18/05/2025
Cagaarshogu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).
Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.
Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto
dheer.
Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.
Faafsanaanta Cagaarshowga Bga
Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya
cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.
Halis ahaantiisa
Wuu yahay halis, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska
dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba
waxaa loo yaqaanaa “sidayaasha” Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku
soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.
Sida loo qaado Cagaarshowga B
Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:
In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jee