20/01/2025
๐๐๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฎ๐๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ด๐ฎ๐ฟ๐๐ผ ๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป**
Haweenka ayaa dareema calaamadaha uurka 1-2 todobaad ee ugu horreeya uurka.
1. **Caadada oo la waayo**
Haddii aad ku jirto xilliga dhaqmaada(15-49 sano), caadadana aad u hesho si joogta ah, laguna qabo, galmana aad sameyso, in aad caadada weyso waa calaamad muujineysa uur. Waa in baaritaan lagu xaqiijiyo maadaama ay jiraan waxyaabo kale oo keeni kara in caadada la waayo.
2. **Isbeddel ku yimaada naasaha**
In aad ka dareento naasaha daqnasho, xanuun iyo weynaan/barar, waa astaamo lagu arko billowga uurka. Isbeddelka hormoonada ayaa keena, waxayna soo baxaan 2-3 maalmood uurka ka dib.
3. **Xanuun ku yimaada wareegga hoose**
Xanuunka ku yimaada wareegga hoose ee dhabarka waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee uurka, waana xanuun ama garaac laga dareemo xagga hoose ee dhabarka iyo maxogga. Waxaa la arkaa 1-2 todobaad uurka ka dib, waxaana sababa kororka hormoonada iyo fidida ilma-galeenka.
4. **Jirrada subaxdii ah**
Jirrada subaxdii waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee uurka, badanaa waxaa la arkaa 2-8 todobaad uurka ka dib. Jirradda subaxdii waxaa la socda lalabo/yalaalug ama matag, inkasta oo ay dumarku ku kala duwanyihiin. Jirrada subaxdii badanaa waxay xalisantaa 3da bilood ee uurka ugu horreeya. Inkastoo mararka qaar ay noqon karto mid daran oo joogto ah.
5. **Daal iyo tamar darro**
Bilowga uurka, hooyadu waxay dareentaa daal fara badan iyo tamar laโaan iyo kor xanuun saaโid ah.
Xilliga uurka jirku wuxuu soo saaraa xaddi badan oo borojesteroon ah, si uu u taageero koritaanka uur-jiifka, taasoo ka dhigeysa haweenka uurka leh in ay dareemaan daal iyo caajis badan.
6. **Kaadi badan**
Soo noqnoqoshada kaadidu waa mid ka mid ah calaamadaha h**e ee uurka. Xilliga h**e ee uurka waxaa siyaada qulqulka dhiigga iyo dareeraha si uu u joogteeyo koritaanka uur-jiifka, taasoo keeneysa in kilyuhu aad u shaqeeyaan. Sidoo kale balaarashada ilma-galeenka ayaa cadaadis saara kaadi-heysta.
7. **Isbeddello ku yimaada rabitaanka cuntada**
Naceybka ama rabitaanka cuntada waa calaamad laga yaabo in ay dareemaan haweenka uurka leh.
In aad dareento gaajo mar kasta, in aad nacdo cuntooyinka qaar ama aad jeclaato qaar sida cunto ama miro/qudaar dhanaan ah, ama xataa aad jeclaato waxyaabo aan cunto ahayn sida dhuxusha, carrada iyo warqadaha, waa calaamado lagu arko haweenka uurka leh.
8. **Madax xanuun iyo dawakhsanaan**
Madax xanuunka iyo dawakhaadda waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee uurka, waxaana sababa isbeddelka hormoonada iyo kororka wareegga dhiigga. Waxyaabaha uga sii dari kara waxaa ka mid ah stress-ka, hurdo yarida iyo joojinta kafeyga. Haddii aad isku aragto madax xanuun joogto ah la tasho dhaqtar.
9. **Qoyaanka xubinta taranka oo bata**
Dheecaanka ama qoyaanka xubinta taranka haweeneyda uurka leh oo siyaada waa calaamad ay keento kororka estrogen-ta ee jirka, taasoo keenta dheecaan xad-dhaaf ah, oo aan ur lahayn, oo ka yimaada xubinta taranka. Haddii aad isku aragto dheecaan ama qoyaan joogto ah oo leh ur iyo cuncun la tasho dhaqtar.
10. **Dhiig qafiif ah**
Dhiig fudud oo qafiif ah oo aan joogto ahayn ayaa lagu arkaa mararka qaar haweeneyda uurka leh.
Bacriminta ka dib, uur-jiirfku waxa uu ku dhegaa gidaarka ilmo-galeenka, taasoo keenta dhiig-bax fudud oo qafiif ah oo aan xanuun ama casiraad lahayn. Midab ahaan waa casaan fudud ama bunni qafiif ah, waxaana la arkaa 6 ilaa 12 maalmood uurka ka dib. Marar qaar waxaa lagu qaldi karaa caadada.
Haddii aad isku aragto dhiig-bax joogto ah iyo xanuun, tag goob caafimaad.
11. **Laabjeex, dibiryo iyo calool fadhi**
Isbaddelka hormoonada xilliga uurka ayaa hoos u dhiga dhaqdhaqaaqa hab-dhiska dheef-shiidka, taasoo keeni karta calool fadhi. Sidoo kale gaaska caloosha ayaa kordha, taasoo keeneysa dibiryo iyo calool xanuun.
Sidoo kale waxay dabciyaan marinka u dhaxeeya caloosha iyo hunguriga, taasoo keeneysa in aash*tada caloosha ay dib ugu laabato hunguriga, ayna keento laabjeex.
Calool-istaagga xilliga uurka waxaa lagu yareyn karaa in la cabbo biyo badan, cunista cuntooyinka fiber-ka leh iyo jimicsiga fudud sida socodka, dabaasha iyo Yogada.
12. **Isbeddel ku yimaada urta**
Haweenka uurka leh ayaa dareema ur xoog leh oo joogto ah, waana arrin ku badan haweenka uurka leh. Sababta keenta si dhab ah looma oga, balse waxaa lala xiriiriyaa isbeddelka hormoonada xilliga uurka.
Badanaa waxaa la socda wareer, lalabbo iyo matag, marka ay ursadaan urta qaar sida cuntada, cadarka iyo alaabada guriga.
13. **dhabar-xanuun**
Waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee uurka, waxaana keena fididda murqadaha, debcidda seedaha, miskaha iyo isbeddelka ku yimaada qaab-jireedka. Sidoo kale kororka miisaanka uur-jiifka iyo hooyada uurka leh waxay keeni karaan lumidda dheelitirnaanta jirka, taasoo keeneysa isbeddel ku yimaada istaagga, socodka, fadhiga iyo qaab-jireedka, waxaana ka dhasha dhabar xanuun badan.
Dhabar xanuunka uurka waxaa lagu yareyn karaa in la xirto kabo siman, laga fogaado qaadista culeyska iyo in lagu seexdo joodari adag.
14. **Isbeddal niyadeed**
Isbeddal niyadeed ayaa ku yimaada hooyada uurka leh waxaa keena isbeddalada hormoonada, taasoo keenta isbeddallo niyadeed oo aan la saadaalin karin sida xanaaq fara badan, kacsanaan, werwer iyo caro badan.
Haweenka uurka leh qaarkood waxa ay dareemaan shucuur togan sida farxad, raynrayn, qanacsanaan. Sidoo kale qaarkood ayaa dareema shucuur taban sida murugo, walaac, iyo niyad-jab iyada oo ay sabab u tahay dheelitir laโaanta hormoonada.
15. **Cabur ama neef-qabad**
Neef-gaabisku waa calaamad lagu arko hooyada uurka leh waxaana sababa hormoonka progesterone, taas oo ballaarisa sambabada, si loo kordhiyo qaadashada oksijiinta iyo ka-saarista kaarboon-dioxide-ka jirka hooyada iyo uur-jiifka labadaba, taas oo ka dhigeysa mid adag in hooyada uurka leh ay si raaxo leh u neefsato.
16. **Hurdo yari**
Caadiyan, qalqalka hurdada waa mid ku badan haweenka uurka leh. Isbadelka jireed, maskaxeed iyo hormoonada ayaa ka dhigaya kuwa u nugul inay la kulmaan hurdo yari iyo raaxo laโaan.
Bilowga uurka, in ka badan saddex-meelooda meel ayaa la kulma caqabadaha hurdo laโaanta, badanaa waxaa sababa calaamadaha muuqda sida lalabo, matag ama xanuun, balse xilliga dambe ee uurka waxaa lala xiriiriyaa dhaqdhaqaaqa uur-jiifka, murqa xanuunka iyo kaadida badan oo habeenkii dhawr jeer ay u kacdo iyo mararka qaar inay dareento riyooyin xunxun.
Waxyaabaha carqaladeyn kara hurdada waxaa ka mid ah cuntada, walaaca, buuqa, iftiinka, heerkulka, neef-qabadka iyo xanuunka lugaha.
Qalqalka hurdada waxaa ka dhalan karaa xaalado caafimaad sida niyad-jab dhalmada ka hor, dhiig-karka uurka, macaanka uurka, koritaanka uur-jiifka oo hagaasa, foosha oo soo degdegta iyo dhalmada oo adkaata.
Waxyaabaha kaa caawin kara hagaajinta tayada hurdada iyo guud ahaan xalaadaada caafimaad waxaa ka mida jadwaleynta hurdada, jimicsiga, yareynta isticmaalka shaashadaha, iyo in aad ka dhigto qolka mugdi, qabow oo dagan.
17. **Wajiga oo finan yeesha**
Finanka waa xaalad caadi ah xilliga uurka. Inta badan waxaa loo aaneeyaa kororka hormoonada uurka ka dib. Kor-u-kaca ku yimaada hormoonada wuxuu kiciyaa qanjidhada saliidda ee ku hoos yaalla maqaarka, taasoo horseedeysa in ay kororto soosaarista saliidda. Sidaas daraadeed, saliidda badan waxay xiri kartaa duleelka timaha, taasoo keeni karta finan kasoo baxa wajiga, dhabarka, iyo finan yar-yar oo jirka dhan kasoo baxa.
18. **Candhuuf badan**
Qaar ka mid ah haweenka uurka leh ayaa lagu arkaa candhuuf badan oo afka ku aruureysa, waxaana loo yaqaannaa ptyalism. Inta badan waxaa la arkaa 3da bilood ee ugu horreeya uurka. Waxaa loo arkaa in ay tahay hab jirku uga ilaaliyo aash*tada caloosha afka, ilkaha iyo hunguriga.
19. **Sare-u-kaca heerkulka jira**
Caadiyan, heerkulka jireed ee aas-aasiga ah waxaa lagu qeexaa inuu yahay heerkulka ugu hooseeya oo dabiici ah oo lagaa cabbiro adigoo si fiican u nastay oo aan wax cudur ah qabin.
Heerkulka haweenka ayaa waxyar kor-u-kaca xilliga ugxan-soo-daynta. Inta aadan helin caadada iyo ka dibba wuu yaraadaa. Haddii uu sii jiro muddo 18 maalmood ah caadada ka dib, waxaa laga yaabaa in uur jiro.
Waxyaabaha kale ee kicin karaa waxaa ka mida xumadda, werwerka, cabidda khamriga iyo la qabsiga ama joojinta daawooyinka qaar.
20. **Garaaca wadnaha oo kordha**
Qiyaastii asbuuca 8 illaa 10aad garaaca wadnaha oo kordha waa calaamad la arko xilliga uurka, waxaana sabab isbeddelka hormoonada iyo kororka qulqulka dhiigga.
Garaaca wadnaha ee ku jira nasashada wuxuu u dhaxeeya 60-100bpm, haddii uu ka hooseeyo ama ka sarreeyo waxaa loo arkaa mid aan caadi ahayn xilliga uurka.
Dr. Jabra - OBGYN and Fertility Specialist
Dhaqtarka daaweynta cudurada haweenka iyo qalliimadooda casriga ah (laparoscopy-ga).