18/06/2022
Talo Caafimaad:
Hadii aad ku nooshahay meel qorrax kulul ka jirto, waxaan kuugula talin lahaa in aad marsato Cream-ka qoraxda (Sun Creams) waxaa ku jira maado (SPF-Sun Protection Factor) oo ka hortageyso (Ultra-Violet A and B ) shucaaca qoraxda in ay maqaarka maaadada protein-ka ah (Collagen) ee qurxiso maqaarka ee dhalinyaranimada kaa dhigeyso ay kaa burbusriso iyo in ay maqaarka shucaacas uu gubo.
Shucaaca sare A hadii uu kuugu dhaco, wuxuu soo dadajiyaa maqaarka in uu da’ noqdo oo waxay dishaa maadada maqaarka ka ilaalisa miiqmiiqa (Wrinkles), shucaaca kalena maqaarka ayey gubtaa (Sun burn) sidoo kale-na cancer-ka maqaarka (Melanoma) ayuu u keena badanaa dadka cad.
Waxaa jira cabir laga fiiriyo xiliyada uu daran yahay (UV rays-ka) hadii loo baahnyahay creams-kaas iyo in kale, waxaa la fiiriyaa Ultra-Violet Index waxa la dhaho.
Adigoo fiirinaayo sawirka hoose iyo waddanka aad joogto (UV Index)cabbirkisa bal fiiri oo ma u baahantahay ha hortag in aad qaadato sun protection creams.
Daryeel maqaarkaga oo talo weydiiso dhaqaatiirta maqaarka ku taqasustay ama aqoon u leh maqaarka waayo waa xubin muhiim ah oo in la daryeelo ay muhiim kuu noqoneyso.
Sidoo kale ka xero ookiyaalaha indhaha (Sunglasses).
DR.AMIN NUR