Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed

Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, 21 October Road, waaberi, Mogadishu.

SNU's Faculty of Medicine and Surgery aims to gain prominence as a leading medical research and university teaching world-class, producing outstanding health care providers operating excellence in every community member.

Siminaar Ku Saabsan Daryeelka Maqaarka iyo Halista Midab-beddelka (Skin Bleaching).Kulliyadda Caafimaadka Iyo Qaliinka  ...
27/05/2025

Siminaar Ku Saabsan Daryeelka Maqaarka iyo Halista Midab-beddelka (Skin Bleaching).

Kulliyadda Caafimaadka Iyo Qaliinka ayaa soo abaabushay siminaar muhiim ah oo looga hadlayey daryeelka caafimaadka maqaarka iyo wacyigelinta halista la xiriirta isticmaalka maaddooyinka midabka beddela (skin bleaching).

Siminaarkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda, waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Ururka Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka Soomaaliyeed.

Intii uu socday siminaarku, waxaa si qoto dheer looga dooday dhibaatooyinka caafimaad iyo kuwa bulsho ee ka dhasha isticmaalka maaddooyinka wax beddela midabka maqaarka, waxaana lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo xog sugan oo kor u qaadaysa wacyiga bulshada.

Siminaarku wuxuu kusoo dhammaaday si guul leh, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo xog sax ah oo cilmi ku saleysan, si loo helo bulsho caafimaad qabta oo isku kalsoon.

π“π‡π„π’πˆπ’ 𝐃𝐄𝐅𝐄𝐍𝐒𝐄 Waxaa soo gaba gaboobmay difaacashada buuga (Thesis defense) Ee 𝐁𝐚𝐭𝐜𝐑-5 Medicine and Surgery, Kasoo socon...
13/03/2025

π“π‡π„π’πˆπ’ 𝐃𝐄𝐅𝐄𝐍𝐒𝐄

Waxaa soo gaba gaboobmay difaacashada buuga (Thesis defense) Ee 𝐁𝐚𝐭𝐜𝐑-5 Medicine and Surgery, Kasoo soconayey muddo 2 maalin ah.

Waxaan alle uga mahad celineyneyna in ay ardaydu ugu so dhamaatay si guul ah difaacashada buugoda qalin-jabinta waxaana leenahay allaha idin ka dhigo kuwii cilmigooda lagu in-tifaaco, bulshadoodana wax ugu qabta.

Prof. Aadan Guuleed Shabeel, Raktar ku xigeenka tacliinta ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka, dulqaadka iyo go’aanka adkaa ee ay mujiyeen inta uu socday safar koodii waxbarasho, una rajeyey guul iyo in ay ku celiyan waxa ay barteen umadooda. Waxaa kaloo goob joog ahaa Kusimaha Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka Prof. Dr. Mohamed Abdilkariim Nuur, Sido kale masuulliyiin kasocday jamcadda iyo Macaliimiin.

Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka-SNU

Hambaliyo Zubeer Cabdiraxman CadowWaxaa si weyn loogu hambalyeynayaa Zubeer Cabdiraxman Cadow, Oo kamid ah ardayda Kulli...
12/03/2025

Hambaliyo Zubeer Cabdiraxman Cadow

Waxaa si weyn loogu hambalyeynayaa Zubeer Cabdiraxman Cadow, Oo kamid ah ardayda Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaliyeed, kadib markii uu ka galay *Kaalinta 1-aad * tartanka Qur'aanka ee bisha Ramadaan, oo ay ka qayb galeen 12 kulliyadood.

Waxaan u rajeynaynaa Zubeer in uu sii wado guusha uu gaaray iyo inuu noqdo tusaale dhiirrigeliya ardayda kale.

*Wacyigalinta Talaalka Jaamacadaha*  β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”  Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa marti gelin doonta worksho...
12/03/2025

*Wacyigalinta Talaalka Jaamacadaha*
β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”β€”

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa marti gelin doonta workshop-ka ku saabsan *’Wacyigalinta Talaalka’*, kaasoo la qaban doono 13.03.2025.

Ujeeddada wacyigalintan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan talaalada cusub ee la siiyo carruurta, sida *PCV* (Pneumococcal Conjugate Vaccine) iyo *Rotavirus Vaccine*, kuwaasoo muhiim u ah ka hortagga cudurada sida oof wareenka iyo shubanka biyoodka.

Intaas waxaa dheer, wacyigalintan waxay si gaar ah u taaban doontaa sidii loo kordhin lahaa qaadashada talaalada carruurta guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya:
β€’ Somali Pediatric Association
β€’ Somali Medical Association
β€’ Ministry of Health - Somalia
β€’ Gobolka Banadir
β€’ UNICEF

Waxaa la rajeynayaa in workshop-ka uu noqdo mid muhiim ah oo wax badan ka beddelaya fahamka iyo dhaqanka bulshada ee ku aaddan talaalada carruurta.


Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay manhajka cusub ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxaana shir gudoominayey, gu...
02/01/2025

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay manhajka cusub ee Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka waxaana shir gudoominayey, guddoomiye ku xigeenka tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Aadan Guuleed Shabeel, Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka Prof. Cabdinuur Faarax Maxamed, iyo Agaasimaha Horumarinta Manhajka JUS, Mudane Maxamed Siciid.

Munaasabadan ayaa waxaa si qurux badan uga soo qeyb galay Macalimiinta iyo Maamulka oo dhamaantood goob joog ka ahaa waxayna aheyd mid aad u qiimo badan. Dadaalka hufan ee la geliyey diyaarinta manhajka ayaa si heer sare ah loo bogaadiyay, taasoo muujineysa sida ay ugu heelan yihiin xaqiijinta heerka sare ee waxbarashada caafimaadka.

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Abdinur Farah Mohamud. ayaa ...
14/12/2024

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Abdinur Farah Mohamud. ayaa ka qeyb galay shir kadhacayey dalka Kuwait kaaso soconaayey mudo dhowr maalmood ah oo loogana hadlayey:

β€œCapacity Building on Governance and Leadership of Health Professionals’ Education Institutions”. waxayna aasaas u tahay guusha iyo joogtaynta machadyada waxbarashada xirfadlayaasha caafimaadka. Iyadoo xoogga la saarayo xoojinta kartida hoggaaminta, hagaajinta qaab-dhismeedka maamulka, iyo horumarinta manhajka.

A two-day workshop to kick off the graduation project for our final-year MBBS students was Facilitated by Mr. Gallad Dah...
26/09/2024

A two-day workshop to kick off the graduation project for our final-year MBBS students was Facilitated by Mr. Gallad Dahir Hassan and Dr. Faduma Mahamud. We wish the students success in their projects.



https://medicine.snu.edu.so/

Xalay oo taariikhdu ahayd 17.Dec.23,waxaa maamulka,macalimiinta iyo ardayda kulliyadda Caafimaafka JUS. U qabteen xaflad...
18/12/2023

Xalay oo taariikhdu ahayd 17.Dec.23,waxaa maamulka,macalimiinta iyo ardayda kulliyadda Caafimaafka JUS. U qabteen xaflad soo dhoweyn ah Madaxa cusub Maamulka Kulliyadda Caafimaadka JUS.Dr Ali Jimale Mohamed Iyo Sagootin Madaxa Maamulka Kulliyadda Caafimaadka ee h**e mudane Faarax Cabdi Cismaan iyo Madaxii h**e imtixaanadka.Kulliyadda Caafimaadka Dr.Naciima Maxamed Ibraahim..Ugu horreyn Hormuudka kulliyadda Prof.Cabdi nuur Faarax Maxamuud ayaa u mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha xafladda iyo kasoo qeyb galayaasha sidoo Kale asagoo ku hadlaya afka maamulka kulliyadda caafimaadka wuxuu u mahad celiyay Mr.Faarax iyo Drs.Naciimo wakhtigii ay kasoo shaqeeyeen iyo howahii wacneyd ay kasoo qabteen kulliyadda,wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar iyo inay shaqadii wacneyd ay u hayeen Ummadda iyo Jaamacadda Ummadda u hayeen sii labo jibaaraan.Waxaa sidoo kale meesha ka hadlay Barafasooradda kulliyadda iyo guud ahaan ardayda kulliyadda oo ayagana u mahadceliyay qeyr na u rajeeyay, sidoo kale waxaa lasoo dhoweeyay Dr.Ali jimaale.ugu danbeyntii xafladda.waxay kusoo dhammaatay jawi degan.

Guul baan u rajeenaynaa xulka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
14/12/2023

Guul baan u rajeenaynaa xulka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

13/12/2023

Rector ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay, guusha weyn ee taariikhiga ah ay ummadda gaartay oo ah deyn cafin ta muddo soo saarneyd soona socotay.Rector ka wuxuu ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay guul iyo baraare

Waxaan u hambalyaynaynaa Dhakhaatiirta kala ah1.Dr.Fartuun Aadan Cismaan2.Dr.Dr.Aniso Daahir Khaliif3.Dr.Farxiyo Maxamed...
29/11/2023

Waxaan u hambalyaynaynaa Dhakhaatiirta kala ah
1.Dr.Fartuun Aadan Cismaan
2.Dr.Dr.Aniso Daahir Khaliif
3.Dr.Farxiyo Maxamed Cilmi
Oo ahaa Dhakhaatiirtii ka qalanjabisay Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Dufcaddii 3aad kuwaas oo Guul wacan ka keenay kuna guulaystay Inay qeyb ka noqdaan dhakhaatiirta isbitaalka ex.digfeer(Erdogan) ka galay kaalimo fiican,kuna diyaarin doona Heer ka 2aad ee Takhasus (Residence)Waxaan leenahay Sharaf bay nootahay inaad kasoo dhex baxdaan tiro aad u badan kana mid noqotaan tiro yar oo kooban oo guuleystay waxaan leenahay waad dadaasheen sii laba jibaara, cilmigiinana mid ummadda anfaca Allaha ka dhigo AAMIIN..Hambalyo..

31-πŽπ‚π“πŽππ„π‘ 2023Maamulka iyo ardayda kulliyadda Caafimaadka JUS waxa uu ogeysiinayaa ardayda kulliyadda caafimaadka JUS i...
30/10/2023

31-πŽπ‚π“πŽππ„π‘ 2023
Maamulka iyo ardayda kulliyadda Caafimaadka JUS waxa uu ogeysiinayaa ardayda kulliyadda caafimaadka JUS in uu qabanayo Seminaar Aqoon kororsi ah oo ku Saabsan π€πππ‘πŽπ€π‚π‡ 𝐎𝐍 πƒπˆπ€π†ππŽπ’πˆπ’ 𝐀𝐍𝐃 πŒπ€ππ€π†π„πŒπ„ππ“ πŽπ… 𝐁𝐑𝐄𝐀𝐒𝐓 𝐂𝐀𝐍𝐂𝐄𝐑.

Seminaarku waxa uu ka dhici doona Hallka 𝐊𝐌4 𝐉𝐔𝐒.

𝐅.𝐆:-Seminaarka waa ufuranyahay in ay kasoo qeybgalaan ardayda kale ee jaaamacadaha.

πŠπ€π’πŽπŽ ππ„π˜ππ†π€π‹ 𝐖𝐀𝐂𝐀𝐍 𝐈.𝐀

Address

21 October Road, Waaberi
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram