26/04/2022
Bismilah marka h**e Asalamu calaykum, salan kadib magalada Baydhabo janay waxa ka dilaacay shuban Biyood sidaas daraded waxa idinla wadaagaya wacyi gelin ku saabsan shuban biyoodka, siina share garay si dad badan u gaarto mahadsanidin!
maxay Shuban Biyood (Cholera) ?
Shuban biyoodku waa xanuun la kala qaado kaasi oo keena shuban badan & matag halkaas oo uu qofku ku fuuqbaxo mudo yar gudaheed lagana yaabo inay geeri dagdag ahi ku timaado haddii aan la daaweyn.
laga qaadaa shuban Biyoodka ?
Waxa laga qaadaa biyaha ama cuntada wasakhaysan ee ay ku jirto Bakteeriyada loo yaqaano Vibrio cholera.
Biyoodku xagee ku dilaacaa ??
Shuban Biyoodku waxa uu ka dilaacaa meelaha nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin, dagaalada, abaaraha iyo macaluusha.
keena shuban biyoodka ?
Waxa keena Bakteeriyada loo yaqaano Vibrio Cholera.
waxa ay soo raacdaa cunada & biyaha wasakhaysan kuwaas oo ka yimi saxarada ama mataga qofka xanuunka qaba.
ugu badan ee laga qaadi karo waxa kamida.
1) bulshadu biyaha ka isticmaalaan sida (Barkadaha, Ceelasha, Balliyada IWM)
2) fadhiista wadooyinka wakhtiyada Roobabka
3) dariiqyada lagu iibiyo amaba cunno kasta oo aan si fiican loo dayac tirin.
4) ka baxa meelaha wasakhaysan
Isla markii uu qofku cuno cunto ama cabo biyo wasakhaysan bakteeraydu waxay ku sii daysaa midhicirada sun taasi oo keenta shuban halis ah.
maxay calaamadooyinka Shuban Biyoodka ?
Calaamadaha Shuban Biyoodka
Xanuunkani wuxu kusoo ifbaxaa ugu yaraan dhawr saacadood ugu badnaana shan maalmood xiliga cudurka la qaado. Iyada oo ay calaamaduhu iska yaryihiin wax badana aan laga dareemin, laga yaaba 20 kii qof in qof kamida xanuunku si ba,an uga soo ifbaxo halka inkale aanay wax calaamado ah ka soo muuqan hadana wali waxay ka qayb qaadan karaan fidida xanuunka.
waxa ka mid ah
garaac xawli ah amaba dagdag ah
jidhka oo marka lajiido isku soo noqon waaya
wadnaha dhiiga u gudbinayey oo shaqadoodu hoos u dhacdo
xanuun
oo yaraata amaba la waayo muddo 8 saac
oo qalala
afka oo qalala ama isku dhegdhega
oo hoos u dhaca
daro amaba daciifnimo
oo god gala
maxay kahor taga shubanka ?
Daaweynta & ka hortaga Shuban biyoodka
Shuban biyoodku waxa uu leeyahay talaal lakiinse intu noolaanyo ayaa yar mudo kooban ayuuna jidhka ku jiri karaa sidaa darteed manfaco badan malaha talaalkiisu.
waxa layskaga ilaalin karaa iyadoo
la karkariyo biyaha (3 daqiiqo heer kul sare ah) ama kiimikalis lagu daaweeyo.
Biyahaasi oo loo adeegsanayo
Cabitaan
Cunto karis
Cadey
Fool dhaqasho iyo gacmo dhaqasho
Khudaarta in lagu maydho
Iyo dabcan weelka cuntada lagu ridanayo oo lagu maydho
Waxa kale oo loo baahanyahay in laga dheeraado cunooyinka cayriin sida
Khudrada iyo cuntooyinka aan galka laga dhilin
Caanaha aan la karkarin
Hilibka aan dab sare lagu Karin
Kalluunka laga soo saaro harooyinka ama balliyada waaweyn ee laga cabsi qabo inay ku jiraan biyo wasakhaysan.
iyana muhiim ah in gacmaha si joogto ah loo dhaqo nadaafadana lagu dadaalo
Shuban biyoodka si shalan baa loo daaweyn karaa balse fuuqbax dag dag ah ayuu keenaa kaasi oo halis galin kara nolosha bukaanka ay tahayna in isla judhiiba lala gaadho daaweyn sax ah. Fuuq celintu waa habka ugu muhiimsan ee lagu daaweyn karo shuban biyoodka, taasi oo ku xidhan heerka uu shubanku gaadhsiisan yahay. Daaweyntaasina waxay ka kooban tahey mid afka laga qaadanayo iyo tu xididada laga qaadanayo si loosoo celiyo macdantii iyo dheecaanadii la lumiyey. Antibiotics ka lagula tacaalayo bakteeriyada shubanka keenaysa k**a mid aha gargaarka dagdega ah ee bukaanka loo fidin karo balse waxay qayb ka qaadan kartaa xadidista korodhka bakteeriyada taasi oo ka hortageysa fiditaanka xanuunka.
Qalinka: director