Dr. Jabra

Dr. Jabra Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr. Jabra, Obstetrician-gynaecologist, Mogadishu.

Consultant Obstetrician-Gynecologist & Laparoscopic Surgeon, Womenโ€™s Health and Fertility care.

โ€œ๐˜‹๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ต๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜Š๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ณ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข ๐˜๐˜ข๐˜ธ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฏ๐˜ฌ๐˜ข, ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ญ๐˜ฎ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ขโ€™๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜˜๐˜ข๐˜ญ๐˜ญ๐˜ช๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ค๐˜ข๐˜ด๐˜ณ๐˜ช๐˜จ๐˜ขโ€.

05/05/2026

๐Ÿ“-๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฃ๐จ, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐”๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š #๐ˆ๐ƒ๐Œ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Sannad kasta, 5-ta Maajo, waxaa loo dabbaal-degaa maalinta caalamigaa ee Umulisooyinka adduunka.

5-tii Maajo, sanadkii 1991-dii, ayaa la asteeyey xuska maalinta umulisada. Xuska maalintaan waxaa looga gollahaa in lagu sharfo shaqada umulisada iyo in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda ay u leedahay bulshada, daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

โ€œSanad kasta, in ka badan 300k oo haween ah ayaa u geeriyooda sababo la xiriira uur, illaa 2 milyan oo dhallaan ah ayaa dhinta waxyar ka dib markay dhashaan. Sidoo kale illaa 2.6 milyan ayaa uurka ku dhinta oo aan ifka nolol ku imaanโ€

Maalinkaaan waa maalin loogu talo galay in la weyneeyo shaqadda adag ee umulisooyinku u hayaan hooyada iyo dhallaanka iyo kaalinta ay uga jiraan bulshada.

Halku dhigga sanadkaan ayaa ah โ€œIn loo baahanyaay ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐— ๐—ถ๐—น๐˜†๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—จ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป ๐——๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต adduunka oo dhanโ€

Hadafka dhaqdhaqaaqa "Hal Malyan oo Umulisooyin Dheeraad ah" waa in loogu baaqo madaxda caafimaadka caalamka iyo dawladaha inay kordhiyaan, taageeraan, oo ay joogteeyaan cududda shaqada umulisooyinka.

Soomaaliya, 563 haween ah ayaa ka dhinta 100,000 kasta ee dhalmo ah. Haddii aan helno umulisooyin badan, waxaynu wax ka beddeli karnaa dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.

Helitaanka hal malyan oo umulisooyin dheeraad ah waxay ka hortagi kartaa 67% dhimashada hooyada, 64% dhimashada dhallaanka, iyo 65% dhimashada uur-jiifka.

Sidoo kale waxay badbaadinaysaa ku dhawaad 4.3 malyan oo nafood sanad kasta marka la gaaro 2035.

Sidaas awgeed, waxaa loo baahanyahay maalgashi degdeg ah oo lagu sameeyo waxbarashada, nidaaminta, iyo hoggaanka umulisooyinka.

Umulisadu waa qof loo tababaray in ay kaalmeyso dumarka xilliga dhalmada. Xirfadda umulisanimadu waxa ay soo jirtay qarniyo badan, iyaga oo guryaha ku umuli jiray. Horraantii 1800-meeyadii ayey billaabatay in la tago xarumaha caafimaadka.

Umulisanimadu waa xirfad, karti iyo daryeel jaceyl lagu hagoogay oo la siiyo hooyada uurka leh, xilliga dhalmada, dhallaanka ay dhasho, iyo in lala socdo dhalmada ka dib illaa iyo dhawr asbuuc.

Waxa ay bixiyaan daryeelka ugu horreeya ee ubadka, waana gacanta koobaad ee nolosha kusoo dhaweysa. Waxay garab istaagaan hooyada xilliga ay ugu baahi badan tahay.

Badbaadinta hooyada iyo dhallaanka waa masuuliyad aan lagu cabiri karin erayo kooban, waa shaqo naf-hurnimo ah oo u baahan aqoon, qibrad, naxariis iyo dulqaad.

Umulisadu waxay laf-dhabar u tahay faya-qabka iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxayna buddhig u tahay istaraatijiyadda lagu yareynayo heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Umulisadu waxay ku wacyigalisaa hooyada uurka leh ama nuujineysa inay daryeesho caafimaadka nafteeda, qaadashada cuntooyinka nafaqada leh iyo in ay si joogto u booqato xarumaha caafimaadka.

Sidaas darteed, umulisooyinku waxay u baahanyihiin in ay helaan tababar tayo sare leh oo dhameystiran, si kor loogu qaado xirfaddooda daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Umulisooyinka soomaaliyeed waxay ku shaqeeyaan xaalado adag iyo duruufo kala gadisan, una baahan in wax laga badalo, anigoo ku dhiiragalinaya shaqada adag ee bulshada u haayan.

Meertadaan sanad laha ah waa in looga faaโ€™iideysto tayeynta iyo horumarinta goobaha loogu shaqeeyo hooyada iyo dhallaanka.

In ay helaan mushaar ku filan oo cadaalad ah, shaqo amni ah, agab caafimaad oo dhamystiran iyo xirfad sare oo tayo leh ayaa lagu dhimi karaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Ugu dambeyn, aniga oo ka faaโ€™iideysanaya munaasabadda maalinta caalamigaa ee umulisooyinka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhamman umulisooyinka soomaaliyeed oo had iyo jeer u taagan soo saaridda jiil cusub oo badqaba iyo u adeegidda bulshada.

02/04/2026
18/02/2026

Talooyin muhiim u ah Hooyada uurka leh ee rabta inay soonto.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadan Kalkaal Hospital
17/02/2026

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadan Kalkaal Hospital

16/02/2026
14/02/2026

๐–๐š๐ซ-๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐›๐š๐ซ๐ข ๐š๐ก
Waxaa si rasmi u bilaabanaayo ololaha qaliimada caadka indhaha oo lacag la'aan ah, wali is diwaan galinta way socota ee horay u soo gaar ๐Š๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ฅ ๐‡๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐š๐ฅ.



20/01/2026
20/01/2026

๐Ÿฆ ๐ˆ๐ฌ๐Ÿ๐ข๐ข๐ฅ๐ข๐ญ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก

Cudurka isfiilitada ama waraabowga waxaa sababa bakteeriyo la yiraahdo Treponema pallidum.

Waxaa laga qaadi karaa galmada, dhiig shubista ama in hooyadu u gudbiso uur-jiifkeeda.

Hooyadu waxay gudbin kartaa xilliga dhalmada, khatarta gudbintu waxay aad u sareeysaa heerka 1aad iyo 2aad ee Isfiilitada marka loo eego heerka dahsoon.

Isfiilitada xilliga uurka waa caqabad caafimaad oo caalami ah oo taban. Waxaa jira dib-u-labakacleyn xoogan, taasoo keentay in kor-u-kac ku yimaado kiisaska isfiilitada ee lagu dhasho.

Haddii aan la daaweyn ama aan si buuxda loola tacaalin xilliga uurka, waxay si weyn uga qeyb qaadan kartaa cudurada iyo dhimashada uur-jiifka.

Isfiilitada lagu dhasho waxay dhici kartaa marxalad kasta ee xilliga uurka, waxayna keeni kartaa dhalmo degdeg ah ama in uur-jiifku uu ku dhinto riximka.

*๏ธโƒฃ Xilliyada la baaro Isfiilitada

Baaritaanka iyo daaweynta ayaa muhiim u ah dhimista khatarta gudbinta isfiilitada.

Baaritaanka Isfiilitada waa in la sameeyo booqasha 1aad ee daryeelka hooyada uurka leh, siiba inta aan la gaarin 12 asbuuc ee ugu horreeya.

Sidoo kale:

โ€“ Waa muhiim in lagu celiyo xilliga dhalmada, marka la joogo dadalka aan buuxin yoolka ciribtirka isfiilitada ee WHO.

โ€“ Waa in la baaro 3-da bilood ee dhexe ama dambe si loo ogaado in caabuq cusub ama mid soo noqday uu jiro, siiba meelaha ay ka jiraan xaaladaha cusub.

โ€“ Waxaa muhiim ah in isla markiiba la baaro haddii uur-jiifku uu meydo ama uu dhinto inta uusan dhalan.

โ€“ Waxaa kaloo muhiim ah in isla markiiba la baaro hooyo kasta oo uur leh oo calaamado leh, iyada oo aan loo eegeyn sidka/marxalladda uurka.

โ€“ Sidoo kale waa muhiim in la baaro lammaanaheeda si looga hortago dib u soo noqoshada cudurka.

๐Ÿ‘จโ€โš•๏ธ ๐——๐—ฟ. ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—บ ๐—๐—ฎ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ - ๐—ข๐—ฏ๐˜€/๐—š๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐˜
๐Ÿ“Kalkaal Hospital

11/01/2026

๐ŸšจHaddii aad isku aragto mid ka mid ah calaamahaan xilliga uurka, si degdeg ah u gaar goob caafimaad si aad u hubiso.

โš ๏ธ Dhiigbax ka yimaada xubinta taranka

โš ๏ธ Calool xanuun daran, ama jug/dhawac

โš ๏ธ Aragga oo xumaada, barar degdeg ah, ama madax xanuun daran

โš ๏ธ Isbeddellada ku yimaada dhaqdhaqaaqa ilmahaaga

โš ๏ธ Haddii dhaawac ama jug caloosha kaa soo gaarto.

๐Ÿ“Œ Iyadoo laga yaabo in calaamadahaan aanay mar walba tilmaamayn xaalad halis ah, haddana waa muhiim in aad ka hubiso xarun caafimaad.

16/10/2025

Farsamada is-baarista naasaha, ayaa boqolkiiba 90% lagu ogaadaa kansarka naasaha iyadoo la samayn baaritaan aaladeed.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Jabra posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Jabra:

Share