18/01/2021
Calaamadaha Korona Fayras: Maxay yihiin, sideena nafteyda uga ilaalin karaa?
Waa la cusbooneysiiyay 8 Maajo 2020
Coronavirus ayaa ku baahay 177 dal ama geyi, wuxuuna dilay in ka badan 40,000 oo qof.
Sidaas darteed, muxuu yahay cudurka? side ayuu u faafaa? goormay dadku sii gudbin karaan?
Sideen nafteyda uga ilaaliyaa?
Sida ugu fiican waa in aad gacmahaaga si joogto ah u dhaqdo, waxaa wanaagsan inaad isticmaasho biyo iyo saabbuun.
Coronavirus wuxuu faafaa marka qof qaba uu qunfaco, qufac wata fayraska, kaas oo hawada sii raaca. Qof kale ayaa hawadaas ku neefsan kara sidaasna ku qaadi kara fayraska, waxaa kale oo laga qaadi karaa taabashada meel uu fayrasku gaaray, ka dibna aad gacantaada ku sii taabato indhaha, sanka ama afka.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah inaad tiish isticmaasho marka aad qufacayso amaba aad hindhiseyso, inaadan wejigaaga ku taaban gacmo aan dhaqneyn, aadna ka fogaato dadka fayraska qaba, taas oo ah yareynta faafitaanka xanuunka.
Marada wejiga lagu xirto si fiican kaagama ilaalineyso fayraska, sida ay sheegeen khubarrada caafimaadka.
Waa maxay calaamadaha coronavirus?
Coronavirus wuxuu ku dhacaa sambabbada. Calaamadaha waxay ka bilowdaan qandho, waxaa soo xiga qufac qallalan, kaas oo horseeda dhibaato dhanka neefsashada ah.
Waa qunfac is daba joog ah, oo uu qofku wadayo wax ka badan hal saac.
Shan maalmood ayay celcelis ahaan qaadataa in lagu garto calaamadaha, sida ay saynisyahannada sheegeen, balse dadka qaar ayaa laga yaabaa in maalmo intaas ka badan ay ku qaadato in laga arko calaamadaha fayraska. Xaqiiqdii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in muddada uu fayraska ku faafo jirka qofka ay qaadato illaa 14 maalmood.
Dhaqaatiirta ku takhasusay xanuunnada dhegaha, sanka iyo dhuunta ee ku sugan UK ayaa sidoo kale ogaaday in ay jiraan dad isku arkay xaaladda ah in dareenka dhadhanka ama urta ay ka tagt.
Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagayay in marka uu xanuunku ku dhacay ay awoodi waaye