BaadiGoob AgroLink

BaadiGoob AgroLink BaadiGoob AgroLink is a digital platform connecting farmers and buyers through a trusted, practical, and local market-linkage system.

BaadiGoob AgroLink connects farmers and buyers, improving market access and income opportunities, with a special focus on supporting women farmers in Somalia so they can achieve fair market access. We help improve market access, increase incomes, and make it easier for fresh produce to move from farm to customer. With a special focus on supporting women farmers in Somalia, BaadiGoob AgroLink works

to strengthen livelihoods, expand opportunities, and promote fair market access while building a more inclusive and efficient agricultural value chain.

14/04/2026

Qaar kamid ah haweenka beeraleyda ee an siinnay tababar ku saabsan horumarinta beeraha iyo tayada wax-soosaarka.
BaadiGoob AgroLink waxay ka shaqeyneysaa awood siinta haweenka beeraleyda, kobcinta xirfadooda, iyo isku xirka suuqa si loo helo nidaam beeraley oo hufan oo la isku halayn karo.

Sidee lagu gartaa qaraha macaan?Ma rabtaa qaraha ugu macaan? Fiiri calaamadahan:✅ Midabka hoose (yellow spot) – Haddii u...
12/04/2026

Sidee lagu gartaa qaraha macaan?

Ma rabtaa qaraha ugu macaan? Fiiri calaamadahan:

✅ Midabka hoose (yellow spot) – Haddii uu jaalle yahay, waa bisil oo macaan
✅ Codka – Marka aad garaacdo, waa inuu yeeraa cod qoto dheer
✅ Miisaanka – Qaraha culus = biyo badan macaan
✅ Qaabka – Dooro mid siman oo aan lahayn nabar badan
✅ Qolofka – Waa inuu adag yahay oo dhalaal yar leeyahay

Qaraha fiican waa mid culus, cod leh, oo jaalle hoose ka leh!

Adiga sidee ku doorataa qaraha?

Yaanyada iyo Faa’iidooyinkeedaYaanyadu waa khudrad (ama miro) si weyn looga isticmaalo cuntooyinka kala duwan, waxayna l...
06/04/2026

Yaanyada iyo Faa’iidooyinkeeda

Yaanyadu waa khudrad (ama miro) si weyn looga isticmaalo cuntooyinka kala duwan, waxayna leedahay faa’iidooyin caafimaad oo badan.

Faa’iidooyinka Yaanyada

🔸️Ilaalinta wadnaha: Yaanyadu waxay hodan ku tahay antioxidant loo yaqaan lycopene, kaas oo yareeya halista cudurrada wadnaha.
🔸️Wanaajinta maqaarka: Waxay ka caawisaa maqaarka inuu noqdo mid caafimaad qaba oo ifaya.
🔸️Xoojinta difaaca jirka: Yaanyadu waxay leedahay fitamiin C oo sareeya, taas oo kordhisa difaaca jirka.
🔸️Ka hortagga kansarka: Lycopene-ka ku jira yaanyada ayaa la ogaaday inuu yareeyo halista noocyada qaar ee kansarka.
🔸️Caawinta aragga: Waxay leedahay fitamiin A oo muhiim u ah caafimaadka indhaha.

Yaanyadu waa cunto fudud oo nafaqo badan leh, waxayna muhiim u tahay caafimaadka jirka iyo difaaciisa.

Mooska iyo Faa’iidooyinkiisaMoosku waa mid ka mid ah miraha ugu caansan dunida, waxaana uu leeyahay faa’iidooyin caafima...
05/04/2026

Mooska iyo Faa’iidooyinkiisa

Moosku waa mid ka mid ah miraha ugu caansan dunida, waxaana uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo badan.

Faa’iidooyinka Mooska:

🔹️Kordhiya tamarta jirka: Moosku wuxuu hodan ku yahay sonkor dabiici ah sida glucose iyo fructose, taas oo si degdeg ah u siisa jirka tamar.
🔹️Wanaajiya dheef-shiidka: Waxa ku jira fiber badan oo ka caawiya caloosha inay si fiican u shaqeyso.
🔹️Xakameeya cadaadiska dhiigga: Moosku wuxuu leeyahay potassium badan oo muhiim u ah wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.
🔹️Ka hortaga murqaha xanuunka: Dadka jimicsiga sameeya, moosku wuxuu ka caawiyaa murqaha inay si fiican u shaqeeyaan.
🔹️Kobciya maskaxda: Waxyaabaha ku jira mooska waxay ka caawiyaan feejignaanta iyo shaqada maskaxda.

Gunaanad:
Cunista mooska maalin kasta waxay kaalin weyn ka qaadataa caafimaadka guud ee jirka.

Eid MubarakIlaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo dhammaan cibaadadii aynu soo gudannay.Hana inooga dhigo maali...
19/03/2026

Eid Mubarak

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo dhammaan cibaadadii aynu soo gudannay.
Hana inooga dhigo maalintaan mid farxad, nabad, iyo is cafin ku dhisan.

Eid Mubarak dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan

At BaadiGoob AgroLink, we are proud to connect farmers and buyers, helping to improve market access and create more inco...
14/03/2026

At BaadiGoob AgroLink, we are proud to connect farmers and buyers, helping to improve market access and create more income opportunities. Our work places a special focus on supporting women farmers in Somalia, so they can achieve fair market access, reach more buyers, and strengthen their livelihoods.

BaadiGoob AgroLink is here to help bridge the gap between farm and market — building a more inclusive, connected, and empowering agricultural ecosystem for all.

11/03/2026

Haweenka beeraha waa halyeeyada dhabta ah ee cuntadeena.
Iyaga ayaa dadaal iyo sabir ku soo saara khudaarta iyo miraha aan maalin kasta cunno.

Taageer haweenka beeraleyda ah — waxaad taageereysaa mustaqbal caafimaad leh.

Maadama ay Maanta tahy Maalinta Haweenka Adduunka. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa haweenka beeraleyda Soomaaliyeed...
08/03/2026

Maadama ay Maanta tahy Maalinta Haweenka Adduunka.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa haweenka beeraleyda Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan horumarinta beeraha iyo quudinta bulshadeena. Dadaalkiinna, adkeysigiinna, iyo kartidiinna ayaa laf-dhabar u ah horumarka miyiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Agrolink waxay garab istaagtaa haweenka beeraleyda ah, iyadoo siisa taageero, aqoon, iyo fursado ay ku kobciyaan wax-soosaarkooda iyo noloshooda. Waxaan ku faaneynaa in aan qayb ka nahay safarka guusha ee haweenkan geesiyaasha ah.

03/03/2026

🌙Ramadanka kaliya ma aha bil soon
Waa bil caafimaad, naxariis iyo nafaqeyn.

Kadib saacado badan oo soon ah, jirkeennu wuxuu u baahan yahay tamar dabiici ah, macaan dheellitiran, iyo fitamiino soo nooleeya.
Miro iyo khudaar fresh ah ayaa ah furaha caafimaad iyo firfircooni

Aan ka faa’iideysanno bisha barakaysan si aan u xoojino jirkeena iyo iimaankeena labadaba.
Ilaahey hanaga dhigo kuwii ka faa’iideysta Ramadaanka, kuna dhameysta caafimaad iyo cibaado suuban. Aamiin

02/03/2026

Ma ogtahay in beeraley badan ay la daalaa dhacaan sidii ay dalagooda suuq ugu heli lahaayeen?
Baadigoob AgroLink waxay u taagan tahay inay noqoto buundada isku xirta beertaada iyo suuqa.
Anagoo adeegsanayna Call Center-keena casriga ah
✅ Qudaartaadu si toos ah ayay u gaartaa Hoteellada
✅ Maqaayadaha
✅ Iyo Guryaha
Waxaan kuu haynaa suuq diyaar ah iyo xiriir joogto ah.
Baadigoob AgroLink: Ma ahan kaliya isku xirka suuqa — waa dhisidda nolosha beeraleyda.
📞 Wac 2434 maanta oo ku xir Call Center-keena!

BAADIGOOB AgroLinkTaageero Toos ah oo loogu talagalay Beeraleyda & IibsadayaashaBAADIGOOB AgroLink waa madal casri ah oo...
14/01/2026

BAADIGOOB AgroLink

Taageero Toos ah oo loogu talagalay Beeraleyda & Iibsadayaasha

BAADIGOOB AgroLink waa madal casri ah oo bixisa taageero degdeg ah, isla markaana si hufan u isku xirta beeraleyda iyo iibsadayaasha si sahlan oo la isku halayn karo.

Waxaan kaa caawinaynaa:
🔹️In beeraleydu helaan suuqyo furan
🔹️In iibsadayaashu helaan wax-soo-saar tayo leh
🔹️In ganacsigu u dhaco si cadaalad iyo hufnaan leh

Adeegyadeenna:

✅ Helidda suuqyo ku habboon
✅ Hagid qiimeyn & talo ganacsi
✅ Taageero dalabyo & xiriir macaamiil
✅ Isgaarsiin degdeg ah oo la isku halayn karo

Nala Soo Xiriir:
WhatsApp: +252 614195304
Call Center: 2434

BAADIGOOB AgroLink
Isku xire beeraleyda iyo ganacsatada — horumarinta beeraha iyo ganacsiga.

BaadiGoob AgroLink waxay ka mid noqotay 10-ka shirkadood ee ku guuleystay Stage 1 Grant ee Somali Women’s Market Access ...
08/01/2026

BaadiGoob AgroLink waxay ka mid noqotay 10-ka shirkadood ee ku guuleystay Stage 1 Grant ee Somali Women’s Market Access – Open Innovation Challenge.
Waxay muujineysaa saameynta BaadiGoob AgroLink ee:
• Xoojinta haweenka ku jira silsiladaha cunnada & ganacsiga
• Horumarinta suuq-geynta iyo market linkage-ka
• Kobcinta wax-soo-saarka maxalliga ah
• Abuurista fursado shaqo oo waara
• Dhisidda nidaam cunto oo adkaysi leh (Food Systems)
Waxaan si gaar ah u maahad celinayna Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka taageerada joogtada ah ee ay u fidiso hal-abuurka horseedaya horumarinta suuqyada, ganacsiga, iyo beeraha Soomaaliya.
BaadiGoob AgroLink waxaa ka go’an inay sii hormariso isku xirka suuqyada, kobcinta ganacsiyada haweenka, iyo kor u qaadidda nidaamka agribusiness-ka ee dalka.




Address

1st Floor, Hano Connect, TikTok Street,, Hodan District
Mogadishu
KM5

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BaadiGoob AgroLink posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share