13/02/2026
Dhacdo Argagax leh:Muuqaalkan oo ay duubtay kamarad CCTV ah xarun caafimaad oo ku taalla dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Osmaniye, ayaa muujinaya shaqaale la kulmay xaalad halis ah.intii uu cunayay shuwaarmo taas oo uu ku margaday, markaas oo uu bilaabay inuu is-badbaadiyo, isagoo caloosha ku cadaadiyay kursi ag yaallay, sida muuqaalka ka muuqata, si uu cadaadiska ugu saaro qaybta sare ee caloosha.
Tallaabadaas oo sababtay markii dambe in hawadu si xoog leh uga baxdo sambabbada, taasoo riixday wixii xannibay marinka neefta ama dhuunk mareenka, ugu dambayntiina uu kaga badbaaday halistii.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa sida ay muhiim u tahay in la barto tallaabooyinka degdegga ah ee lagu badbaadin karo nafta marka qofku xaaladahan oo kalaa la kulmo.