05/04/2026
Baydhabo, Abriil, 05, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlada Koonfur Galbeed iyo Hoggaanka Guud ee Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, gurmadka abaaraha iyo kaalinta Odayaasha dhaqanka ee dowlad-dhiska iyo la dagaallanka argagixisada.@