28/07/2025
Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga cudurka Cagaarshowga (World Hepatitis Day), taasoo ku beegan 28-ka July.
Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada, muhiimadda baarista h**e, iyo faaโiidada talaalka cagaarshowga, si gaar ah noocyada halista ah sida Hepatitis B iyo C.
Xafladda waxaa ka qeyb galay Maamulka sare ee isbitaalka, dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, arday caafimaad iyo marti sharaf kale. Waxaa lagu soo bandhigay warbixino, khudbado wacyigelin ah iyo xog ku saabsan tirakoobka cudurkan.
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsanaa ee xafladda lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa bixinta tallaal bilaash ah oo looga hortagayo cagaarshowga (Hepatitis B), Kaasoo ay ka faa'iideysteen dad kala duwan oo danaynayey inay ka hortagaan cudurka, iyadoo Maamulka Isbitaalka oo ka qeyb qaadanaya xuska maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga uu go'aansaday inuu talaal bilaash siiyo dadweynaha daneynaya kaasoo illaa dhamaadka todobaadkan ay ka heli karaan xarunta Isbitaalka.
Ugu h**eyn waxaa ka hadlay Munaasabada Dr. Cabdikariin Cibaar oo ka waramay halista cudurka Cagaarshowga iyo sida loogu baahan yahay in looga feejignaado isagoo sheegay in tallaalka bilaashka ah uu qeyb ka yahay olole ballaaran oo uu isbitaalku wado si bulshada uga hortagto cudurkan.
โCagaarshowgu waa cudur halis ah balse laga hortagi karo haddii dadku helaan wacyigelin iyo tallaal. Maanta waxaan goobjoog u nahay in dad badan ay talaal heleen, taasoo muujinaysa sida ay dadweynuhu ugu baraarugeen muhiimadda ka hortagga,โ ayuu yiri Dr. Cibaar.
Sen.Prof. Dr. Cusman Maxamuud Dufle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee Ka hortagga iyo xakameynta Cudurka Cagaarshawga ayaa ka sheegay munaasabadaas in cudurkan uu weli yahay dhibaato caafimaad oo weyn, balse laga hortagi karo haddii la qaato talaalka iyo baaris joogto ahna la sameeyo, isagoo ku dheeraaday halista cudurkan iyo dhibaatooyinka uu bulshada ku hayo.
โWaxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney si firfircoon uga qeyb qaataan dadaallada ka hortagga Cagaarshowga, gaar ahaan iney qaataan talaalka Hepatitis Bโ ayuu yiri Dr. Dufle oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Guddiga addeega bulshada ee Golaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia.
Ugu dambeyn, maamulka isbitaalka Dufle ayaa ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan dadaallada la dagaalanka cagaarshowga iyo wacyigelinta bulshada si loo dhiirrigeliyo tallaabooyinka badbaadada leh ee Caafimaadka.