Doctor Ismail Ahmed Dr Buwe

Doctor Ismail Ahmed Dr Buwe Waa page keyga saxda ah
waxaan idin so gudbin doonna muuqaalo Tala siin ah midaaso lagu ilaalinayo

HELLO DOCTORπŸ‘¨β€βš•οΈπŸ©Ί
17/10/2023

HELLO DOCTORπŸ‘¨β€βš•οΈπŸ©Ί

25/03/2023
MAHAD CELIN INAGA GUDOOMA ASXAABTENA QIIMAHA BADANπŸ™
25/03/2023

MAHAD CELIN INAGA GUDOOMA ASXAABTENA QIIMAHA BADANπŸ™

BIYAHA CALOOSHA GALA:-Waxa sababa!Calaamadaha lagu Garto!Daaweyntooda!
07/01/2023

BIYAHA CALOOSHA GALA:-
Waxa sababa!
Calaamadaha lagu Garto!
Daaweyntooda!

Note: Team Health Medical Workers
07/01/2023

Note: Team Health Medical Workers

SYPHILIS
06/12/2021

SYPHILIS

STAGES OF EMBRYOπŸ‘¨β€πŸ’»πŸ‘¨β€πŸ’»
13/10/2021

STAGES OF EMBRYOπŸ‘¨β€πŸ’»πŸ‘¨β€πŸ’»

19/05/2021

What is common name of Vitamin C

π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ π—§π—”π—Ÿπ—”π—”π—Ÿπ—žπ—” 𝗦𝗒𝗒 π—šπ—”π—”π—₯π—˜π—¬ 𝗔𝗙π—₯π—œπ—–π—” π—œπ—¬π—’ π—¦π—’π—’π— π—”π—Ÿπ—œπ—¬π—”π—•π—”.YAA SOO SAAREY TALAALKA ASTRAZENECA VACCINE?talaalkaan Oxf...
16/03/2021

π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ π—§π—”π—Ÿπ—”π—”π—Ÿπ—žπ—” 𝗦𝗒𝗒 π—šπ—”π—”π—₯π—˜π—¬ 𝗔𝗙π—₯π—œπ—–π—” π—œπ—¬π—’ π—¦π—’π—’π— π—”π—Ÿπ—œπ—¬π—”π—•π—”.

YAA SOO SAAREY TALAALKA ASTRAZENECA VACCINE?

talaalkaan Oxford-AstraZeneca waxaa si wada jir ah iskaga kaashadey in ay soo saaraan jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca.

Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal lamarsiiyo si loo isticmaalo,

YUU KA HAYSTAA LEYSINKA AH IN AY DADKA LAGU TALAALI KARO OO UUSAN WAX DHIBAATO AH LAHAYN?

Wakaaladda dawooyinka Yurub (EMA), Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, iyo hay'adda jaangooyaha dawooyinka ee Boqortooyada Ingiriiska dhammaantood waxay leeyihiin tallaalku waa badbaado ka hortag u ah Covid-19.

SIDEE AYUU U SAMEYSANYAHAY TALAALKAN SIDEESA U SHAQAYNAYAA?

saynisyahanada ayaa hide-side la yiraahdo spike protein oo ku dahaaran fayriska karoona soo qaadey dabadeed ku dhajiyey fayris kamida kuwa hargabka oo aad daciif u ah waxyeelana u geysaneyn jirka qofka ee loo yaqaano adenovirus,
fayriskaan ayaana u ekaanaya markaas fayriska keena Covid-19 sidaas ayuuna ku noqonayaa talaal,

marka sidaas loo diyaariyo ayaa qofka lagu durayaa talaalka dabadeed
isla marka uu jirka Soogalo waxa uu abaarayaa u nugyada isaga oo lasoo baxay spike protein,

markaas ayaa difaaca jirku falcelin sameynayaa waxa uuna soo saaraya Antibodies waxaana la Activate gareynayaa T-cells oo ah qayb katirsan difaaca jirka sidaas ayeyna ku bur-burinayaa fayriskii daciifka ahaa ee karoonaha u ekaa,

wixii ka danbeeya markaas jirkaadu waxa uu iska difaaci doonaa mustaqbalka Covid-19 maadaama uu difaaca jirkaadu uu bartey sida la iskaga difaaco.

TALAALKA ASTRAZENECA XINJIROOW DHIIGGA AH MIYUU SABABAA?

Xinjirowga dhiiggu wuxuu u dhici karaa si dabiici ah mana aha wax aan caadi ahayn. Laga soo bilaabo 10 Maarso, waxaa jiray 30 warbixinno oo xinjiro ka mid ah ku dhowaad 5 milyan oo qof oo la siiyay tallaalka guud ahaan Yurub - taas oo ka yar tirada laga filan karo inay si dabiici ah u dhacdo,

Wakaaladda dawooyinka Yurub (EMA) waxay sheegtey dhacdooyinkaan in ay dib u eegis ku sameyn doonto,

hay'adda Caafimaadka aduunku iyaduna waxa ay wali leedahay talaalkaan malahan wax dhibaato ah,

ku dhawaad 24 million oo ku nool UK ayaa qaatey talaalkaan wajigiisii koobaad mana jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeyn talaalkan ama xaalad khatar ah oo ay galeen markii ay qaateen.

SIDEE LOO QAATAA TALAALKAN?

Waxa la qaataa talaalkaan labo jeer waxaana loo dhaxaysiinayaa labadaas waqti inta u dhaxaysa 4 ilaa 12 asbuuc,
waxaana la siinayaa talaalkan oo qaadan kara sida ay WHO ay sheegtey qof kasta oo ka wayn 18sano,

BOQOLKIIBA IMISA AYAA LAGU QIYAASAA IN UU KA HORTAGI KARO COVID-19?

76% ayaa la qiyaasey in uu waxtar ka hortag ah u keeyahay Covid-19 marka aad qaadato cirbadda koobaad, kadib cirbadda labaad 12 asbuuc kadib marka aad qaadato xadigga ka hortagiisu waxa uu u kordhaya 82%.

MAJIRAAN TALAAL KALE OO KA WAXTAR FIICAN ASTRAZENECA?

Haa waa jiraa mid xaddiga ka hortagiisa uu yahay 95% waxaana lagu magcaaba pfizer lkn waxaa looga doorbidey oo kan looga qaybinayaa aduunyada waa in talaalka astrazeneca oo ah kan hada dunida inteeda badan gaarey uu heer kulka lagu keediyo uu yahay midka caadiga ah,

halka kan Pfizer uu ubaahanyahay in lagu keediyo xadi kabadan -80Β°C.

TALAALKA SOOMAALIYA LA KEENEY

talaalkaan Soomaaliya la keeney AstraZeneca waxa uu soo marey machad ku yeelaa Hindiya oo hubin labaad Soomariyey laguna farsameeyey,
waxaana hada laga bilaabey isticmaalkiisa dalalka Bangladesh, Canada iyo dalal kale oo badan oo carbeed.

dhibaatada xinjirowga waxa laga soo sheegayaa talaalada tooska looga soo qaatey UK ee aan soo marin hubinta India,

Aniga aragtideyda ka Dr amen ahaan waan qaadan lahaa talaalkaan hadii uu isoo gaaro,

dadka ugu horeeya oo ay waajibka tahay in ay qaataana ay yihiin Shaqaalaha iyo xirfadlayaasha Caafimaadka.

umadda Soomaaliyeed waan kula talin lahaa in ay qaataan talaalkaan maadaama uu yahay talaal waxtar badan u leh ka hortagga Covid-19.

aysan ilaa hadana jirin dhimasho ama xaalad khatar ah oo soo wajahdey dadkii lagu durey talaalkaan hubinta India soomarey ee dunida oo dhan gaarey.

Adiga ma qaadan lahayd talaalkan hadii aad hesho?

gaarsii fariintaan umadda Soomaaliyeed adiga oo mahadsan sida aan kuusoo gaarsiiyey si ay uga faaiideystaan.

W/Q Dr Buwe

SHARE SHARE SHARE SHARE SHARE SHARE

FAAIDADA TOONTAToontu waxay dajisaa1. Dhiigkarka2. Kalastroolka3. NeerfayaashaWaxay siyaadisaa ama xoojisaa1. Xusuusta2....
31/12/2020

FAAIDADA TOONTA

Toontu waxay dajisaa
1. Dhiigkarka
2. Kalastroolka
3. Neerfayaasha

Waxay siyaadisaa ama xoojisaa
1. Xusuusta
2. Difaaca jirka
3. Hurdada
4. Socodka dhiiga gaar ahaan xididada
5. Dareenka

Waxay daawo u tahay
1. Hargabka soo noqnoqda
2. Cudurada wadnaha
3. Cudurada lafaha
4. Cambaarta iyo finanka
5. Cudurada maqaarka
6. Baasabiirka

Waxay yaraysaa
1. Lalalabada
2. Muuqaalka gaar ahaan dadka u muuqda inay da'dooda ka wayn yihiin
3. Miisaanka iyo xeyrta caloosha
4. Lafa xanuunka

Waxay u daran tahay
1. Qofka beerka ka xanuunsan
2. Qofka dhiig baxaya

Waxaa la cunaa
1. Subaxdii
2. Quraacda kahor qofka oo baahan
3. Maalintii hal xabo

Waxaa fiican tahay
1. In sideeda loo cuno
2. In la jarjaro sida kaniini loo liqo

Waxay dishaa kana takhalustaa
1. Bakteeriyada
2. Virus-ka
3. Gooryaamada caloosha


Hadii Aad Wada Akhirsatay Gaarsii Walaalaha Kale Si Uga Faaiidaystaan

Address

Mogadishu

Telephone

+252618799568

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Doctor Ismail Ahmed Dr Buwe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Doctor Ismail Ahmed Dr Buwe:

Share

Category