Tanaad Pediatric Hospital

Tanaad Pediatric Hospital Tanaad Hospital

10/09/2024

waxaa loo kala saraa dhoor nooc lakiinse waxaa ugu muhiimsan A,B,C.

A waxaa laga qadaa biyaha wasaqda qudaarta aan la dhaqin iyo nadafada oo hooseysa.

B waa mid lala noolaado waana xanuun si joogta aad u dareemi kartid inkastoo uusan laheen calaamado xanuun ah.

B waxaa keena caabuqa viralka ah waxaana la isku gudbin karaa galmada tusaale qof qaba B wuxuu u gudbin karaa qofkii uu la galmooday waa haddii uu yahay midka activeka ah.

Sidoo kale hooyada uurka leh haddii ay la ildaran tahay waxay u gudbin kartaa ilmaha ay caloosha ku siddo.

Sidoo kale waxaa la isku gudbin karaa qalabyada la wada isticmaalo tusaale Cidiyo gurta,timo jaraha cirbadda iwm .
B waxaa la nool dad badan.

C waa kan ugu daran wuxuu ka yimadaa B qofka marka uu qabo B wuxuu ku noqon karaa C oo ah in uu dhaawac gaarsiiyo beerka wuxuuna isku sii badali karaa kancer

Hadda haddii aadan wali iska talaalin Hepatitis B iska talaa waa xanuun halis ah.

Ee Si Degdeg ah uso dalbo Dawadan oo Dabiiciga ah Taaso kaa ciribtirayso gabi ahaanba Cagaarshowga

Faa,iidada daawada cagaarshowga:

(1) waxey dhiiga ka sifeyn wixii ku jira oo caabuq ah

(2) waxey xoojin shaqada beerku u hayo jirka

(3) waxey daawo u tahay cagaarshowga noocyadiisa kala duwan

(4) waxey u roon tahay dhamaan xanuunada ku dhaca beerka

Fiiro gaar ah: daawadan loogu talagalay cagaarshowga waxey soconeysaa mudo sadax bilood ilaa lix bilood oo xidhiidh ah.
Sadax bilood kadibna ilaahey idankii waad kaga bogsoon cagaarshow nooc walboo uu yahay.

09/09/2024

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€
Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:
1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.
Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.
๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?
Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,
waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.
Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:
1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".
Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.
Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.
Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.
Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.
Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.
Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.
Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.
Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.
Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.
Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.
๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

Maxaa sababa tayo la aanta caanaha naaska hooyada? Inta ugubadan waxayaabaha sababa waxaa kamida1.kaniinka ilamaha lagu ...
15/12/2022

Maxaa sababa tayo la aanta caanaha naaska hooyada?

Inta ugubadan waxayaabaha sababa waxaa kamida

1.kaniinka ilamaha lagu kala koriyo
2.dhibaato xaga reerka ama isku buuqsanan dhanka hooyada ah
3.in ay hooyada subaxa h**e ay qaxwo ama kafaay ay cabtaaa

4. Hooyada oo aan cabin biyo kufilan

5.Habka naas nuujinta ama qabshada ubadka oo sax saneen waxa ay qayb wayn kaqadataa in uu naasku caaano fcn soo saarin

6.in ay hooyadu cunin cuno isku dheeli tiran

Mahdsanidiin

29/09/2022

8 HAB OO AAD ILMAHAGA MASKAXDOODA U DHISI KARTO

1:kutababar ilmahaaga nidaam joogta ah sida cuna cunista waqtiyada jiifka tan ciyaarta

2: kutaba bar in ilmahaagu uusan saacado badan meel iska fadhin.

3:kudhiiragali in uu guriga kabaxo oo uu so cayaaro,cayaaro jimcsi kujira.

4:Ixtiraam cunugaaga oo ugu jawaab su'aal walba oo uu ku waydiiyo adigoo kucabiraya jawaabaha ay maskaxdiisu qaadikarto.

5:U ogolaaw in ilmahaagu la so cayaaraan ilmaha asaagooda ah.

6: Iska ilaali hab ciqaabadka foosha xun xiliga ay ilmaha qaladaad galaaan sida garaacista.

7:kutaba bar ilmahaaga wax aqriska gaar ahaan qisaska.

8:uga shakay ilmuha shekoyin adiga oo aan kumashquulin in uu qaban karo iyo inkale ogow maskaxda ilmuhu aadbay wax u duubaysaa xiligaaas.

Ugudanbayn hooyo ilmahaaaga ukori maskaxiyan .mahadasanidiin

09/09/2022
AUTISM(Dhakaake)AUTISM :ma ahan cudur balase waa fakar  ilmuhu ay ufahmaan nolosha sida caruurtakale aysan u fahmeen .Ma...
10/08/2022

AUTISM(Dhakaake)

AUTISM :ma ahan cudur balase waa fakar ilmuhu ay ufahmaan nolosha sida caruurtakale aysan u fahmeen .

Maxalagu gartaa in ilmuhu uu xaladaas kujiro

โ—In uu kuyimaado dib udhac koritaanka ilmaha.dhinacyada dad ladhaqanka xifradaha kala duwan sida hadlka iyo ciyaarta .
โ— Taabashada ilmaha oo dhibta ama ayasan jeclaan in loso dhawaado.
โ— ILmaha yar oo an kuso egi kari /fiirin karin
โ— Dhadhanka oo kaluma wax walbo o sikale ugu dhadhamo.
โ— in uu ku cel celiyo wixii la dhaho sida magacaa in uu kugu so celiyo magacaa.
โ—Dhib kunoqosho hadii su aal la weydiiyo
โ—ILmaha o codkodu kaduwanado ilmaha kale

Ugudanbeen hooyo ama aabe lasoco ilmahaaga inta uu yar yahay koriimada maskaxeed iyo tan jireedba.

MAHAD SANIDIIN

DHIBAATADA UU ULEYAHAY TV-GA LAMAHA KAYAR 2DA SANO~Araga ilmaha yar oo yaraada ~ maskaxda ilmaha yar oo dhibaato soo gaa...
09/08/2022

DHIBAATADA UU ULEYAHAY TV-GA LAMAHA KAYAR 2DA SANO

~Araga ilmaha yar oo yaraada
~ maskaxda ilmaha yar oo dhibaato soo gaadho maadama aysan udiyaarsaneen waxaas daawashadooda.
~Dabeecada ilmaha yar oo badalanta maadama dhawaaqyo iyo kalaro kala duwan ay kudhacayaan maskaxda ilamaha yar si toosa .
~Hilmaam badan .
~Hurdo xumo soo wajhda ilmaha yar.
~Qaraw xiliga hurda ay kujiraan ilmaha yar.
~Barashada luuqada ama hadalka o kasoodaaha.
~Miisaanka ilmaha oo hoos udhaca.
~Cunto xumi lagu arko ilmaha yar maadama uusan daremeen baahi xiliga u wax daawanayo

Ilmaha labadasano kaweyn.

ยค Iyaga waxaa u haboon in la xadido waqtiga daawashada, haddi ay markaas muhiim tahay
ยค Ha ushidin xiliga ay jiifan rabaan ilamaha .
ยค haku xirin tv-ga qolka jiifka ilmaha

Nafaqa darada caruurta ku dhacda Nafaqa daradu waa in uu jirku kayarado waxa uu u baahnaaa, ayada oo saameyn ku imaato m...
05/08/2022

Nafaqa darada caruurta ku dhacda

Nafaqa daradu waa in uu jirku kayarado waxa uu u baahnaaa, ayada oo saameyn ku imaato maskaxiyan iyo jismiyanba dhalaanka yar .
Nafaqadarada ilmaha ku dhacda waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah.
โ– nafaqada dhalaanka uu qaadanaayo oo yar taasi waxa ey sababi kartaa caabuqa ilmaha ku dhaca .
โ–  Nnafaqada dhalaanka uu qaadanaayo oo isku dheeli tirneen tan ayaa sabata in ilmuhu nafaqadaro lagu arko.

Maxaad ku garan kartaa.
โ— IN miiskaanka ilmaha uu hoos udhaco
โ—IN timaha ilmaha ey qalalaan
โ— IN daamanaka ilmaha eey caato yihiin
โ—IN uu ilmuhu dabecad xun yahay (oyinbadan
โ—IN uu jirka ilamaha uu yeesho nabro
โ—IN uu ilmuhu cuntada kaa diido
โ—IN uu ilmuhu dhiig la aan ku dhacdao
โ— UGUDANBEEN caloosha oo so bararto

Latacaalida ilmaha nafaqadarada heysa badanaa malahan latacaalid guriga ah waa in aad geysaa isbitaaal.

Hooyo kataxadar ilmahaaga inta eysan nafaqa laaan kudhicin oo sii cuno isku dheelitiran

MHDSANIDIIN

Maxaa sababa ilmaha oo gad gaduud ama nabra yeesha xiliga xafayada loo xiro? 1.ilmaha oo laga badalin xiligii ku haboona...
01/08/2022

Maxaa sababa ilmaha oo gad gaduud ama nabra yeesha xiliga xafayada loo xiro?


1.ilmaha oo laga badalin xiligii ku haboonaa xafayada
2.waxyaabaha kiimikada ah oo ilmaha loo mariyo hoosta
3.tiishka ilmaha saxarada loga tiro gaar ahaan kuwa carfta leh ama udgoon
4. xafayda oo ilmaha lagu dhuujiyo
5.daawoyinka qalajiyaha marka ey isticmaaleyso hooyada ilmaha nuujisa

Maxaa lagula tacaali karaa?

โ—‡In aad joojiso gabi ahaanba waxyabaha carfoon ee ad hoosta ilmaha maris
โ—‡ in aad waqti h**e kasaadho marka uu isticmaalo ilmuhu xafaayada
โ—‡ in aad biyo diiran ugu merto halkii aad tiishka is ticmaali la heyd
โ—‡ in aad gacmaha aad ku meedho biyo iyo saabuun mar walba oo ad dhalaanka umerto
โ—‡ in aad isticmaasho caremada yareya finanka ama gad gaduudka isda (desitin) waa karem aad isticmaali karto bilaa dhaqtar

Ugudanbee hadii aad wax isbadal ah ku arki weyso talooyinkaa kadib ama aad ku aragto nabraha oo sii bato ama xumad saaida cuncun ama gubasho xiliyada habeen kii ah hooyo laxiriir dhaqtarka kuugu dhaw ama dhaqtarka aad leedahay

FADLAN KA TAXADAR CAAFIMADKA UBADKAAGA MAHDSANIdIIN

Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka Waa Weeyn iyo Caruu...
29/07/2022

Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka Waa Weeyn iyo Caruurtaba.?

Waxaan Halkan Kugu Soo Gudbin Doonaa Cilmi baaris Ku Saleeysan aqoon Cilmiyeed , Waxaan Hubaa inaad Ka faa'ideysan doontid , Waa Haddii Aad Waqti Kooban Siiso aqrinta qoralkan Haddaad daahsan tahay Waqti Kale .!

1: Waxaa La Sheegaa Qofka Mar Walba Ku Quraacdo Xabad beedh ah {Ukun ah} Waagu Markuu baryo , Miizaanka Qofkaas Waa Uu Xafidmaa Dheeli tirnaada , Mana Kordhayo Mana Ka Nuqsaamayo.

2: Ukunta Karsan Waxeey Ka Mid tahay Maadooyiinka Aad Uga qeeyb qaato Sara U Kaca Shaqada dheefshiidka Waxeeyn Jirka Siisaa Heerkul Ku Haboon Oo Wanaagsan.

3: Shaqada Beerka Oo Si Wanaagsan U Shaqeeyo ayeey qeeyb Ka tahay Si gaar ah Maaddo lagu Magacaabo " Koline' Oo Ku jirto Ukunta Karsan ayaa Si Wanaagsan Uga qeeyb qaadato Habsame U Socodka Wareegiisa Shaqada.

4: Awoodda Caqliga ayeey Xoojisaa isla Maadadan lagu magacaabo" Koline" Ayaa Si Weeyn Uga qeeyb qaadato Soo Celinta Xasuusta iyo Xifdinta

Gaar Ahaa inaad Wax badan Tarkiizka Saarto Sidaa darteed Waxaa lagula taliyaa in Caruurta Subaxdii Labaxo Oo Ukun ah loo Kariyo.

5: Waxeey Xoojisaa difaaca jirka Oo Waxaa Yaraado Awoodii ay Cudurada jirka Ku Soo Wareeri lahaayeen.

5: Waxeey Ka Kooban tahay Ukunta Karsan Fitimiinada Kala ah Vitamin A Vutamin B iyo Aasiidhka Nuuca Folic"
Waana Maaddoyiinka Ugu Muhiimsan Ee Xoojiya difaaca jirka Aadanaha.

7 : Vitamin D Oo Ka Mid ah Kuwa Ugu badan Ee Laga Hela Ukunta Karsan
Waxeey Ka qeeyb qaadataa Dhismaha lafaha Waxaa intaas Sii dheer Waxeey yareeysaa Xanuunka Xubnaha Kala gooysyada Ku dhaca.

โ˜ž" Ugu Dambeeyn Salliga Nabiga Oo Aad badiso Waxa ay Kaa yareeysaa Murugta iyo Walaaca War Warka iyo Caloolyowga Ha Hilmaamin inaad Ku Salliso Ka dib faafi.โœ๐Ÿ’”

MAHDSANIDIIN

Address

Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tanaad Pediatric Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category