Som Mental Health Academy

Som Mental Health Academy Cilmi Nafsiga iyo Maskaxda

Xanuunada Maskaxda iyo Nafsiga: Safarka Qarsoon ee Qalbiga iyo MaskaxdaMaskaxda iyo nafsigu waa labo muraayadood oo isha...
30/05/2025

Xanuunada Maskaxda iyo Nafsiga: Safarka Qarsoon ee Qalbiga iyo Maskaxda
Maskaxda iyo nafsigu waa labo muraayadood oo isha nolosha ee qofka. Markay caafimaad qabaan, waxay qurxiyaan nolosha; haddana markay xanuunsan yihiin, waxay abuuraan mugdi iyo murugo. Xanuunada maskaxda iyo nafsiga waa cudurro aan la arki karin indhaha, balse saameyn weyn ku leh dareenka, fikradaha, iyo dhaqanka.

1. Murugada (Depression):
Waa shaydaanka qalbiga, oo niyadda ka xumaata, farxadda ka qaada, iyo rajooyinka nolosha ku duufa. Qofka murugsan wuxuu dareemaa cidlo, quus, iyo in adduunku uusan macno lahayn. Waa sidii daruur madow oo hoos u dhigta iftiinka qalbiga.

2. Walbahaarka (Anxiety):
Waa sida dabaylaha xooggan ee maskaxda ka dhacda, oo mar walba qofka ka dhigta mid welwel badan, cabsi qaba, iyo niyad-jab ku dhaca. Maskaxdu waxay u dhaqantaa sidii haddii halis joogto ah ay jirto, iyadoo qofka ku haysta xaalad feker iyo xanaaq aan xad lahayn.

3. Cudurka Qalalaasaha Maskaxda (Schizophrenia):
Waa xanuun qarsoon oo isku dhex jira xaqiiqda iyo mala-awaalka, kaas oo qofka ka fogeeya bulshada iyo xaqiiqada. Qofka waxaa la wareega sawirro iyo codad maskaxdiisa ku ciyaara, isaga oo mararka qaar ka waalan dunida hareerihiisa.

4. Xanuunka Nafta (Bipolar Disorder):
Sida roob iyo qorax oo isbedelaya, waxaa qofka ku yimaada labadaba niyad sare iyo niyad hoose. Mar waa farxad aan la qiyaasi karin, marna waa murugo iyo niyad-jab culus.

5. Cudurro kale sida PTSD (Dhibaatada Ka Dhalata Xusuus Xun), OCD (Dhaqamada Ku Celceliska ah), iyo xanuunada kale ee nafsiga waxay qeyb ka yihiin xanuunada maskaxda, kuwaas oo qofka ku reeba silsilad adag oo qalbigiisa iyo maskaxdiisa ku xiran.

Madax Xanuunka: Qaybihiisa, Astaamaha & Sababaha1. Madax Xanuunka Caadiga ah (Tension Headache)Astaamaha: Xanuun jilicsa...
12/05/2025

Madax Xanuunka: Qaybihiisa, Astaamaha & Sababaha
1. Madax Xanuunka Caadiga ah (Tension Headache)
Astaamaha: Xanuun jilicsan ama cadaadis ah oo labada dhinac ee madaxa ka jira, mararka qaar wuxuu raacaa garbaha ama qoorta.

Sababta: Walbahaar, daal, jiif la'aan, ama murqaha qoorta oo kacsan.

Daweynta: Hurdo, nasasho, biyaha oo la cabo, dawooyinka xanuun baabi'iyaha sida paracetamol ama ibuprofen.

2. Madax Xanuunka Mijada ah (Migraine Headache)
Astaamaha: Xanuun xoog leh oo dhinac ka ah madaxa, lalabo, matag, iyo iftiin/maqal xasaasiyad. Mararka qaar waxaa ka horreeya aragti isbeddel (aura).

Sababta: Hormoonno isbeddel, cuntooyinka qaar (sida farmaajada, shukulaatada), hurdo la'aan, walaac, iyo bay'adda.

Daweynta: Dawooyinka migraine-ka (triptans), nasasho, hurdo, in la iska ilaaliyo waxyaabaha kiciya.

3. Madax Xanuunka Cuncunka ah (Cluster Headache)
Astaamaha: Xanuun daran oo dhinac ka ah madaxa, gaar ahaan agagaarka isha, indho-ilin, sanka oo dareera. Wuxuu dhacaa goobo (xilliyo gaar ah) muddo toddobaadyo ama bil.

Sababta: Si dhab ah looma oga, balse waxaa lala xiriiriyaa cilad ku timaada hypothalamus-ka maskaxda.

Daweynta: Oxygen daahir ah oo la neefsado, ama dawooyin sida sumatriptan.

4. Madax Xanuunka Keena Cudurada Maskaxda ama Sinuska
Astaamaha: Xanuunka wuxuu raacaa xanuunka jirka kale sida sinusitis (sanka oo bararsan), hurgun, ama infection maskaxeed.

Sababta: Caabuq (bacterial/viral), barar, ama cadaadis gudaha maskaxda.

Daweynta: Antibiotic haddii uu caabuq jiro, baaritaan dheeraad ah (MRI/CT scan) haddii laga shakiyo maskaxda.

5. Madax Xanuunka Dawooyinka Ka Dhasha (Medication Overuse Headache)
Astaamaha: Madax xanuun joogto ah, gaar ahaan dadka si xad dhaaf ah u isticmaala daawooyinka xanuunka baabi'iya.

Sababta: Isticmaalka badan ee daawooyinka sida paracetamol, ibuprofen ama sumatriptan.

Daweynta: In si tartiib ah loo yareeyo daawooyinka, la tasho dhakhtar, qorshe daawayn joogto ah.

Waa maxay Niyad jabku "Depression "  Maxaa Keeni kara .Side Lola tacala ama loo daweeye rabiba wax daweeye 1.Niyadjabka ...
31/08/2023

Waa maxay Niyad jabku "Depression " Maxaa Keeni kara .Side Lola tacala ama loo daweeye rabiba wax daweeye
1.Niyadjabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyadjab, haba yaraadee ma jiraan wax uu dareen wanaagsan oo farxad geliya ka helayo. Qofka niyadjabku hayo inuu hawl bilaabo way ku adag tahay, si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Inta badanna way ku adag tahay inuu go’aan gaaro. Waxaa sidoo kale ku adag inuu qalbigiisu u soo jeedo tusaale ahaan waxbarashada, wax akhriskaba iyo howlaha guriga.
2.Qofka niyadjabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah in waqti h**e ay hurdadu ka dhamaato. Qofka niyadjabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyadjabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan, cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca.
3. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jirka ah oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun, daal iyo tabardarri, hilmaan badan iyo tinta oo daadato.
4.Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (isku buuq). Kacsanaanta badanaa waxaa la socdo xanuun jirka laga dareemo. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda.
Maxaa Keeno Diiqada / Niyadjabka?
In la fahmo waxyaabaha niyadjabka keeno waxay qeyb wayn ka qaadataa in xal la helo, waxayna ka hortagaysaa khaladaad badan oo bulshadu aaminsan tahay. dad badan ayaa aaminsan in niyadjabku uu ku dhaco dad gooni ah, waxaa kaloo la aaminsan yahay in niyadjabku uu ka tarjumayo iimaanka qofka iyo alle ku xirnaantiisa.
Astaamaha niyadjabku waxay yimaadaan markuu khalkhal galo dheecaannada u kala goosha ama dhambaal-sidayaasha maskaxda, afka qalaadne lagu dhaho "Neurotransmitters", daawooyinka loo qaato niyad-jabkuna waxay saxaan dhambaal sidayaashaas khalkhalay, waxyaabaha khalkhal galin karo arrimahaas waxaa loo kala qeybiyaa 5 qaybood:
1. Hida-raace: dadka qaar baa u nugul cilladda niyadjabka, waana wax Alle ku abuuray, si sahlan ayay iskugu buuqi karaan,
2.Macdanta Jirka : Alle wuxuu jirka ku abuuray macdan kala duwan oo mid walba howl gooni ah qaabilsan, haddii, macdanta haddii jirka ku yaraato uu qofka sidaan dareemayo waxaa ugu h**eeyo Fitamiinnada khaasatan nuucyada D, B3, B6 iyo B12, birta (Iron)
3. Hormoonnada: Hormoonku waa dheecaanno kala duwan oo ay soo saaraan qanjirrada jirka ku jira, jirkuna k**a maarmo, haddii hormoonnada ay jirku ku bataan ama yaraadaan, qofka niyaddiisu way isbadashaa waxaana la soo dirso xanuunka niyad-jabka, badanaa lama dareemo in jirka ay ku yaraadeen ama ku bateen illaa in la baaro mooyee, xanuunka ugu caansan waa xanuunka howlgabka "Thyroid-ka" oo badanaa lala xiriiriyo diiqadda iyo niyad-jabka, a
4.Xilliyada: waxaa jiro nuuc ka mid ah diiqada oo la dareemo xilliyada qaar, waxaana loo yaqaanaa "Seasonal Affective Disorder", qofku wuxuu dareemaa maalmo qaar in wax ka qaldan yihiin, inuu dareemayo murugo, daal aan caadi ahayn iyo hurdo la'aan, maalmo kadib caadi ayuu ku soo laabtaa,
5. xaaladaha : Niyadjabka ka dhasho xaaladaha qaar ee qofka soo maro noloshiisa waa qeyb ka mid ah waxayaabaha keeno niyad-jabka inkastoo ay tahay nuuca loogu aqoon badan yahay, xaaladahaas waxaa ka mid ah dhimasho qof kugu dhaw, furriin, shaqo ka eryid, dhaawac nafsi ah oo caruurnimadii laguu gaystay,dagaalada
Sidee loola tacaala
1.Jimicsi in uu qofku samaaye maskaxda waxaa gaadha xiligaas dhiig fiican kaas oo uwada vitamino iyo macdantan ka helno cuntada qofka waxa uu ka helaa daganaan iyo cidhiidhag oo kayarada iyo in uu siifcan u fikiro
2.Iska ilaali cidlada qofku marka uu kaligii yahay waxa maskaxdiisa ku soo noq noqda dhacdooyinkii h**e noloshiisa ama xanuunkisa marwalba waa mid ku mashuula xaalada haysa , balse haduu mashquulo maskaxda way mashquusha qofkuna isaga oo daalan ayuu hurdo raadsadaa
3.Qoysku waxay dowr wayn ka ciyaari karaan ka kabsashada diiqada haddii ay aqoon u yeeshaan qofka sida loo hayo, sida hooyooyinka la iil darran xanuunkaan waa in kaalmo ka helaan xubnaha kale ee qoyska si loola qeybsado culeyska saaran.
4.Dawaynta :Daawayntu waxay ku xiran tahay in la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambayso niyadjabkaaga, haddii ay xanuun jirkaaga ku jiro ay tahay waa in baaritaanno lagugu sameeyaa, haddii ay ka dhalatay nafaqo darro ama khalkhal hormoonnada ah iyadane waa in daawo lagu saxaa, haddii ay ka bilaabatay xaalado halis ah oo ku soo maray ama raad nafsi ah kugu reebay waa in iyadane lagula tacaalaa sheekaysi
5.Alle waydiso in uu ku caafiya isaga ayaa waxwaba qaadi kara Digriga alle badi isaga ayaa dawo u ah xanuun walba 4

30/08/2023

Cilmi nafsi waa barashada maskaxda iyo dabeecada dadka. Cilmi-nafsi waa barashadda hab-dhaqanka iyo maskaxda noolaha. Sidoo kale khubarada cilmi-nafsiga waxay ku qeexeen waa xaalad maskaxeed oo ku lug leh jahawareer udhaxeeya, wax dhabta ah iyo waxaan dhabta ahayn.
Cilmi nafsiga: waa barashada dabeecada, maskax ahaan, iyo qaabka qofka.
Cilmu-nafsiga ayaa ah mid ballaaran oo kala duwan oo ka kooban barashada fikirka aaddanaha, Dabeecada, hormarka, shakhsiyada, shucuurta iyo dhiirigelinta. Cilmi nafsigu waa darraasada tacliinta iyo dabaqidda howlaha maskaxda iyo dabeecadda.

Cilminafsi (Af Ingiriis : Psychology; Af Carabi waa cilmiga iyo barashada maskaxda iyo dabeecada dadka.sidoo kale cilmi ...
10/06/2023

Cilminafsi (Af Ingiriis : Psychology; Af Carabi waa cilmiga iyo barashada maskaxda iyo dabeecada dadka.

sidoo kale cilmi nafsiga waxaa lagu macneeya ain uu saldhig un yahay in qofku isku qaato wax uusan aheeyn Cilmi nafsigu waa barashada nafta iyo dabeecadeheeda iyadoo laga eegayo dhinacyo badan waxaa la ogaadaa naftu waxay diidayso iyo waxay doonayso iyo siday jawaab uga bixiso waxa la soo dersa oo jawaab bixintaasi isugu jirta mid dareen ah iyo mid hadal ama fal ay u soo gudbiso,haddaba nafba nafta kale sababaha ay uga gedisan tahay marka loo eego dhaqanka iyo dabeecada u gaarka ah waxaa dib loogu celiyaa oo loo sababeeyaa taariikh nololeedkeedii iyo waxyaalihii ay h**e ula soo kulantay oo isugu jira deegaanka ay naftaasii ku noolayd iyo dadka ay la soo dhaqantay sidoo kale aqoon iyo waayo aragnimo nooca ay soo kasbatay ilaa iyo taariikh nololeedkeedi

1. Caafimaadka maskaxda waxa uu khuseeyaa sida ay dadka u fikiraan, wax u dareemaan, iyo sida ay u dhaqmaan, waxa uuna k...
15/12/2022

1. Caafimaadka maskaxda waxa uu khuseeyaa sida ay dadka u fikiraan, wax u dareemaan, iyo sida ay u dhaqmaan, waxa uuna ka kooban yahay garashada, dabeecadda, iyo ladnaanta dareenka ee maskaxda.
2. Caafimaadka maskaxda wuxuu saamayn karaa nolol maalmeedka, xiriirka, iyo caafimaadka jirka ee qof kasta. Inuu qofka ka fikiro caafimaadka maskaxdiisa ayaa ka saacidi karta inuu helo awood uu ugu raaxaysan karo nolosha

3. Xaaladaha qaar sida walbahaarka, niyad jabka, iyo walwalka ayaa dhammaantood saamayn kara caafimaadka maskaxda waxayna khalkhal gelin karaan nolol maalmeedka qofka.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Som Mental Health Academy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share