๐— ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต ๐—ง๐—ฉ

  • Home
  • Somalia
  • Mogadishu
  • ๐— ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต ๐—ง๐—ฉ

๐— ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต ๐—ง๐—ฉ medical

 :Cabitaanka Biyaha iyo Malabka===Cilmi-baaris lagu daabacay Frontiers in Physiology ayaa muujisay in cabitaanka biyo oo...
03/11/2025

:Cabitaanka Biyaha iyo Malabka
===
Cilmi-baaris lagu daabacay Frontiers in Physiology ayaa muujisay in cabitaanka biyo oo lagu daray malab qiyaastii 90 daqiiqo kahor jimicsiga uu kordhiyo tamarta jirka, yareeyo murqo-xanuunka isla markaana dedejiyo soo kabashada.

tijaabooyinku waxay muujiyeen in dadka cabay biyaha malabka ay yeesheen xoog iyo dulqaad ka badan kuwa aan cabin.

Malabku wuxuu ka kooban yahay maadooyinnka glucose iyo fructose kuwaas oo si dabiici ah jirka ugu bixiya tamar degdeg ah iyo mid joogto ah
Intaas waxaa dheer, malabku wuxuu leeyahay antioxidants iyo walxo dabiici ah oo yareeya bararka iyo daalka jimicsiga kadib


Aayad Qurโ€™aan ah oo ka hadlaysa faaiidada malabka:
ูŠูŽุฎู’ุฑูุฌู ู…ูู† ุจูุทููˆู†ูู‡ูŽุง ุดูŽุฑูŽุงุจูŒ ู…ู‘ูุฎู’ุชูŽู„ูููŒ ุฃูŽู„ู’ูˆูŽุงู†ูู‡ู ูููŠู‡ู ุดูููŽุงุกูŒ ู„ู‘ูู„ู†ู‘ูŽุงุณู
(Surat An-Naแธฅl, Aayad 69)
Macnaha:Waxa ka soo baxa calooshooda (shinnida) cabitaan midabo kala duwan leh, waxaana ku jira caafimaad daawo u ah dadka .

Culimada tafsiirka sida Ibn Kathir iyo Qurtubi waxay sheegeen in malabka uu leeyahay dawooyin dabiici ah oo Alle si gaar ah ugu sheegay Qurโ€™aanka taasoo caddaynaysa in malabku yahay daawo iyo barako isku dhafan oo u wanaagsan jirka iyo nafta labadaba.

Qoraalkan ma aha talo caafimaad ee waa wacyigelin guud qof kasta oo qaba xanuun ama xaalad caafimaad waa inuu la tashadaa dhakhaatiirta caafimaadka.

Ogow: Dadka leh sonkorow, xasaasiyad malab ama cudurro la xiriira dheefshiidka waa in aysan isticmaalin malab laโ€™aanteed talo dhakhtar.

Address

Mogadishu

Telephone

+252612704812

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ๐— ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐—›๐—ฒ๐—ฎ๐—น๐˜๐—ต ๐—ง๐—ฉ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram