Hanad Clinic Center

Hanad Clinic Center Hanad Clinic waxaad ka heleysaa warbixino Caafimaad iyo Wacyi gelin Joogto ah.

Hambalyo.Dhamaan ummadda Islaamka ah waxaan ugu hambalyeynayaa bilashada sanadka cusub ee Hijriga 1446 oo caawa bilowday...
06/07/2024

Hambalyo.
Dhamaan ummadda Islaamka ah waxaan ugu hambalyeynayaa bilashada sanadka cusub ee Hijriga 1446 oo caawa bilowday, waxaan Allah weydiisaneynaa inuu nooga dhigo mid caafimaad, barwaaqo iyo Nabad noo ah.
Sanad Wanaagsan.

Iska ilaali caanaha shirkadda nestleSaw maad arag caruur aad u yar yar oo qaba xanuunka macaanka iyaga oo aan waalidkood...
19/04/2024

Iska ilaali caanaha shirkadda nestle

Saw maad arag caruur aad u yar yar oo qaba xanuunka macaanka iyaga oo aan waalidkood lahayn? Ma is waydiisay waxa hadda keenay ee sannadadii h**e loo arki waayey?

Haddaba adduun yaab k**a dhammaadee, sida lagu sheegay warbixin uu Arbacadii daabacay wargeyska caanka ah ee The Guardian, waxa la ogaaday in shirkadda Nestle ee soo saarto caana Naadigo ay dalalka faqiirka ah u soo dhoofiso caano Niido laga soo buuxiyey sonkor si loo yareeyo maaddooyinka kale tayda leh ee caanaha kagu dari lahaa.

Halkan ka akhri

https://amp.theguardian.com/global-development/2024/apr/17/nestle-adds-sugar-to-infant-milk-sold-in-poorer-countries-report-finds

Waxay lee yihiin markii shay baadh la geliyey caano Niido laga soo qaaday dalalka horumaray iyo kuwa Galbeedka waxa la ogaaday in daasaha Afrika ay yihiin sonkor la moor gareeye oo aanay caanoba ahayn!

Warbixinta in dalalka baadhitaanka lagu sameeyey ee caanaha bilaa tayda ah loo dhoofiyey ay ka mida Bangaladhiish Hindiya, Baakistaan, Koonfur Afrika, Itoobiya iyo Taylaan.

Daasad walba oo caano Niidooya oo waddamadan loo dhoofiyo waxa laga helay 6 Garaam oo sonkora taas oo kaba badan xaddigii naqada ee ku jiri lahayd.

Tani waxay sababtay in caruurta caanahan la siiyo ay ku dhacaan macaan iyo in ay si daran u naxaan iyaga oo yar yar!

Shirkadda waxay leedahay faddeexaddu maaha mid been ah waxannuse ku dedaalaynaa in aannu dib u saxno, waa goorma waa goor ciyaalkii sonkor laga dhergiyey!

Nestle oo ah shirkad caana baa sidaa samaynaysee ka warran kunka shirkadood ee aan lahayn tix raac? Imisa sun oo kale ayay ka soo buuxin karaan?

Khubarada cuntadu waxay ku talinayaan in caruurta la siiyo naaska hooyada oo laga fogeeyo caanaha moorsan ee la keeno waddamada Faqiirka ah.
Ilaahow na ammaanso.
Jamac shube.

INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.Dhamaan bahda Hanad Clinic Center waxay tacsi u dirayaan ehelka,qaraabada iyo bahdi...
10/04/2024

INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Dhamaan bahda Hanad Clinic Center waxay tacsi u dirayaan ehelka,qaraabada iyo bahdii Caafimadka ee uu ka baxay Dr Muumin Cumar Kulmiye oo saakay ku geeriyooday magaalaa Muqdisho Samir iyo Iimaan.

09/04/2024

Eid Mubarak to All Muslims.

CIID MUBAARAK.Dhamaan bahda Hanad Clinic Center  waxay ugu hambalyeynayaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan Shacabka Sooma...
09/04/2024

CIID MUBAARAK.
Dhamaan bahda Hanad Clinic Center waxay ugu hambalyeynayaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Munaasabada Ciidul Fitriga waxaan Allah weydiisaneynaa inuu naga aqbalo acmaashii iyo cibaadadii aan soo gudanay.
CIID MUBAARAK.

Vitamin d deficiency ilmaha yaryarLixdii bilood ee u danbaysay tiro dhan 200 oo caruura oo igu soo booqday xarunta caafi...
07/04/2024

Vitamin d deficiency ilmaha yaryar

Lixdii bilood ee u danbaysay tiro dhan 200 oo caruura oo igu soo booqday xarunta caafimaadka ee Daa’if Pediatrics Clinic una dhaxeeya 6 bilood ilaa 18 sanno ayaanu eegnay vitamin D gooda.

75% xadigii laga rabay inuu noqdo vitamin D gu wuu ka hooseeyay. 3 caruura iyagu aad buu u hoseeyay oo waxay lahaadeen lafo aad u jilicsan ( Rickets ). Saddex daas caruura, hal mid oo kaliya ayaa dawadiisa sidiisa u dhamaystay oo lafihiisii hagaageen. Labadii kale igumay soo noqon!

Da’da 5 jir ilaa 10 jir ayaa ugu hooseeyay xadiga Vitamin d ga jidhka, celcelis ahaana hablaha ayaa ka vitamin D hooseeyay wiilasha. Waxa kaloo muhiim ahayd in hooyooyinka wax bartay, ugu yaraan ka baxay dugsi sare ay caruurtooda vitamin D goodu ka wacnaa kuwa aan waxba baran, ama kuwa ka yimi meelaha tuulooyinkaa.

Isku soo wada duub, inagoo helna cadceed badan ayaa hadana Vitamin D geenu hooseeyaa. Maxaad u malanaysaa sababtu inay tahay?

Ma taqaanaa waalid faa’idada Vitamin D gu ilmahaaga yar u leeyahay?

Ma siisaa Vitamin D ilmahaaga ? Ma taqaanaa cuntooyinkuu ku badan yahay?
✍️ Dr nuuradiin garaad

07/04/2024

Ma isku aragtay markaad hurdada sii galaysid ama ka soo toosaysid in aadan far dhaqaajin karin oo adan hadli karin, laakiin aad dareemaysid inaad soo jeedo oo wixii dhacayo la socotid?, Ma isku daydaa inaad wacdid qofka ku agjooga?Markuu ku maqli waayane quraan iyo duco niyadda ma ka akhrisataa? Ma dareentaa in feeraha culeys kaa saaran yahay ama in lagu ceejinayo oo kale kadibne ashahaadada ma isku boobtaa? casharkaam adiguu ku khuseeyaa ee ka faa'idayso lana wadaag bulshada.

𝗛𝗔𝗟𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗔𝗪𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗟𝗔’𝗜𝗦𝗞𝗨 𝗖𝗔𝗗𝗘𝗘𝗬𝗢Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo...
06/04/2024

𝗛𝗔𝗟𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗔𝗪𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗟𝗔’𝗜𝗦𝗞𝗨 𝗖𝗔𝗗𝗘𝗘𝗬𝗢

Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo ay sii kala daranyihiin oo ay jiraan qaar halis ah oo keeno kansarka maqaarka iyo dhibaatooyin kalaba.

Daawooyinka la isku caddeeyo waa dhowr nuuc wayna kala daran yihiin:

1- Nuuc lagu daray daawada loo yaqaano "Steroid-ka" waa daawo lagu daaweeyo xanuuno badan oo jirka ku dhaca, waxaana laga qaataa qiyaas loogu talagalay, qofkane joogto looma siiyo maadaama ay waxyeello jirka u gaysato, laakiin daawooyinka la isku caddeeyo waxaa lagu soo daraa qiyaas aad u badan oo daawadaan ah iyadoo halis galinayso qofka caafimaadkiisa.

2- Nuuc ka samaysan waxyaabo yareeya midabka maqaarka ee loo yaqaano "Melanin" waxyaabahaas oo qaarkood mamnuuc ka ahd dunida oo aan lagu soo dari karin laakiin shirkadaha qaar way ku soo qariyaan, waxaana ka mid ah maadada loo yaqaano "Mercury" oo sun ah haddii jirka u gudubto waxayna keentaa Kansarka maqaarka.

Ma jiro kareem ka samaysan fitamiino ama qudaar ama wax dabiici ah oo maqaarka badali karo, dad ayaa si qaldan u aaminsan in wixii ku qoranba geed-daaweed ama dabiici in ay sax tahay in la marsado, iska ilaali waa istraatiijiyo ay shirkada qaarkood u adeegsadaan suuq-geynta daawooyinkooda.

Dhibaatooyinka ugu caansan ay daawooyinkaan keenaan waxaa ka mid ah:
* Maqaarka oo midabka ka guuro oo u soo laaban waayo.
* In maqaarka uu khafiif noqdo oo halis ugu jiro dhaawac kasta oo fudud inuu u adkaysan kari waayo, markuu dhaawac gaarane uusan bogsoonin ama haar yeesho oo aan fuqaynin.
* Midabka maqaarka oo kala duwan, jirka midabkiisa oo aanan isku ekeyn maadaama daawada la mariyay ay si isku mid ah u badalin midabka.
* Maqaarka oo gaduuto ama nabro yeesho ama markii cadceedda ku dhacdo huro, kadibne yeesho nabro isku badali karo kansar.
* Cuncun siyaado ah oo aadan xoqi karin haddii kale maqaarka fiiqmo.
* Jirka oo xasaasiyad ka qaado daawada la mariyay, wuxuuna billaabaa barar iyo hur, kaasoo halis galin kara maqaarka oo idil, waana dhibaatada ugu badan ee isku arkaan dadka isticmaalo.

Daawooyinka la isku caddeeyo qaabka ay u shaqaynayso waa qaab ay ku yarayneyso ama u baabi'neyso midabka Melanin ee ku jira unguyada maqaarka iyadoo is baddal ku samaynayso taasoo caafimaad ahaan halis ah maxaa yeelay unugga markii la badalo waxaa yaraanayso dulqaadkiisa u leeyahay waxyaabaha ku hareyreysan jirka sida: kuleelka, qabowga, dhididka, caabuqa iyo waxyaabo kale.

Boqolkiiba 90% kiimikooyinka la isku caddeeyo in ay ku jiraan labo maaddo oo aad halis ah oo ka mamnuuc ah wadamada qaar, maadooyinkaas oo kala ah: Mercurous chloride iyo Hydroquinone.

Badanaa daawooyinka la isku caddeeyo ee laga helo soomaaliya iyo dunida sadaxaadne waa kuwa noocaan ah.

𝐓𝐚𝐥𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐭𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚:

Ilaahay ha looga cabsado maqaarka aad hugan tihiin, isagaa idin siiyay idinkana xisaabtami doono, ha qaadanin go'aan aad ka shalaayi doontid mustaqbalka.
Diraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday boqolkiiba 80% dadka isticmaalay daawooyinka la isku caddeeyo in ay ka shallaayeen waqti dambe, taasoo ka noqosho lahayn.
Ilaahaygii kuu hibeeyay oo ku siiyay midabka aad ku dhalatay, ku mahadi oo ku dadaal ilaalinta iyo nafaqaynta maqaarkaas, ka fogow wixii caafimaadkaaga iyo muuqaalkaagaba halis galin doono mustaqbalka.
Caqli yeelo ee ha ku dhicin dabinka shirkadaha ka macaasho kareemyadaas, Babay-ga ama Qajaarka laguugu soo sawiray kareemka dushiisa si laguu siro, maad isticmaashid iyagoo dabiici ah haddii dabiici jaceel kaa tahay.
Waxaan la kulmay gabdho badan iyo haween qarash ku bixinaya sidii ay isaga daaweyn lahaayeen dhibka ka soo gaaray daawooyinkaas.

Fadlan haddii cillad maqaar qabtid, kala xiriir dhakhtar isagaa kaala talin doono.

W/Q: somali Doc.

Bismillah,Cambuhu waa midho macaan oo cunno iyo cabitaan ahaanba loo isticmaalo, wuxuu aad uga baxaa dalkeena iyo meelo ...
05/04/2024

Bismillah,

Cambuhu waa midho macaan oo cunno iyo cabitaan ahaanba loo isticmaalo, wuxuu aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kaloo dunida ka mid ah. Cambaha wuxuu ku jiraa midhaha ugu caafimaadka badan ee la cuno.

Waxaan halkaan ku soo aruuriyay faa'idooyinkiisa caafimaad khaasatan kuwa cilimibaaris ahaan loo ogaaday:

Cambaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan, taasoo tamar iyo caafimaad bini'aadanka uu ka helo sida fitamiinnada kala duwan, macdanta botasiyam, magniisiyam, birta iyo siliniyam.
Inkastoo cambuhu uu macaan yahay laakiin wuxuu xakameeyaa heerka hormuunka loo yaqaano Insulin-ta ee hoos u dhiga sokorta.
Cambaha waxaa ka buuxo maadada buunshaha ee "Fiber" loo yaqaano, sidaa awgeed wuxuu daawo iyo ka hortagba u yahay calool fadhiga.
Cambaha wuxuu nafaqeeyaa bakteeriyada nuuca faa'idada leh ee mindhicirrada ku jirta taasoo jirka ku caawisa nuugista nafaqooyinka qaar ee cunnada laga helo.
Cambaha waxaa ku jira dheecaan-burburiye "Enzymes" qaabilsan sokorta, borotiinka iyo dufanka, sidaa darteed ma keeno daaco quran iyo dheefshiid xumo.
Cambaha waxaa ka buuxa macdan loo yaqaano "magnesium" oo muhiim u ah murqaha wadnaha iyo xak**ayta dhiig-karka.
Cambaha wuxuu xoojiyaa dhambaallada maskaxda iyo neerfaha, sidaa darteed wuxuu u roon yahay dadka madaxa jugta ka gaartay iyo dadka ku dahcay faalijka.
Cambuhu waa sunsaare "Antioxidant", wuxuu kaloo caawiyaa shaqada unugyada dhiigga cadcad iyo kuwa cascas.
Cambaha wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, cilmibaaris mardhaw la sameeyane waxaa cambaha laga soo saaray maaddo Alle ku abuuray oo loo yaqaano "mangiferin", maadadaan waxaa la arkay in looga hortago kansarka naasaha iyo malawadka ku dhaco. Sidaa darteed waxay dhakhaatiirta ku taliyaa in cambo cunista la badsado si looga hortago cudurrada Kansarka.!
Cambaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kaasoo dowr wayn ka ciyaaro difaaca jirka iyo ka hortagga cudurrada fayraska uu keeno sida hergabka oo kale.
Cambahada wuxuu yareeyaa dhaawacyada kolestaroolka uu gaarsiiyo xididada jirka.
Cambaha waxaa ku jira maaddo saxdo khaladaadka ka dhaco DNA markay qeybsamayso, taasoo muhiim u ah samaysanka unugyo cusub.
Sidoo kale cambaha waxaa ku jira fitamiinka A oo sida la wada ogyahay muhiim u ah aragga iyo caafimaadka indhaha.
Qolofta cambaha waxaa ku jira maaddo joojiso samaysanka baruurta jirka, waxayna ka hortagtaa cayilka, diraasadaan waxay ku talinaysaa in qolofta lagu cuno cambaha oo aan laga fiiqin.
Fitamiin K oo cambaha ku jira wuxuu xoojiyaa, tayane u yeelaa lafaha.
Sidoo kale cambaha waxaa ku jiro maadada birta ee dhiigga laga sameeyo, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay dhiig-yarida.
Diraasada lagu sameeyay awoodda cambaha ee dhinaca taranka ragga waxaa la arkay inuu kordhiyo xawaaraha iyo tayada shahwada.

Bismillahi..Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dh...
04/04/2024

Bismillahi..

Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dhir kale oo qiimo badan ku fadhiso laakiin nasiib xumo dadkeena aysan aqoon badan u lahayn, iyagoo beeran kara hadane aysan beeran.

Waa geedka "HURUUDKA".

Huruudka waxaa lagu tiriyaa geedaha ugu caansan dhinaca daaweynta iyo ka hortagga cudurro dunida dhibaato badan ku hayo, waa geed aad loo diraaseeyay illaa iyo haddane la qiyaasayo in laga diyaariyay in ka bada 6,000 oo cilmibaaris qiimo leh "Peer-reviewed articles".

Cilmibaarradaas qaarkood waxay sheegeen inuu geedkaan gali karo badalka illaa 10 daawo oo maanta dunida aad looga isticmaalo.

Marka h**e aan ku bilaabo cudurrada ay cilmibaaradaas badankood isku raaceen inuu daawo u yahay:

Mile dhiig: Dad badan ayaa qaato daawooyin loogu talagalay inay dhiigga milaan, dadkaas oo loo siiyay si loo daaweeyo ama looga hortago xinjiroobista dhiigga oo halis u ah wadna xanuunka iyo cudurka faalij-ka, daawooyinkaas waxaa ka mid ah: Asprin, Clopedigrol, Warfarin, Enoxaparin iyo kuwa kale. waa daawooyin qofka qaadanayo lagula taliyo inuusan isbitaalka ka fogaan maadaama dhiigbax keeni karaan, sidaas ay tahayne lagama maarmo laakiin waxay cilmibaarayaashu sheegeen in huruuuda ay ku jirto maaddo loo yaqaano "curcumin" oo qabanayso howsha daawooyinkaas, waxyeellane aanan jirka ku reebaynin, sidaas dareedeed dadka dhiiggooda uusan dhakhso xinjiroobin waa looga digaa huruuda inay isticmaalaan.
Niyad dajiye:Huruuda waxay daawo u tahay diiqada, cilmiaaris lagu sameeyay 60 qof oo qaba cudurka "Major Depressive Disorder" ayaa waxaa loo qeybiyay laba koox, kooxda 1-aad waxaa la siiyay daawada "Prozac", kooxda kalane waxaa la cabsiiyay "Huruud", waxaa la arkay in huruuda aysan ka yaraysan daawada ugu caansan ee loo adeegsado niyad jabka ee prozac, Sidaas ay tahayne waxyeello kuma reebin dadkii isticmaalay huruuda markii loo fiiriyo kuwa qaatay daawada "prozac", sidaas awgeed waxay ku taliyaan dadka qabo niyadjabka fudud in la doorbido in huruuda la siiyo badalka daawooyinka.

Lur bi'iye: Waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Anti-inflammatory" waa hur ama lur keena xanuno badan, maadada "curcumin" ee ku jirta huruuda waa lur bi'iyaha ugu awoodda badan ee dunida yaallo maanta sida ay cilmibaarayaal ah ay tilmaameen, waxay barbardhigeen daawooyinka caanka ah ee loo adeegsado lur bi'inta sida "Diclofenac" iyo "Ibuprofen", xanuunada ugu caansan ee lurka u saaxiibka ah waxaa ugu h**eeya xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, riixa, dhabar xanuunka iyo xanuunada raaga ee murqaha iyo neerfaha ku dhaca.
diraasadaha mid ka mid ah waxay hruduuda ku tijaabisay dad qaba xanuunka roomaatiisamka iyadoo la barbardhigay daawada "diclofenac", waxaa la arkay dadkii qaatay huruuda inay ka xanuun yaraayeen, shaqadooda si sahlan u qabsadeen iyagoo wax waxyeello ah ku reebin, sidaas daraadeed shirkado ayaa bilaabay inay qaab kaniini capsule ah ka dhigaan si loogu adeegsado xanuunka roomaatiisamka iyo riixa.

Ka hortage kansar: Maadada curcumin ee huruuda wuxuu alle ku abuuray awood dilis unugyada kansarka, diraasad lagu sameeyay sheybaar iyadoo huruuda lagu tijaabiyay unugyo kansar ah, waxaa la arkay inay unugyadii kansarka noqday inay baab'isay, kuwii isu badali rabayne ay ka hortagtay, cilmibaaris kale waxaa huruuda lagu tijaabiyay dad qaba kansarka ku dhaca mindhicirrada iyadoo bukaananda lala siiyay daawada kiimikada ah, waxaa la arkay kooxdii huruuda loogu daray inay si dhakhso ah wax looga gartay. waxay cilmibaaristaan iyo kuwa kalaba dunida tuseen ahmiyadda huruuda taasoo dhakhaatiir badan kula taliyaan bukaannadooda laga helo xanuunada kansarka.

Macaan dhime:Huruuda waxay hoos u dhigtaa macaanka, waxay firfircooni siisaa hormoonka "Insulin", cilmibaarisyada mid ka mid ah waxay sheegtay in huruudu ay ka awood badan tahay 400 jeer daawada la dhaho "metformin" oo ah daawada ugu caansan ee loo isticmaalo macaanka ama sonkorowga nooca 2-aad. waxaa kaloo la arkay in huruuda ay baab'iso dhibaatoyinka ay sonkorta ku reebtay jirka qeybihiisa sida neerfaha, kilyaha, indhaha iyo xididada. cilmibaarayaal qaar ayaa tilmaamay rajo in haddii insuliinta ay dib u howlgasho oo firfircooni yeelato in cudurka macaanka uu ka tagi karo qofka!!.

Dheefshiid Nadiifiye: Huruuda waxaa la arkay in dhowr cudur oo mindhicirrada ku dhaco inay wax ka tarto oo illaa iyo maanta daawo loo heynin, waxaa ka mid ah xanuunka lurka mindhicirrada ee loo yaqaano "Crohn's diseases,

Xanuunka boogoobidda maroorka "Ulcerative Colitis",

Xanuunka Mindhicirrada Kacsan "Inflammatory Bowel Syndrome:

Dufan dajiye: Huruuda waxay hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ama kolestaroolka, daawooyinka maanta dunida laga isticmaalo waxay leeyihiin waxyeello dhinaca beerka iyo kilyaha ah, laakiin huruuda waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxyeellane ma keento, wax ka baro cudurka Kolestaroolka:

Xanuun Baab'iye: huruuda waxaa ku jirto awood xanuun baa'iye ah taasoo lagu arkay dhowr cilmibaaris, qaabka ay xanuunka u baab'iso ayaa ah inay ka shaqaysiiso nidaamka xanuunka ee loo yaqaano "Opoid System", sidaas awgeed bukaano badan ayaa lagu tijaabiyay, wuxuuna machadka "US. Army Institute Of Surgical Research ku taliyay in huruuda loo adeegsado ku daaweynta xanuunka dadka gubtay, maadaama qofka gubtay u baahnaanayo xanuun baa'biyeyaal badan oo hadhow waxyeello ku reebi kara.
Badalka daawada "Steroid"-ka: waa daawo waxyeello badane leh, hadane aan laga maarmin, waxaa lagu daaweeyaa xanuuno badan, sidaas awgeed cilmibaarisyada waxay tilmaameen in huruuda ay sida daawadaas oo kale u shaqayso oo gali karto badalkeeda, xanuunada lagu daaweeyo waxaa ka mid ah: Findoobka, Neefta, Sanboorka, cuncunka dhuunta, qufaca riiraxyada leh oo dadka hurdada u diido habeenkii, Caadka indhaha fuulo, Bogsashada nabraha, dheefsiid xumada, hurdo la'aanta, kilyo xanuunka, qanjirro bararka, murqo xanuunka, korriimo xumada caruurta, cilladaha maqaarka ku dhaco iyo kuwa kale oo badan.

Maxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa?
Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado wadankeena, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.
Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.

Huruuda wadankeena ma laga helaa?
Huruuda asalkeeda waxay ka timid dalka Hindiya, halkaas ayaana dunida badankeed looga dhoofiyaa, laakiin wadamo badan oo beertay ayaa jira, taariikhda huruuda markii laga sheekaynayo waxaa la sheegaa wadankii ugu h**eeyay ee la geeyo wuxuu ahaa dalka shiinaha "CHINA", waxaa ku xigay oo la geeyay bariga africa oo la sheego inay timid waqti ku aadan 700 sano ka hor dhalashada nabi ciise, markaasoo doomo lagu keeni jiray xeebaha bariga africa, sidaas ayaana loogu beeray.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka Huruuda ay ka bixi karto, haddii taariikhda la fiiriyane waa lagu beeri jiray, laakiin nasiib xumo, waxaa hadda lagu beeraa wadamada dariska aan dhahay oo noolaga keenaa iyadoo budo ah, sida ethiopia, kenya illaa Sudan waa lagu beeraa.

Dadka xiiseeyo beerashada geedaha daawada leh khaasatan qolooyinka keenay geedka "Moringa" waxaan kula talin lahaa in la bilaabo beerashada huruuda oo la qiyaasayo in dhulkeena ay ka soo bixi karto huruud tayo leh,

Sidee loo isticmaalaa Huruuda?
Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:
Bariiska oo lagu darsado markii la karinayo.
Mushaarida waa lagu karsadaa
Shaaha iyo caanaha waa lagu qastaa.
Rootiga iyo canjeelada ama laxooxda waa lagu dubtaa.
Maraqa la cabo waa lagu darsadaa.
Qudaarta iyo cagaarka waa lagu bilbilaa markii la cunaayo.
Waa lagu cadaystaa sida daawada ilkaha oo kale.
Dhaawacyada nabraha waa lagu shubaa
Daawooyinka kale waa lagu qasaa sida malabka oo kale.
Biyo qandac ah ayaa lagu qasaa, kadibne waa la cabaa, waa qaabka ugu badan ee loo isticmaalo.
Dad badan ayaa geedkaan ku qaladay Zanjabiilka ee fadlan halkaan ka akhriso Sanjabiilka iyo Caafimaadka laga helo.
W/Q: somali Doc.

03/04/2024

Maamulka sida ay wax kastaa noqonayaan & maareeyntoodaba, waxa keli ah ee awood u lihi waa Allaha Cadiimka ah.

Maalinta ugu dambeeysa Dunida waxaa la afuufi doonaa Buunkii Qiyaamaha (Suur), markaa ayaa wax kasta oo naf lihi ay dhiman doonaan.

Alle sw, keligii ayaana baaqi sii ahaan doona.

[كُلُّ شَیۡءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجۡهَهُۥ.]
صدق الله العظيم.

[ wax kastaana waa ay halaagsami doonaan, Alle ma ahane.]

Mar labaad ayaa haddana la afuufi doonaa Buunkii, waxaana qabuuraha ka soo bixi doona dadkii oo u soo istaagi doona xisaabtii Aakhiro.

[ ثُمَّ نُفِخَ فِیهِ أُخۡرَىٰ فَإِذَا هُمۡ قِیَامࣱ یَنظُرُونَ.]
صدق الله العظيم.

Raqiib & Catiid wixii ay naga qoreen oo keeyd ahaa ayaana la keeni doonaa maalintaas.

Xisaab cadaalad ah ka dibna, waxaa qof kastaa uu heli doonaa natiijada wixii uu ku soo sameeyey Addunyada intii uu joogtey.

[ وَوُفِّیَتۡ كُلُّ نَفۡسࣲ مَّا عَمِلَتۡ.]
صدق الله العظيم.

Isagoo Alle ogaal u lahaa wixii aan sameeyn jirney oo dhan.

[وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَا یَفۡعَلُونَ.]
صدق الله العظيم.

Akhristoow, qoraalkan waxaan ka diyaariyey fahamkeeyga aayadaha 68, 69 & 70aad ee suuradda 39aad waa Zumar e.

Alloow,
xisaabta Aakhiro inoo fududee حِسَابࣰا یَسِیرࣰا

Waxaa qoray: Daa’uud Cumar

CUNNOOYINKA UGU FIICAN EE LA SIIYO ILMAHA 6 LIXDA BILOOD JIRA ilmaha ka yar lixda bilood cunno lama siiyo halka kuwa ka ...
02/04/2024

CUNNOOYINKA UGU FIICAN EE LA SIIYO ILMAHA 6 LIXDA BILOOD JIRA

ilmaha ka yar lixda bilood cunno lama siiyo halka kuwa ka weyn lixda bilood loo bilaaba cunnooyin kala duwan,

Qormadan waxay ka caawineysaa sida aad u siin laheed cunnooyin nafaqo leh iyo sida aad u kobcin laheed jir ahaan iyo maskax ahaan.

Cunnooyinka ugu faaidaada badan hoos ka akhriso

Khudaarta

●ilmaha kaweyn 6da bilood wuxuu u bahan yahay tamar iyo kobcin maskaxadeed taasna wuxuu ka heli karaa Khudaarta
sida mooska,babayga,afakadhada,qaraha iwm ah.

khudaartaas kor ku xusan waad u burburineysaa marka ay jilicdo ayaad qaado ku siineysaa haddii ay jilci weyso waxaad ugu dareysaa dufan yar sida macsarta,saliida sisinta,biyo ama waad u shiideysaa adoo biyo ama caano ugu daraya.

Cunnooyinka sida pastada,bariiska iwm

● in kasta bastada iyo bariiska u fiicneen ilmaha haddana wax yar baa laga siiyaa intaa si wacan looga kariyo ayaa loo burburiyaa haddii aad heli kartana farmajo ama jiis waad ugu dari kartaa.

Cunnooyinka proteinka laga helo

●Sida aan ognahay jidhka bin'aadamka wuxuu u bahan yahay burtiin kaas oo wax badan u tara jidhka, haddaba ilmaha 6da bilood jira waa lagu bilaabi karaa Cunnooyinka burtiinka leh sida ukunta,digaaga,hilibka,maleyga bilaa lafta ah iwm ah.

Haddii aad ku aragtid wax allergy ah waad ka joojineysaa cunnooyinka kor ku xusan waana in aad la socotaa tilaabo walbo oo aad cunno ku siineysid ilmaha,waayo ilmaha wey u nugul yihin in ay ka qadaan allergy ama ka qadaan cunnooyinka kor ku qoran.

Cunnooyinka galka leh.

● Cunnooyinka galka leh iyo kuwa galka laga saaray oo la shiido waa cunnooyinka ugu fiican in ilmaha siiyo cunnooyinkaas waxaa ka mid ah

misirta,digirta,qamadiga,sabuulka, iwm ah waana in loo shiidaa.

Address

Bakaaro
Mogadishu

Telephone

+252619837474

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hanad Clinic Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hanad Clinic Center:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram