Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed

Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, 21 October Road, waaberi, Mogadishu.

SNU's Faculty of Medicine and Surgery aims to gain prominence as a leading medical research and university teaching world-class, producing outstanding health care providers operating excellence in every community member.

Waxaa si guul leh lagu soo gabagabeeyay tababarka  cinwaankiisu ahaa  โ€œBasic Surgical Skillsโ€ Tababarkan oo lagu qabtay ...
08/11/2025

Waxaa si guul leh lagu soo gabagabeeyay tababarka cinwaankiisu ahaa โ€œBasic Surgical Skillsโ€

Tababarkan oo lagu qabtay xarunta Kulliyadda, wuxuu qayb muhiim ah ka ahaa dadaallada kulliyaddu ku horumarinayso aqoonta iyo xirfadaha caafimaadka ee ardayda. Ujeeddada guud ee tababarku waxay ahayd in lagu kobciyo xirfadaha aasaasiga ah ee qalliinka, laguna dhiirrigeliyo kalsooni iyo xirfad ku saleysan waayo-aragnimo dhab ah.

Tababarka waxaa bixinayay Dr. Nuuradiin Maxamed, oo ah dhakhtar ku takhasusay Qalliinka Guud iyo Qalliinka Laparoscopic-ga.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ardayda, abaabulayaasha iyo fududeynta tababarka, kuwaas oo dadaalkoodii iyo is-xilqaankoodii ay suurto geliyeen in uu noqdo mid si heer sare ah u qabsooma.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa Aqoon-isweydaarsi (Workshop) mu...
03/11/2025

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa Aqoon-isweydaarsi (Workshop) muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:

๐Ÿฉบ Basic Surgical Skills

Tababarkan wuxuu diiradda saarayaa kobcinta xirfadaha aasaasiga ah ee qalliinka, isaga oo siinaya fursad gaar ah ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta daโ€™da yar inay si ficil ah u bartaan farsamooyin muhiim ah oo lagu horumariyo xirfadooda iyo kalsoonidooda xirfadeed.

Tababaraha:

Dr. Nuradin Mohamed

Waa Dhakhtar ku takhasusay Qalliinka Guud iyo Qalliinka Laparoscopic-ga.
Wuxuu ka howl-galaa Mogadishu Somali Tรผrkiye Training and Research Hospital (Ex-Digfeer), isagoo leh khibrad ballaaran oo dhanka tababarka iyo fulinta qalliinnada casriga ah.

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdinur Farax Maxamud, aya...
01/11/2025

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdinur Farax Maxamud, ayaa ka qeyb galay Shirkii Guud ee Isuduwayaasha Qaranka ee Guddiga Cilmi-baarista Caafimaadka Bariga Afrika (EAHRC National Focal Points Coordinatorsโ€™ General Meeting), kaas oo lagu qabtay Kigali, Jamhuuriyadda Rwanda, intii u dhaxaysay 16โ€“17 Oktoobar 2025.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray:

โ€ข Hirgelinta talooyinkii Shirkii 10-aad ee East African Health and Scientific Conference (EAHSC);

โ€ข Xoojinta iskaashiga cilmi-baarista caafimaad ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC);

โ€ข Horumarinta caafimaadka dhijitaalka ah, nidaamyada xog-wadaagga, iyo kobcinta awoodda cilmi-baarista;

โ€ข Iyo taageeridda dalalka cusub ee ku soo biiray EAC, gaar ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan barnaamijyada cilmi-baarista iyo horumarinta caafimaadka ee gobolka.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay ku faraxsan tahay inay matasho Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , iyadoo si buuxda uga goโ€™an ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo caafimaadka guud ee bulshada Bariga Afrika.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay si weyn ugu faraxsan tahay inay u dabbaald...
01/11/2025

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay si weyn ugu faraxsan tahay inay u dabbaaldegto guusha ay gaareen dhakhaatiirteena sharafta leh:

โ€ข Dr. Abdirazak Ahmed Adan
โ€ข Dr. Sawda Abdirahman Muhamed
โ€ข Dr. Balqiz Mohamed Kulle

kuwaas oo si guul leh u gudbay Imtixaanka adag ee MRCS Part A (Member of the Royal College of Surgeons).

Guushan muhiimka ah waxay astaan u tahay shaqada adag, dadaalka joogtada ah, iyo heerka sare ee xirfadda caafimaad ee ay muujiyeen dhakhaatiirteena. Sidoo kale, waxay dhiirrigelin iyo tusaale u tahay dhakhaatiirta kale, ardayda caafimaadka, iyo guud ahaan bulshada caafimaadka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in Dr. Abdirazak, Dr. Sawda, iyo Dr. Balqiz ay ka mid ahaayeen ardaydii Batch-Four ee kulliyaddeenna ka qalin jabisay, taas oo markale muujinaysa tayada aqooneed, kartida, iyo dadaalka ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku howlan kor u qaadista xirfaddooda caafimaad.

Kulliyaddu waxay dhakhaatiirtaas qiimaha leh u rajaynaysaa guul waarta iyo horumar joogto ah, gaar ahaan heerka ku xiga ee MRCS Part B, Insha Allah.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay u  hambalyeynaysaa Dr. Aisha Muse Ali, oo ...
28/10/2025

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay u hambalyeynaysaa Dr. Aisha Muse Ali, oo si guul leh u gudubtay imtixaanka heerka caalamiga ah ee MRCPCH Applied Knowledge in Practice (AKP), ee ay qabato Royal College of Paediatrics and Child Health (RCPCH), United Kingdom.

Dr. Aisha Muse Ali waxay kamid tahay ardaydii batch-two ee kulliyaddeenna ka qalin jabisay, taas oo markale muujineysa heerka aqooneed, kartida, iyo dadaalka ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku howlan kor u qaadista xirfaddooda caafimaad.

Guushan waxay astaan u tahay hufnaanta waxbaridda ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka, iyo sida ay kulliyaddu uga goโ€™an tahay in ay soo saarto dhakhaatiir tayo sare leh oo si guul leh uga dhex muuqda heerarka aqooneed ee gudaha iyo caalamkaba.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid ...
27/10/2025

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta dhismaha ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Intii kulanku socday, Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyey heerarka kala duwan ee ay marayaan howlaha Kulliyadda, horumarka tacliimeed, iyo dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada caafimaadka ee jaamacadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha, Hormuudka Kulliyadda, Mamulka kulliyadda , iyo macalimiinta gaar ahaan madaxda waaxyaha (Head of Departments) ka ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka.
Intaa waxaa dheer, barayaasha kulliyadda ayaa la wadaagay Guddoomiyaha talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa horumarka iyo tayada waxbarashada caafimaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay uga mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqashadiisa qiimaha badan iyo waqtiga uu u huray kormeerka shaqooyinka socda. Booqashadani waxay dhiirrigelin weyn u tahay maamulka, macallimiinta, iyadoo astaan u ah sida ay Jaamacaddu ugu heelan tahay tayeynta waxbarashada caafimaadka ee dalka.

Furitaanka Ololaha Wacyigelinta Kansarka Naasaha Midowga Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa soo...
24/10/2025

Furitaanka Ololaha Wacyigelinta Kansarka Naasaha

Midowga Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabiyey Ololaha Wacyigelinta Kansarka Naasaha, iyagoo kaashanaya Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda iyo Royal Hospital.

Ololahan oo xoogga lagu saari doono wacyigelinta ardayda JUS ee dhigta campus-yada kala duwan ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu barayaa:
* Calaamadaha h**e ee kansarka naasaha
* Iyo sida haweenku iskood isu baari karaan iyadoo la adeegsanayo habka Breast Self-Examination.

Waxaa si gaar ah ugu mahadcelinaynaa macalimiintii iyo marti-sharaftii ka soo qeyb galey furitaanka ololaha:
Dr. Sagal Omar โ€“ Pathologist,
Dr. Hussein Abshir โ€“ Oncologist,
Dr. Muna Hussein Hassan โ€“ OBGYN, Marti, Royal Hospital

Ugu dambeyn, waxaa u mahadcelinaynaa Maamulka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka, oo uu hoggaaminayo Prof. Dr. Abdinor Gareey, dadaalkooda iyo taageeradooda joogtada ah ee kor u qaadeysa barnaamijyada caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada.

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ & ๐—•๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ปHormuudka ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ wuxuu si rasmi ah ugu magacaabay ๐——๐—ฟ. ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ข๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—œ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต...
11/10/2025

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ & ๐—•๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป

Hormuudka ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ wuxuu si rasmi ah ugu magacaabay ๐——๐—ฟ. ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ข๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—œ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—บ (๐——๐—ฟ. ๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—พ๐˜‚๐—น) in uu noqdo ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜† (๐—”๐—น๐˜‚๐—บ๐—ป๐—ถ ๐—”๐˜€๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป) ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka.

Dr. Shuqul wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada dhalinyarada ah ee ku suntan hal-abuurnimo, dadaal iyo u adeegidda bulshada.

Waxaan u rajaynaynaa Dr. Shuqul guul iyo horumar buuxa xilka cusub ee uu qaaday, annagoo kalsooni buuxda ku qabna in uu noqdo hoggaamiye mideeya ardayda dhameysay iyo kulliyadda, isla markaana sii xoojiya xiriirka, isdhexgalka, iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee bulshada caafimaadka.


- , ,

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ปMaamulka iyo Macallimiinta Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed w...
31/08/2025

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป

Maamulka iyo Macallimiinta Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed waxay hambaliyo iyo bogaadin u dirayaan Dr. Yusuf Mahad Yusuf oo loo magacaabay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐˜‚-๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด.

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa aqoonta ballaaran iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed ee uu Dr. Yusuf Mahad Yusuf u hayo. Tan iyo aas-aaskeedii, Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay soo saartay boqolaal dhakhaatiir, kuwaas oo aqoontooda iyo xirfadooda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu xilka loo igmaday ku garab galo.

Mar kale, hambalyo iyo bogaadin Dr. Yusuf Mahad Yusuf โ€“ waxaan kuu rajeyneynaa guul, sharaf iyo horumar waara.

Waxaa si rasmi ah inoogu dhammaaday sanad-tacliimeedkii 2024โ€“2025, sanad aqooneed oo ay ka muuqdeen dadaal, sabir, iyo h...
28/07/2025

Waxaa si rasmi ah inoogu dhammaaday sanad-tacliimeedkii 2024โ€“2025, sanad aqooneed oo ay ka muuqdeen dadaal, sabir, iyo himilo sare. Sanadkan wuxuu ahaa safar cilmiyeed oo guulo badan laga gaaray, isla markaana ay la socdeen caqabado laga faaโ€™iidaystay.

๐Ÿ’ฌ Maanta, kulliyadda caafimaadka iyo qalliinka waxay qabatay kulan muhiim ah oo is-xogwaraysi ah, kaas oo ay isugu yimaadeen:

Maamulka Kulliyadda

Macalimiinta kala duwan ee dhigta barnaamijyada caafimaadka

Kulankan waxaa si rasmi ah u hoggaaminayay Hormuudka Kulliyadda, Prof. Dr. Abdinur Farah Mohamud, wuxuuna ujeedkiisu ahaa:
โœ… Dib-u-eegis guud oo ku saabsan waxqabadkii sanadkii tegay
โœ… Kala war-qaadasho ku saabsan horumarinta tayada waxbarashada
โœ… Dhiirrigelinta wadashaqeynta maamulka iyo barayaasha
โœ… Ka hadalka caqabadihii jiray iyo sida looga gudbayo
โœ… Dejinta himilooyinka iyo qorshaha sanad-tacliimeedka cusub ee 2025โ€“2026

๐Ÿ“Œ Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaalka joogtada ah ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada waxbarashada, dhiirrigeliso aqoonta barayaasha, lana jaanqaaddo heerarka jaamacadaha caalamiga ah.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan macalimiinta ka qeyb galay kulanka, iyo hormuudka kulliyadda oo mar walba ka goโ€™an horumarinta caafimaadka iyo tacliinta sare ee dalka.

Maamulka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka, oo uu hoggaaminayo Hormuudka Kulliyadda, Prof. Dr. Abdinuur Farah Mohamuud...
05/07/2025

Maamulka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka, oo uu hoggaaminayo Hormuudka Kulliyadda, Prof. Dr. Abdinuur Farah Mohamuud, wuxuu bogaadinayaa una mahadcelinayaa habsami u socodka shaqooyinka aqooneed iyo kuwa maamul ee la xiriira imtixaanka ugu dambeeya ee sanad-dugsiyeedka 2024โ€“2025, semester-ka labaad (Final Exam), kaasoo si rasmi ah todobaadkan u bilowday.

Waxaan guul, dadaal miro-dhal ah, iyo horumar ballaaran u rajeyneynaa dhammaan ardayda Kulliyadda.

๐Ÿ”— https://medicine.snu.edu.so/

Maamulka iyo macallimiinta Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay si weyn ugu hambalyeynayaan Dr. Axmed Shaafici Aad...
03/07/2025

Maamulka iyo macallimiinta Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxay si weyn ugu hambalyeynayaan Dr. Axmed Shaafici Aadan, oo ku guuleystay imtixaanka MRCP-UK Step 1 โ€” qaybta koowaad ee Membership of the Royal Colleges of Physicians of the United Kingdom (MRCP-UK).

Dr. Axmed waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ka aflaxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka. Sidoo kale, wuxuu haatan ka mid yahay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka Recep Tayyip ErdoฤŸan (Ex-Digfeer), gaar ahaan qeybta cudurrada wadnaha.

Ugu dambeyn, Dr. Axmed Shaafici Aadan, waxaan kuu rajeyneynaa horumar joogto ah โ€” dadaalka halkaas ka sii wad.

Address

21 October Road, Waaberi
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram