Dalmar Notes

Dalmar Notes Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dalmar Notes, Medical and health, Mogadishu.

  2aad:Moowduuceenii cudurka dhiig-karka.  waa maxay dhiigkar, luuqada qalaadne lagu yiraahdo(Hypertension)?Dhiigkarku w...
07/02/2024

2aad:Moowduuceenii cudurka dhiig-karka.

waa maxay dhiigkar, luuqada qalaadne lagu yiraahdo(Hypertension)?

Dhiigkarku waa marka cadaadiska sare ee dhiiga uu yahay 140mmhg,ama ka badan yahay.Halka Cadaadiska hoosane uu yahay 90mmhg,ama ka badan.

-karka waxa loo qeybiyaa labo qeybood, oo kala ah :

1: Primary hypertension:Dhiigkarkaan waa nuuca ugu badan dhiig-karka, lamana yaqaano wax si toos-ah usababa,balse waxa la aamisan yahay in uu dhaxal(genetic) ku lugleeyahay iyo arimo kale oo is biirsaday sida cayilka.

2:Secondary hypertension:Dhiigkarkaan waa mid si toos-ah wax usababaan,tusaale ahaan shaqo la'aanta kalyaha(kidney failure).

kamid ah Dhibaatooyinka uu keeno cudurka dhiig-karka:

1:Dhibaatooyin xaga araga ah
2:Wadnaha oo hawl gaba
3: Dhibaatooyin ku yimaada halbowlaha waraabiya wadnaha(coronary artery)
4:Maskaxda oo dhiig ku furmo(stroke)
5: Dhibaatooyin uu ugeysto kalyaha.

caawinaya in uu qofka cudurkaan ku dhaco waxa kamid ah:

1:Cayilka faraha badan
2:Da'da weyn
3:Qaadashada cusbada badan
4:Jimicsi la'aanta
5:Cabida sigaarka

loo baahan yahay kahor inta aan laga cabirin qofka Cadaadiska dhiiga(blood pressure)

1:Waa in uu qofka nasto hadduu socod ku yimid muddo 10 ilaa 15 daqiiqo ah.
2:Waxa wanaagsan in qofka laga cabiro gacanta wadnaha xigta ee bidix(left arm).
3:Waa in uusan qofka soo cabin qaxwe ama sigaar kahor inta aan dhiiga laga cabirin.

loo adeegsado cabirka Cadaadiska dhiiga.
Sida sawirada hoose ka arkeyno, labo qalab ayaa ugu caansan, kuwaasoo kala ah:

1:Digital blood pressure monitor, waa midka ugu badan ee la adeegsado.
2:Mercury Sphygmomanometers, waa midka labam-benayo.

baa loola tacaayalaa cudurka:

1:Miisaanka oo ladhimo
2:Jimicsi joogto ah
3:Wal-walka oo qofku iska yareeyo
4:Cunto caafimaad leh oo lacuno
5:Sigaarka oo la iska joojiyo
6:Daawo qaadasho (antihypertensive drugs) tusaale propranolol.

ayaan kusoo koobeynaa Moowduuceenii kusaab-sanaa cudurka dhiig-karka(hypertension).

asxaabtaada.

.

 #بسم الله: #سلام عليكم:  aad caafimaad qabtiin baan rajeynayaa dhammaan walaalaha nagu xiran.  dhawaada madasheena Dalm...
06/02/2024

#بسم الله:
#سلام عليكم:

aad caafimaad qabtiin baan rajeynayaa dhammaan walaalaha nagu xiran.

dhawaada madasheena Dalmar Notes, oo aan kusoo gudbin doono qoraalo iyo muuqaalo caafimaadka laxariira.

waxa uu daaran yahay cudurka dhiig-karka, luuqada qalaadne lagu yiraahdo(Hypertension).

Kahor inta aanan hadal waxa uu yahay cudurka dhiig-karka, aan isla barano waxa uu yahay Caadiska dhiiga(blood pressure).

:Cadaadiska dhiiga waxa lagu qeexaa, Cadaadiska uu dhiiga ku hayo derbiga xididada dhiiga(wall of blood vessels),qaasatan xididada halbowlaha(Arteries).

Haddaba haddaan isla fahamnay waxa uu yahay Cadaadiska dhiiga, aan eegno inta loo qeybiyo Cadaadiska dhiiga.

Cadaadiska dhiiga waxa loo qeybiyaa labo qeybood, oo kala:

#1:Systolic blood pressure:kasoo soomaalidu utaqaan Cadaadiska dhiiga kore
#2: Diastolic blood pressure:Kasoo soomaalidu utaqaan Cadaadiska dhiiga hoose.

aan kala qeexno, ama kala saarno, waxa ay kala yihiin labada cadaadis.

#1: Systolic blood pressure: Cadaadiskaan waxa uu kadhashaa,awooda uu wadnaha kusoo saaray dhiiga marka uu isku soo aruuro(heart contraction).
Waxaana sida caadiga ah laga rabaa, in uu ka kayaraado 120mmhg.

#2: Diastolic blood pressure:Waa Cadaadiska uu dhiiga kusameeyo derbiga xididada dhiiga(arteries),inta uu wadnaha kala baxsan yahay(heart relaxation).

qeybta labaad,lanawadaag asxaabtaada.

.

Address

Mogadishu

Telephone

+252619681983

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalmar Notes posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dalmar Notes:

Share