31/01/2021
Burada makaanka(Uterine fibroids)
Hordhac:
Buradan waxay ka soo baxdaa hab dhiska dhalmada ee dumarka loo yaqaano makaanka , waa buro Aan kansar ahayn oo kasoo baxda lakabyada muruqa mankaanka kaas oo looyaqano afka qalaad FIBRIOD ,MYOMA ama LEIOMYOMA.
Hyâada cafimaada aduunka waxay ogaatay inay buradan ay ka soo baxado guud ahaan dumarka daâdoodu u dhaxayso 16 jir ilaa 50jir taas ay tahay wakhtiga ay gabadhu ku jirto dhalamada ama cadogoyska ka hor. Taas oo dheecanka looyaqaano estrogen xadkiisu uu aad u sareeyo xiligay ay gabadhu ku jirto wakhtiga dhalmada.
Buradan waxa ay haleesha ku dhawaad 30% dumarka daâdoodu ay ku dhawday 35 jir, 20-8o% waa dumarka daâdoodu ku dhawday 50 jirka .
Maxa keena burada makaanka?
Inkastoo an la ogayn waxa saxda ee keena ,hadana waxa loo malaynayaa in ay kasoo baxado muruqa minka dhexdisa kuwaasoo si degdeg ah u tarma, waxana qayb wayn ka qaata dheecanka loo yaqaano estrogen .
Buradan waxay leeday 4 qaybood oo ku xidhan halkay kasoo baxdo, taas oo noqon karta hal ama dhowr xabo.
afarta qaybood waxay kala yihiin:
1.Mid ka soo baxda muruqa makaanka waana halka ugu badan ee ay kasoo baxdo buradani.
2.Mid ka soo baxda xuubka u sareeya ee makaanka
3.Mid ka soo baxda qaybta u hoosaysa ee maakanka ama gudaha makaanka .
4.Mid ka soo baxda afka h**e ee makaanka .
Yaa halis ug jira buradan:
1.Dumarka kusiI dhaw wakhtiga dhalmo goyska kasoo ka qayb qaadanayo dheecankan h**e usoo sheegnay ee estrogen ka ah.
2.Dumarka cayilan ama burbuuran.
3.Hadii ay jiraan dad qoyskaaga ah sida hooyada ama walaasha oo ay lahayeen buradan waxa dhici karta in aad yeelato.
4.Dumarka caadada ama dhiiga wakhti h**e hela ama daâdoodu oo aad u yar .
Calaamadaha lagu garto burada makaanka:
â¢caadada oo aad u badata am ka badan intii caadiga ahayd (dhiigbax)
â¢mudada dhiiga caadada soconaya oo ka badan 7cisho.
â¢qofka oo culays iyo xanuun ka dareema gumarka ama isku wareega inta ay dumarku u yaqnan macdanta.
â¢dhabar xanuun iyo lugo xanuun.
â¢kaadida oo qofka dhib kala kulma.
â¢xanuun xiliga galmada .
daawaynta burada makaanka :
waxa muhiim ah in hooyada ka cabanaysa calamadahan in ay u baahantahay :
1.in dhiig baxa laga ilaaliyo .
2.in xanuun biin la siiyo madaama ay dareemayso xanuun .
3.in si dhakhso ah ula xidhiidho dhakhtarka qaabilsan cudurada dumarka.
4.burada inta badan waxa lagu daawayn kara mudaawaad oo soo gureeysa burada kolba culayska ay leedahayna weyku xiran tahay .
NB : hadaba akhriste hadii aad calaamadahan isku aragtay nalaso xiriir inaga ka daweyn doono insha allah .
Dr.muna
Whatsapp
252611165878