Amnaa Hilaal

Amnaa Hilaal health for mothers and new babies

Faidada  Liin Dhanaanta Laga Helo 1- Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, ( vitamin C ) fitamiinkaan oo xoo...
17/04/2025

Faidada Liin Dhanaanta Laga Helo

1- Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, ( vitamin C ) fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka ( boosts immunity ), lana dagaallamo infekshanka ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka iyo Ifilada,

2- Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, ( liver function ) waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aash*tada ( Uric Acid ) , waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii h**e cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.

3- Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada ( peristalsis movement of intestines ) si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro.

4- Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid dhiigga “Scurvey”,( gum bleeding ) xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha, waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku filan ay u qaataan safarradooda bada.

5- Liin dhanaanta waxaa ku jiro aash*tada loo yaqaano “Citric acid” tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida ( gallstones ) iyo kilyaha, ( kidney stones ) dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.

6- Qolofta liin dhanaanta waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano ( Tangeretin ) taaas oo caawiso dadka qaba xanuunka laleemada ( Parkinson’s disease )

10/04/2025

Shan shey oo loo bahan yahy hooyada iney xasuusnaato 3bilood ee ugu h**eeysa ee uurka

18/12/2024

Mar xaladaha uurka uu maro

Dawadee la siiyaa hooyada marka ay dhasho canuga ibadane ay kasoo baxdo si looga hortago dhiig bax?
17/12/2024

Dawadee la siiyaa hooyada marka ay dhasho canuga ibadane ay kasoo baxdo si looga hortago dhiig bax?

12/09/2023

Salaama asxpteyda waa machine aad kaga maarmi doontid inaa uunsi bil walbo gado gurigane aan ka Baxenden caraftiisa hal isbuuc waana la tijaabiyey ee ka faideysta 0615424712 gbdhii u baahan telkaas ha igala soo xariirto

waa maxay dhicis?Dhicisku waa dhalashada cunnuga,kaasoo aanan gaarin waqtiigi loogu talagalay  , haddana aanann ku noola...
02/09/2023

waa maxay dhicis?

Dhicisku waa dhalashada cunnuga,kaasoo aanan gaarin waqtiigi loogu talagalay , haddana aanann ku noolaan Karin meel ka baxsan ilma galeenka Hooyada, waxa ayna dhacdaa badanaa 24 isbuuc ee ugu h**eeyso uurka. Halka ilmaha caadiga ah oo waqtigiisa dhameeysta ay ku dhashaan 38 isbuuc .

Maxaa Sababa Dhiciska :

Infekshanka waxaa uu keeni kara dhicis haddii aan laga daaween hooyada inta ay uurka leedahay.

Hooyada oo qabta cudurka macaanka ama dhiikarka waxa ka qeeyb qaadaan karaan hooyada in ay dhiciso.

Dhibaatooyin la xariira hormoonada (Hormonal problem) .

Noocaa dhiigga hooyada iyo midka cunnuga oo kala nooc noqdo .
Tusaalle hooyada dhiiggeeda hadduu yahay O+ cunnugeeda uu noqdo O- , difaaca jirka hooyada waxa uu u fahmaayaa in jirka la soo weeraray maadama uusan aqoonsan , sidaa awgeed waxaa dhacaayo markaas in ay hooyada dhiciso.

Jug xoog leh oo hooyada oga dhacdo caloosha .

waa maxay calaamadaha dhiciska?

Dhiigbax inlagu arko hooyada, kasoo ka socdo xubinta taranka (vaginal bleeding)

Hooyada oo dhanka caloosha ka dareento xanuun aad u daran .(Abdominal crumping)

Ilma galeenka oo bilaabo in furmo ( Cervical dilation).

dheh si ay u gaarto hooyoyin badan
nasoo dheh si aan wax badan u kla faaidno

Isku soo noqod wangsan manta waxan ka hadleynaa Cuntooyinka Uurka Soo Rida Ee La iska IlaaliyoCuntooyinka uurka soo rida...
29/04/2023

Isku soo noqod wangsan manta waxan ka hadleynaa

Cuntooyinka Uurka Soo Rida Ee La iska Ilaaliyo

Cuntooyinka uurka soo rida ama dhaawac u geysan kara hooyada uurka leh iyo ilmaha, waxaa ka mid ah:

●Babaayga

Babaayga wuxuu ku jiraa liiska ugu sarreeya, laba sababood awgood. Babaayga ceyriinka ee aan bislaan waxaa ku jira, waxa loo yaqaano ”latex” oo sababi kara in ay hooyadu dhiciso, taasoo khatar muuqata ku noqon karta ilmahaaga. Si kastaba ha ahaatee Babaaygu marka uu bisil yahay waxaa uu qani ku yahay fitamiinada iyo birta. Haddii aad xakameyso cunista Babaayga, waxyeelo ma malahan balse waxaa wanaagsan inaad gebi ahaanba iska ilaaliso cunitaanka Babaayga aan bislaan ee ceyriinka ah xilliga uurka aad leedahay.
Inkasta oo miraha ay leeyihiin caafimaad, inta badanna lagu taliyo cunistooda dadka haddana waxaa jira in miraha qaarkood aysan u fiicneyn hooyooyinka uurka leh.

●Cananaaska

Sidoo kale haweenka uurka leh waa inay ka fogaadaan cunista Cananaaska, maaddaama ay ku jiraan enzymes ama dheecaano khaas ah oo beddelaya maqaarka makaanka afkiisa ah, kaas oo sababi kara xaalad dhicisnimo ah. Sidoo kale Canaansku waxaa uu caan ku yahay inuu keento shuban, taasina waxay noqon kartaa mid aad u dhib badan xilliga uurka.

●Canabka
Canabka laguma taliyo in la cuno inta lagu jiro saddexda bilood ee ugu dambeysa uurka hooyada. Waxaa lagu yaqaan inay soo saaraan kuleylka jirka oo aan u fiicneyn hooyada iyo cunugaba. Ka fogow cunista Canab badan, inta aad uurka leedahay si aad uga fogaato wixii dhibaatooyin ah.

FG: hooyo walbo cuntooyinka ay cuneeyso waa ineey taxadir gooni ah u yeelataa

u dheh hooyoyinka kle

Ramadaan kariim dhamaan umada muslimiinta ah meel walbo ay joogaan alaha naga dhigo kuwii ka faideysta  oona laga aqbalo...
23/03/2023

Ramadaan kariim dhamaan umada muslimiinta ah meel walbo ay joogaan alaha naga dhigo kuwii ka faideysta oona laga aqbalo acmaasha wanagsan

Maxaa Sababa Uurka Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)?Ilmaha ku abuurma minka banaankiisa waxaa loo yaqanaa ilma qoolan (Ec...
21/12/2022

Maxaa Sababa Uurka Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)?

Ilmaha ku abuurma minka banaankiisa waxaa loo yaqanaa ilma qoolan (Ectopic Pregnancy)

Uurka noocaan ah wuxuu dhacaa marka ukun bacrimisan ay ku dhegto boos aan aheyn booski loogu talogalay oo ah dhinacyada minka.

Uurka caadiga ah waxaa ukunta bacrimisan laga rabaa iney ku dhegto dahaarka gudaha ee ilmo galeenka.

Uurka qoolan wuxuu inta badan ku sameysmaa mid kamid ah tuubooyinka ugxaanta kasoo qaada ugxaan-sidaha. Mararka qaar uurka qoolan wuxuu ku sameysmi karaa ugxaan sidaha laftarkiisa. Uurkujirta iyo dhuunta ilmo galeenka.

Uurka qoolan sida caadiga ah ma ahan uur ku dhamaada guul. Ukunta bacrimisan ma ahan mid badbaadi karta. Uurka sii korayana wuxuu dhaawacaa xubno ka mid ah kuwa taranka. Hadii aan laga gaarin, waxaa halis gali kara nolosha hooyada.

Hadii si dhaqsa ah looga gaaro uurka qoolan waxaa suurta gal ah in hooyada ay mustaqbalka qaado uur caadi ah.

Astaamaha lagu garto ilma qoolan
Xiliyada ugu h**eeyo uurka qoolan waxaa laga yaabaa inuusan yeelan astaamo lagu garto ama in astaamaha ay kala siman yihiin uurka caadiga ah, sida caadada oo aan imaan,
lalabo iyo
naasaha oo danqada
In kastoo uurka qoolan uusan sii badbaadi karin, hadii aad iska qaadid baaritaanka uurka waxaa soo baxaya inaad lee dahay uur.
Astaamaha kale ee lagu garan karo ilma qoolan waxaa ka mid ah:

Dhiig xafiif ah oo ka yimaada hooyada
Calool xanuun
Xanuun gudaha miskaha laga dareemo
Garba xanuun
Dareen saxaro soo booddo ah
Dhiig bax gudaha ah, hadii ay tuubooyinka minka dilaacaan
Madax wareer
Suuxdin
Maxaa sababa ilma qoolan?
Uurka ayaa ku sameysma tuubooyinka ugxaanta qaada, hadii ugxaanta ay ku xanibanto gudaha tuubada, sidoo kale waxaa sababi karo hormoonada oo aan isku dheelitirneyn ama ugxaanta oo aan si wanaagsan u korin.

Halista sababi karta uur qoolan
Waxaa lagu qiyaasaa 20 kamid ah 1,000 uur iney noqdaan uur qoolan. Arimaha lala xiriiriyo iney sababaan waxaa ka mid ah

Uur qoolan oo hada ka hor ay hooyada qaaday. Waxaa sahlanaanay in ay hooyadu markale qaado ilma qoolan
Infekshan ama caabuq.Caabuqa ka dhaca tuubooyinka ilmo galeenka ama infekshan ku dhaca gudaha miskaha iyo infekshanada ka dhasha jabtada iyo kalaamidiyada
Dhibaatooyinka uur qaadista iyo qaadashada dawooyinka fududeeya uurka.
Qalabka looga hortago uurka ee la geliyo gudaha minka. Waxaa dhif ah in hooyada ay qaado uur, hadiisa ay qaado waxey u badan tahay inuu noqdo uur qoolan.
Cabidda sigaarka. Sigaarka ayaa kor u qaada halista keeni karta uurka noocaan oo kale

Dhibaatooyinka ilma qoolan
Hooyada hadii ay lee dahay uur qoolan, oo aan si dhaqsa ah looga gaarin waxaa suurta gal ah iney dilaacdo tuubada qaada ugxaanta, hadii arintaas ay dhacdo waxay keentaa halis nololeed.

Goormaa lala kulmaa dhaqtarka?
Raadi daryeel caafimaad oo degdeg ah hadii aad isku aragtid astaamaha lala xiriiriyo uurka qoolan, sida

Calool xanuun aad u daran ama uu wehliyo xanuun laga dareemo gudaha miskaha
Madax wareer aad u daran ama suuxdin
Garbaha oo ku xanuuna
Uurkaan qaabka lagula tacaalo ayaa ah in hooyada laga qallo ama lasiiyo dawooyin looga soo xaaqayo uurka.


nasoo dheh si aan wax badan u kla faaidno
dheh si hooyoyin bdn u gaaro

Dhiig baxa xiliga dhalmada ka dibHordhac: -Dhiig baxa yimada xiliga dhalamada ka dib waxaa uu ka mid yahay waxyabaha kee...
01/12/2022

Dhiig baxa xiliga dhalmada ka dib

Hordhac: -

Dhiig baxa yimada xiliga dhalamada ka dib waxaa uu ka mid yahay waxyabaha keena in hooyadu umul raacdo ama ay ku sigato dhimasho .sida ay haayada cafimaadka aduunka u qaabilsan WHO, sheegtay dhiigbaxa xiliga dhalamada ka dib wuxuu ku dhacaa 14 milyan oo dumara ,waxana u geeriyooda in ka badan 127,000 sanadkasta.
Dhimashada ugu badan waxay ka dhacada wadamada so korayaa.

Wa maxay dhiig baxa dhalmada kadib?
Dhiig baxa dhalmada kadib waxa weye marka u xadka dhiiga baxaya uu dhafo 1litir markay gabdhu caadi u dhasho ama 2 littir marka ay gabdhu qaliin gasho ama lagu jeexo ilmaha.

Qaybaha lo qaybiyo dhiig baxa?

1)Dhiig baxa imada 24 sacadood e ugu h**eyaa (dhiig baxa h**e)
2)Dhiig baxa danbe o imada 24kadib markay gabdhu dhasho ila 6wiik e u h**eya xiliga umusha n

Maxa keena dhiig baxa xiliga dhalmada kadib?

1)Waxa keni kara marka u urursami waayo ama sidi alla ugu talo galay ku noqon wayo o yaraan wayaa taas o ay keento in muruqa makanku is ururin waayo wa ta ugu badan ee keenta dhiig baxa .
2)Madheerta o hooyada ku hadha ama ku so bixi wayda wakhtigi logu talo galay ,ama qayb ka mida madheerta o ku hadha makaanka sida xuub ka mida madheerta
3)Dilaac ku imada xubinta taranka dumara lagaso bilabo makanka afkisa o dilaaca, saxaaxa gudihisa, ama inta u dhaxaysa makaanka saxarada iyo saxaxa oo dilaac ku dhac
4)Ti o ay yartahay xinjirowga dhiiga hooyada am ay wax ka qaldanyihiin
Yaa halis ugu jira inay ku dhaco dhiigbaxa dhalmada ka dib

1)Hadi gabadha urka leh ilmaha ay sido ay kulamaan yihiin biyo ka badan inti logu talo galay.

2)Haday hooyadu wado matano kuwas o keena inu makaanku xoog ukala baxo hadhowna u h**e uso ururi waayo.
3)Hooyo caruur badan dhashay o makaanka muruqisu uu dabcay.
4)Foosha oo hoyada ku dheerata xiliga foosha.

5)Madheerta o ku samaysanta meel an ahayn halki logu talo galay makaanka sidaa xaga hoose makaanka.

6)Haday h**e u dhiig bixi jirtay hooyadu xiliga dhalmada, halis waxay ugu jirta in ay dhiig baxdo.

7)Hadi hooyada wakhtiga foosha la siyay dawoyinka lagu xoojiyo foosha ama lagag fooliyo.

8)Makaanka oo fiixi ama buro ku talo.

Side bad u aqoonsan karta inay hoyadu dhiig baxayso?

1)Dhiig ka badan inta cadiga o diiran o kamanaya ilmagaleenka hooyada inkabadan hal littir.

2)Makaanka oo urursami waya ama laga taban karo calosha.

3)Cabirka dhiga barasharkiisa( blood pressure) o hoos u dhaca.

4)Qaraaca wadnaha o siyaada.

5)gacmaha iyo lugaha hooyada o aad u qabooba.
L
6)Dhidid fara badan iyo xiq ama neef tuur.

7)Kadida o yarata ama la`wayoo gabi ahaanba.

8)Jirka o midabkisu isu badalo cadaan ama laga`dareemo inu dhiiig layay

Side loga hor tagi kara dhiig baxa dhalmada ka dib:

1)Hooyada o ku dhasha goob cafimaad oy ka heli karto adeeg cafimad o dhamaystiran waxay hoos u dhigi karta dhiig bax ku imada hooyada wakhtigaay dhasho ka dib

2)In la siiyo ama la si diyarsado dawoyinka makanka uruuriya markay hoyadu dhasho o lo yaqano (oxytocine) waxay hoos u dhigta isticmalkeedu 40% in dhiig bax imado

Shaybaarka dagdag ah
¬Noca dhiiga hoyada ola eego ma (A,B,O,AB mise wa negative)
¬Dhiig guud (CBC)
¬Xinjirawga dhiiga hooyada .

ugu danbayn Si u yaarato khatarata hooyoadu la kulmi kartee dhiig baxaa dhalmada ka bacdi hooyadu markay foshu qabato waa in ay tagtaa goob cafimaad , oo anay guri ku dhalin.


Nagu soo biir si aan wax u kla faaidno
u dheh asaxaapta kle

W/Q Dr Hoda

Dhibaatooyinka uurka  (pregnancy problems)Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo ra...
17/11/2022

Dhibaatooyinka uurka (pregnancy problems)

Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la'aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka h**e la hadlin dhakhtarkaaga.

Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:
Walac (Morning Sickness)
Daal (Fatigue)
Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
Cirib dhiigid (Bleeding Gums)
San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)
Danqasho naaska ah (Tender Breast)
Laabjeex (Hearburn)
Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)
Kaadi badni (Polyurea)
Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)
Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)
Dhabar-xanuun (Back pain)
Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)
Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)
Dheecaan xubinta taranka ah (Vaginal Discharge)
Madax-xanuun (Headache)
Hergab/Ifilo (Cold/Flu)
Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)
Dawakhmid (Dizziness)
Xiriirka galmada (Sexual relations)
Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)
Jamasho cunto (Food Cravings)
Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails


dheh si asxp bdn ugu faideystaan
si aan wax u u kla faaidno

Qodobada ugu mudnaanta badan barbaarinta ubadka?1, Ha ku cabsiin ilmahaaga jinka, waraabaha, mugdiga, waliba marka uu oo...
13/11/2022

Qodobada ugu mudnaanta badan barbaarinta ubadka?

1, Ha ku cabsiin ilmahaaga jinka, waraabaha, mugdiga, waliba marka uu ooyayo.

2, U suurta gali ilmahaaga inay dhexgalaan caruurta kale, haddii aysan lahayn caruurtaasi wax aad uga baqayso ilmahaaga.

3, Ha liidin ilmahaaga, waliba dadka hortooda haku xumaynin ilmahaaga.

4, Ha ugu yeerin ilmahaaga tilmaamo cay ah, sida inaad ku tiraahdo kale doqonyahow, dabaal, tuug iwm.

5,Ku baraaruji qaladka uu galo, hana dul bixin dhangad adigoon u digin.

6,Si dabacsan ugu sheeg qaladka uu galo, ha ku ciqaabinna qaladka ugu h**eeya.

7,Jacaylka ubadkaaga ha noqdo mid dhexdhexaad ah, dareensii inaad jecashahay laakiin ha ka badinin koolkoolinta siyaadada ah.

8, U diyaar garaw ilmahaaga marka uu soo dhalanayo.

9, Ilmaha wayn ee sii joogay waxaad bartaa inuu u adeego hooyadiis, una keeno dharka nuunaha, waayo haddii aan la dareensiin inuu ka wayn yahay nuunaha waxaa dhici karta inuu xiqdi u qaado, deetana naco isagoo waliba u arkaya in la afgambiyey lana boostuuray.

10, Kula dhaqan ilmahaaga garsoor, ha u kala eexan, waayo eexashadu waxay ka mid tahay waxa ugu badan ee keena fakashada iyo kani adayga.

11, ilmaha mar walbo u sheeg ineey yihiin kuwa ugu caqliga badan

12,Ilmahaada marka uu wax kuu sheegaayo dhagta u raarici oo hadalka haku celin sida aan sameeyno inteena badan
13, ugu danbeyn hooyo walbo iyo aabe walbo ha u duceeyo ubadkiisa oo ale u bari inuu kuu wanaajiyo maxaa yeelay ale qofkuu hanuun la doono ayaa hanuuno
Inta
Inta aan ubad heeysan owlaad ay ku il doogsadaan alaha siiyo
Inta guurdoonka ah neh guur qeyr qaba ay ku dagaan alaha siiyo
Inta kurbeysan kurbada alaha ka feeydo

hala dhaho
nasoo dheh si aan wax u kla faaidno

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252682322125

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amnaa Hilaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Amnaa Hilaal:

Share