, Xasiida.

Saliidaha.
1. Saliid qunbaha (Coconut oil)
2. Saliid sayntuunta (Olive oil)
3. Saliid lawska (groundnut oil or arachis oil)
4. Saliid mascarada(Sesame oil)

Kaarbohaydaraytiska.
1. Bariiska
2. Baastada
3. Cajeelada & laxooxda

DrAbdirashiid Dalab.

07/03/2024
07/03/2024

8 MARCH 2024 MAALINTA HAWEENKA

07/03/2024

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mubarak Medical Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram