08/12/2025
Dumar midaan ugu jeclahay...
Mida meel iska soo saartaa shaqaysata cidina aan hoos fadhiisan oo qofna wax ka sugin. Mida hal abuuro, fikrado, iyo xirfado la timaada weliba meel sare ka gaarta. Mida hadalkeeda yar balse howl qabadkeeda iyo ku mashquulida danaheeda ka badan.
Mida gabadhaha kale aysan liidin wax u ogal oo guushooda ku faraxda ugu hambaliyeysa ku dhiirigalisa. u sheegda inay qurux badan yihiin u sheegda waxay qabteen weynaantooda, la jecel waxa ay nafteeda la jeceshahay.
Mida hamigeeda iyo hadafkeeda ugu weyn aysan ahayn nin sidii nin usoo jiidan lahayd, isku jecleysiin lahayd, u baadi goobi lahayd. Mida doorata nin Rageed iyadu u qalma ixtiraama, dumar nimadeeda garanaya. kaliya lacag iyo qurux uun ku dooranin se dhinacyo badan ka fiirisa oo doorata mid ilaahay ugu baqaya wax kastoo dhaca ahna mid ay iyadu in badan u fiirsatay bilooyin, isbuucyo, iyo sanadbaa. ogowna meeshaad is dhigdaa lagu dhigayaa.
Mida is qurxisa weliba si dabiici ah isticmaasha wax yaabaha dabiiciga ah. ku dadaasha caafimaadkeeda cuno caafimaad leh cunta. Mida nafteeda cidina kaga horaynin abaal marisa qurxisata bishii 1jeer cilaan saarata banaanka u baxda dhar asturan oo labisna ah xirata kaligeed waqti soo qaadata waxyaabo nafteeda jeceshahay dalbata oo faraxda.
Mida degan oo markay xanaaqda is xakamaysa sii hosena u hadasha aysan qaylo badanayn. Mida aysan aqoon xaasidnimada calool ku hayska iyo ficilka.
Mida hadalka wanaagsan cidi walba si wanaagsan ula hadasha ulana dhaqanta. Mida xishoodka badan sido kalena aysan raga la tartamin aysan meel walboo rag ku jira aysan galin.
Mida gurigooda ama gurigeeda in badan isku qurxisa xirata dharka u xaraysan kuwo ugu quruxda badan xirata dahabka u xeraysan udugana iskugu roonaata. Hagaajisa oo ku filan qolka ay seexata aysan kala daadsanayn.
Mida ka fogaata xanta iyo meel walboo xanta lagu faafiyo. Mida ceebaha dadka kale asturta oo ay xasuusata inay ayaduba dhawr ceybood leedahay se ilaahay asturooyo.
Mida aysan ka sheekaynin nolasheeda nolasha familkeeda nolasha ay ninkeeda kula nooshahay aysan islaamaha jaarka ah u waramin.
Mida garanaysa qiimaha ay leedahay iyo dumar nimadeedaba. garanaysa meelaha lagu sharfo laguna qiimeeyo iskagana foogaata meel walbo lagu liida qiimaheedana hoos loogu dhiga.
Mida nafteeda number one ka dhigta nafteeda darteed wax walba u samaysa meel iska soo saartaa kuna dadaasha mar walba sidey meel sare ku gaari lahayd.
Mida barata diiniga iyo maadigaba kaliya aysan baranin maadiga se labada dhinacba iska dhista aanan meelba lagaga badinin hadhow hadii dood loola soo fadhiisto. Mida dhawrsan aan dhacdhac badnayn.
Mida xaaladaha adag markay lasoo wajahaan ama dhib haysto ama xanuun haysto aysan soo dhigin baraheeda bulshada sida status faceebook iyo dhamaan qeybaheeda baraha bulshada. Mida ilaahay gacmaha utaagata wax waliba isaga waydiisata ilaahay ku kolsoona una waranta marwalba.
Mida dadka waji furfuran dhoola-cadeyn leh ku soo dhaweysa dadka kuwooda daryeelka ugu baahan daryeesha kuwooda laab galinta iyo dhagaysiga ugu baahan siisa kuwooda dhiirigalinta ugu baahan siisa kadibna dadka dhan uwada ducaysa marwalba ayaduna ducaysata.
🌷Maad iska dhax aragtaa qoraalkan. hadaba dhambaalkeygu waxaa ku dadban inaad isku deydo inaa samayso intani hadaadan lahayn.
Iftiin Books