12/06/2021
WAA MAXAY TAABUU ???
Guud ahaan nuucyada tubaakada aan qaaca lahayn waxaa leysku yiraah Smokeless to***co.
Taabuu- oo ah tubaakada hada inta badan si xun usaameysay dhalinyarada waxbarata ayaa loo isticmaalaa in lagashto ciridka iyo daanka inta u dhexeysa. Magacyada looyaqaan taabuuga ama tubaakada aan qaaca lahayn waxaa kamid ah: Chewing To***co, S***f, Snus tobbacco.
WAA MAXAY QATARTA CAFIMAD E AY LEEDAHAY?
Tubaakadaan waxa ay ka qatar badantahay sigaarka iyo nuucyada kale ee tubaakada, maxaa yeelay waxa ey ka sameysantahay maadada NICOTIN (nikotayn) Waa maado aad qatar ugu ah caafimaadka. Guud ahaana sigaarka iyo tubaakada noocyadeeda waxaa kujira maadadaan (nikotayn). Sababta ey uga qatar badantahay ayaa ah in si toos ah dhiicaankeedu u nuugayo jirka in kabadan sigaarka.
MAXAY KU SABABI KARTAA?
●Cancer: tubaakooyinka la saarto ama la ruugo waxaa kujira 28 nuuc oo sababi kara kanser, kansarkana qofka waxa uu uga dhici karaa: Afka, Faruuryada, Carabka, Ciridka, Hunguriga.
●Tooth Decay (ilko qurun/ilko burbur): waa waxa ugu badan ee lagu arko dadka isticmaala muqaadaraadkan.
●Gum Disease(ciridka oo bukooda):Meesha la saaray tubaakadan(Taabuu) ayaa go’da gabi ahaan markii uu qofka isticmaalkeeda joogteeyo.
●Heart Disease(cudurada wadnaha): waxay intabadan sababtaa in qofka wadnaha
YAA U DHINTAY?
Wuxuu ahaa arday dhigta dugsiga sare lakiin waxaa musiiba ku noqotay isticmaalka muqaadaraadka gaar ahaan midka afka lasaarto(Taabuu). Waxa aan arki jirnay asaga oo aad u dhacdhacayo oo ku haaya iidhiib-iidhiiba aad ayuu udaalanaa rafaadkeeda ayaana indhihiisa iyo wajigiisaba laga aqrisan karay. Nasiib darro maalin anagoo iskuulka joogna ayaa noola sheegay in habeenimadii xalay ahayd Afka iyo Sanka dhiig uu kakeenay, oo hooyadii subixii irida dhiig socda ku aragtay, markii qolka lafurayna asagoo Dhintay loo tagay!!!
Waa xaqiiq dhab ah waxaan kaqabtay qisadaan mucjisada ah arday la dhigtay iskuulka.
UGU DAMBEYN;
Diinteena islaamka waxa ey mamnuucday guud ahaan wax waliba oo maskaxda dooriya.
Muqaadaraadka waxaa isticmaala dadka nolosha kadhacay(Cabtooy, Tuug, Daroogo iibiye), Makulatahay in qof arday ah uu noloshiisa ku haligi karo qatartaan.
Hadii aad isticmaashay mar waad joojin kartaa.
Adiga maxaad kataqaanaa muqaadaraadka noocaan a? Yaana looga baahanyahay in ey wax kaqabtaan dhibaatadaan?
TUXRAAC: Weybaha cilmiga ah waxaan ka soo xigtay:The University of Texas at Austin.