02/12/2025
Shalay oo taariikhdu ahayd 1/12/2025 oo beegnayd xuska maalinta xanuunka AIDS ka( World AIDS DAY) ayey Somali Mental Health Association(SOMHA) iyo Rajo Mental Health & rehabilitation center si mug leh uga qayb qaateen, munaasabad ay soo agaasintay Hay’adda Brain Story oo ah Organization inta bulshada dhexdeeda wacyi gelin kasameeya.
Munaasabadaan oo lagu qabtay Hall ka NOVA Diagnostica & research, halkaas oo ay xeel dheerayaal caafimaadka dhimirka oo ka socday SOMHA iyo RAJO aya ka caawiyey hay’adda Brain story bixinta Talo bixinta iyo taageero nafeed oo la siinayey guud ahaan dadka kasoo qayb galay munaasabadda iyo si gaar ah dadka la nool xanuun AIDSka.
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay madax, taqaatir iyo dad bulshada dhexdeeda magac ku leh.
@ .