SNU Health Science Students Association

SNU Health Science Students Association ๐’๐๐”๐‡๐’๐’๐€ waxaa ku midaysan dhamaan ardayda dhigata kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee ๐‰๐”๐’

Goor dhow filo Xubnaha Gudiga Doorashada Ee midowga Ardayda Kulliyadda health sciecene
12/04/2026

Goor dhow filo Xubnaha Gudiga Doorashada Ee midowga Ardayda Kulliyadda health sciecene

Hambalyo Sanad-guurada 66aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดMaanta waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa...
12/04/2026

Hambalyo Sanad-guurada 66aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Maanta waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed sanad-guuradooda 66aad ee kasoo wareegtay aas-aaskooda. Waa geesiyaal u taagan difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo sugidda amniga shacabka, iyagoo maalin iyo habeen gudanaya waajibaad culus oo qaran.

Waxaa waajib nagu ah in aan garab istaagno ciidankeena, maadaama ay bulshada u hayaan howlo adag oo naf-hurid leh. Taageeradooda iyo dhiirrigelintooda waa masuuliyad saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Alle ha xifdiyo ciidankeena. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

KU: Mohamed Dahir AbdiOG: Guddoomiye Ku-xigeenka midowga Ardayda Kulliyadda Health sciecene  UJEEDO: Xil ka QaadisGuddoo...
11/04/2026

KU: Mohamed Dahir Abdi
OG: Guddoomiye Ku-xigeenka midowga Ardayda Kulliyadda Health sciecene

UJEEDO: Xil ka Qaadis

Guddoomiyaha ardayda Kulliyadda HS

Kadib markuu ogaaday in uusan gudaneyn waajibaadkiisa shaqo, markuu garwaaqsaday muhiimada ay leedahay xoojinta adeegyadda ardayda ee kulliyadda.

Markuu latashaday G. ku xigeenka midowga ardayda kulliyadda Health Science, sida ku cad dastuurka Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science, gaar ahaan Cutubka 4aad, Qodobka 2aad, Faqraddiisa (T), waxa uu xilka ka qaaday madaxa waxbarashada midowga ardayda kulliyadda Health Science Mohamed Dahir Abdi.

Wareegtadaan waxay dhaqan galeysa markuu guddoomiyaha saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
snuhssa@student.snu.edu.so
Madaxda warbahinta
Nasra Abdifitah Elmi

Maalinta Caafimaadka Adduunka โ€“ 7 April 2026:Maanta oo ku beegan 7-da April 2026, waa Maalinta Caafimaadka Adduunka, maa...
07/04/2026

Maalinta Caafimaadka Adduunka โ€“ 7 April 2026:

Maanta oo ku beegan 7-da April 2026, waa Maalinta Caafimaadka Adduunka, maalin muhiim ah oo lagu xasuusto qiimaha caafimaadku u leeyahay nolosha aadanaha. Caafimaadku ma aha oo kaliya jir caafimaad qaba, balse waa maskax iyo bulsho isku dheelitiran. Waa fursad aan ku dhiirrigelinno bulshada in ay qaataan nolol caafimaad leh, ka hortagaan cudurrada, isla markaana kor u qaadaan wacyiga caafimaad ee bulshada.

Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science Jaammacadda ummadda somaliyeed, waxay si joogto ah uga qayb qaateen adeegyo iyo ololeyaal kala duwan oo ka dhacay bulshada dhexdeeda, iyagoo door weyn ka qaatay kor u qaadista wacyiga iyo horumarinta caafimaadka bulshada, taasoo muujinaysa masโ€™uuliyadda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.

Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science waxa ay ugu baaqayaan dhammaan bulshada in ay mudnaanta siiyaan caafimaadkooda, kana shaqeeyaan horumarinta adeegyada caafimaadka si loo helo bulsho caafimaad qabta oo horumarsan.

โ€œA healthy outside starts from the inside.โ€

Midowga ardyda kulliyadda Health Science ayaa qabtay seminar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa Mastering Communication Skil...
06/04/2026

Midowga ardyda kulliyadda Health Science ayaa qabtay seminar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa Mastering Communication Skills and Public Speaking, kaas oo uu soo jeediyay ustaad Farah Abdi Osman oo kamid ah maamulka kulliyadda. Tababarkan wuxuu si weyn diiradda u saaray horumarinta xirfadaha isgaarsiinta iyo awoodda hadalka ee ardayda, taas oo ah xirfad muhiim u ah qof kasta oo ku jira goobaha caafimaadka.

Intii uu socday tababarka, ardayda waxaa la siiyay faham qoto dheer oo ku saabsan sida loo dhiso kalsoonida nafta marka hortiisa la joogo dad badan, iyo sida hadalka loo habeeyo si uu u noqdo mid saameyn leh oo si fudud loo fahmi karo. Sidoo kale, waxaa la baray xeelado wax ku ool ah sida adeegsiga codka, luqadda jirka (body language), iyo sida loo yareeyo cabsida hadalka hortiisa dadweynaha.

Seminarkan ayaa si weyn uga faaโ€™iideysteen arday badan oo ka tirsan kulliyadda, kuwaas oo ka helay aqoon iyo waayo-aragnimo kor u qaadaysa kalsoonidooda iyo kartidooda hadalka. Ugu dambeyn, wuxuu noqday fursad qiimo leh oo lagu kobcinayo xirfadaha lagama maarmaanka u ah mustaqbalka shaqo ee ardayda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
snuhssa@student.snu.edu.so
Madaxa warbaahinta Nasra Abdifitah Elmi

Hambalyo iyo Bogaadin Ardayda Kulliyadda Health Science โ€“ CabudwaaqWaxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direyn...
05/04/2026

Hambalyo iyo Bogaadin Ardayda Kulliyadda Health Science โ€“ Cabudwaaq

Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa ardayda Kulliyadda Health Science ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, qaybteeda Cabudwaaq, gaar ahaan Batch 6 oo ka kala tirsan Department-yada Public Health iyo Nursing, kuwaas oo si guul leh u difaacay buugtooda qalin-jabinta. Ardaydan ayaa soo bandhigay cilmi-baarisyo aad u qiimo badan, taasoo muujinaysa dadaalkooda, kartidooda, iyo heerka aqooneed ee ay gaareen.

Guushan waa mid mudan in lagu faano, waana tallaabo muhiim ah oo idiin fureysa mustaqbal ifaya iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.

Ilaahay ha idiin barakeeyo cilmigiinna, hana idiinka dhigo mid anfaca diinta, dalka, iyo bulshada Soomaaliyeed. Ilaahay ha idin fududeeyo marxaladaha xiga ee nolosha, hana idinka yeelo kuwa bulshada wax tar u noqda. Aamiin.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
snuhssa@student.snu.edu.so

Madaxa warbaahinta
Nasra Abdifitah Elmi

OGEYSIISSiminaar ku saabsan Xirfadaha Isgaarsiinta iyo Hadalka DadweynahaWaxaa si diirran loogu martiqaadayaa dhammaan a...
04/04/2026

OGEYSIIS

Siminaar ku saabsan Xirfadaha Isgaarsiinta iyo Hadalka Dadweynaha

Waxaa si diirran loogu martiqaadayaa dhammaan ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo qof kasta oo xiiseynaya horumarinta naftiisa, ka qaybgalka siminaar aqoon-kororsi ah oo cinwaankiisu yahay:
โ€œMastering Communication Skills and Public Speakingโ€

Siminaarkan oo ah mid aad muhiim u ah dhisidda kalsoonida nafta iyo horumarinta xirfadaha hoggaamineed, waxaa inoo soo jeedin doona aqoonyahan leh khibrad dheer oo ku saabsan kobcinta awoodda qofka iyo xirfadaha isgaarsiinta.

Faahfaahinta Siminaarka:
โ€ข Soo-jeediye: Farah Abdi Osman
(BBA, MBA, TOT & Senior Lecturer at SNU)
โ€ข Goobta: Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) โ€“ Faraca KM4
โ€ข Taariikhda: Isniin, 06 Abriil 2026
โ€ข Xilliga: 10:00 AM ilaa 12:00 PM

Mawduucyada Diiradda lagu Saari Doono:
โ€ข Sida looga guuleysto cabsida hadalka dadweynaha (Public Speaking)
โ€ข Xirfadaha wada-xiriirka wax ku oolka ah (Effective Communication)
โ€ข Luqadda jirka (Body Language) iyo saamaynta ay ku leedahay fariintaada
โ€ข Hababka loo diyaariyo khudbadaha soo jiidashada leh

Qaban-qaabada:
Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)

Kaalay oo ka faaโ€™iidayso fursaddan qiimaha leh si aad u horumariso xirfadahaaga isgaarsiineed iyo kalsoonidaada

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
snuhssa@student.snu.edu.so
Madaxa warbaahinta Nasra Abdifitah Elmi

04/04/2026

Qaabka uu dood wadagu udhacay

02/04/2026

Suโ€™aalaha dooda dhaxtaalay ee sida tan aheed

Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ardaygu la kulmo inta uu ku jiro safarka waxbarashada, sideese looga gudbi karaa?

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 30/03/2026, Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science ayaa markii ugu horreysay si rasmi a...
30/03/2026

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 30/03/2026, Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u qabtay dood-wadaag muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa:

โ€œBeyond the Degree: Navigating the Students Journey.โ€

Dooddan ayaa noqotay mid aad u qiimo badan, iyadoo ardaydu ka faaโ€™iideysteen aqoon iyo khibrado la wadaagay, isla markaana ay isweydaarsadeen suโ€™aalo muhiim ah oo la xiriira safarka waxbarasho iyo caqabadaha ku xeeran. Ujeeddada dooddan waxay ahayd in la xoojiyo wadaagista aqoonta iyo aragtiyada, si ardaydu uga helaan faham qoto dheer oo ku saabsan mustaqbalkooda.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Health Science ayaa si gaar ah ugu mahadcelinaya team-ka panel-ka sida hufan oo quruxda badan ee ay uga qayb qaateen dooddan, taas oo ka dhigtay mid guul leh oo wax ku ool ah.

Tani waa bilow wanaagsan oo muujinaya dadaalka lagu horumarinayo aqoonta iyo wada-shaqeynta ardayda kulliyadda.

Madaxa warbaahinta Nasra Abdifitah Elmi
โ€” DHAMMAAD โ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Midowga Kulliyadda HSSA ee JUS
๐Ÿ“ง E-mail: snuhssa@student.snu.edu.so

Presenter: Yussuf Hareed Abdi Topic: Beyond the degree: Navigating the students journey
25/03/2026

Presenter: Yussuf Hareed Abdi

Topic: Beyond the degree: Navigating the students journey

Address

Vina Uta Street, 252 Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNU Health Science Students Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share