04/04/2024
Noocyada Daawada INSULINT-tu waa Shan Nooc:
1. Nooca koobaad oo loo yaqaan oo uu bukaanku qaadanayo 15 minutes ka hor cuntada, kuna jiraysa jidhka 3 ilaa 4 saacadood taas oo saxda sonkorta dhiiggu markuu qofku wax cuno.
2. Nooca labaad oo loo yaqaan oo uu bukaanku qaato 30 minute ilaa hal saac ka hor cuntadada, kuna jiraysa jidhka 6 ilaa 8 saac taas oo iyana ilaalisa ina aanay sonkorta dhiiggu kicin cuntada ka dib, waxaanu bukaanku isku mudayaa saddexda jeer ee cuna qaadashada ( , iyo )
3. Nooca saddexaad waxaa loo yaqaan oo uu bukaanku qaadanayo laba xili sida subixii iyo habeenkii, waxaanay ku jiraysaa jidhka 12 ilaa 16saacadood taasoo ilaalisa sonkorta dhiiga xiliyada aanu qofku waxba cunayn.
4. Nooca afraad waxaa loo yaqaan waxaanu bukaanku qaataa hal wakhti uun sida habeenkii oo kaliya, waxaanay ku jirtaa jidhka mudo 24 ilaa 36 saacadood taasoo ilaalinaysa sonkorta dhiigu in aanay kicin xiliyada aanu bukaanku waxba cunayn.
5. Nooca shanaad ee insulinta waxaa loo yaqaan , waa nooc isugu jira nooca labaad iyo nooca saddexaad, noocan waxaa la qaataa laba jeer, taasoo ah nooc saxda sonkorta dhiiga cuntada ka dib iyo cuntada ka hor.
:- nooca saddexaad iyo nooca afraad ee insulinta kaligood lama qaato, maxaa yeelay ma saxi karaan kicidda ku timaadda sonkorta dhiigga cuntada ka dib sidaas daraadeed waxaa lala qaataa labada nooc ee h**e ee insulinta ah kuwaas oo iyagu saxa sonkorta dhiiga cuntada
Dr. Ali jey