01/08/2021
Asalaamu Calaykum, dhammaan waxaan halkan ka salaam diirran uga dirayaa dadkayga Soomaaliyeed ee isugu jira lab iyo dhedig, yar iyo weyn, macalin iyo arday, mas’uul iyo shacab, askari iyo shaqaale rayid ah, qurba-joog iyo dadka dalka jooga.
Salaan kadib waxaan si farxad ay ku dheehantahay idiinku wargalinayaa in aan furey kanaal YouTube ah oo ku saabsan wacyigalinta caafimaadka, farriimaha la xiriira caafimaadka, fayodhawrka, iyo waliba aqoon kororsi caafimaad.
Waxaa Kanaalkan kasoo muuqan doona dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo kala duwan, kuwaas oo si muuqaal ah idiinla wadaagi doona tallooyinkooda caafimaad iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Ujeedku waxa uu yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada ee xagga caafimaadka, si loo helo bulsho foojigan, oo caafimaad ahaan badqabta.
Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah ay halkan kasoo muuqan doonaan dhaqaatiir shaqada ku jira, kuwaas oo sharaxaya cudurada kala duwan iyo sida ugu habboon ee looga hortago. Waxaa kale oon soo bandhigi doonnaa daraasadihii iyo dawooyinkii ugu dambeeyay adduunka.
Sidaasi awgeed, waxaan si xushmad leh idiinka codsanayaa in kusoo biirtaan kanaalkayga. Waxaan idiin balanqaadayaa in aan si daacadnimo leh idiinku adeeggo, idimka alle.