17/11/2021
XASAASIYADA LAGA QAADO CILAANKA?
Waa maxay cilaanka dabiiciga ah?
Cilaanka dabiiciga ah waxaa asalkiisa laga sameeyaa geed dhir ah oo lagu magacaabo ( Lawsonia inermis ) ama ( henna tree ) kaas oo jirka Marka la mariyo siiyo midab casaan ama bunni ah.
Isticmaalka cilaanka waxa uu soo jiray kumanaan sano, waxaana intabadan loo adeegsadaa in la isku qurxiyo xili yada farxada sida aroosyada iyo ciidaha ayadoo la marsanaayo maqaarka, timaha iyo cidiyaha.
Cilaanka dabiiciga ah marnaba jirka bini aadamka ma waxyeeleyo mana ku keeno halis caafimaad.
Waa kee cilaanka xasaasiyada laga qaado?
Cilaanka madow ee ay kujirto dawo madoobisada waa kan halista ku ah jirka bini aadamka waxaana kujira maadoyin kiimiko ah sida paraphenylenediamine (PPD), azo dyes, parabens, para-aminobenzoic acid iyo para compounds.
Maxaa lagu gartaa xasaasiyada cilaanka?
Dadka xasaasiyada ku qaada cilaanka waxaa lagu arkaa in meesha cilaanka la mariyay bacoolo biyaa ku sameesman, cuncun, xanfaf, gubasho iyo in meesha gaduudato.
Maxaan sameeyaa hadaan cilaan xasaasiyad ku qaado?
Hadaa cilaanka aad marsatay xasaasiyad ku qaadid fadlan booqo sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtarka maqaar ee kuugu dhaw si aad u heshid daryeelka caafimaad ee kugu haboon, or (laso xariir Dr Ugaas hadii aad Muqdisho joogto).
Ka fagow isticmaalka cilaanka Madow ee ay kujirto daawo madoobisada ee jirka halista ku ah.
Haku qasan cilaanka dabiiciga ah baasiinka iyo walxaha kiimikada ah ee jirka halista ku ah.