
15/09/2025
Waa maxay Osteoarthritis?
Osteoarthritis (OA) waa xanuun daba dheer oo ku dhaca kala goysyada jirka, halkaas oo carjawda jilicsan ee ilaalisa lafta ay si tartiib tartiib ah u xumaato. Marka carjawdu dhaawacanto, lafaha ayaa toos isu taaban kara, taas oo keenta xanuun, qallafsanaan, barar iyo adkaansho dhaqdhaqaaq.
Qodobada muhiimka ah ee ku saabsan osteoarthritis:
Waa nooca ugu badan ee arthritis (gaar ahaan dadka waayeelka ah).
Waxay ku dhici kartaa kala goys kasta, balse inta badan waxay ku dhacdaa jilibka, miskaha, gacmaha, iyo lafta dhabarka.
Waxay si tartiib ah ukordha unahormara sanado badan, laakiin dhaawac ama isticmaal badan oo kala-goys ah ayaa dedejin kara.
Waxyaabaha khatarta kordhiya waxaa ka mid ah: da’da, dhaawaca kala goysyada, isticmaalka badan, cayilka, hiddo raaca (Genetic) iyo in qofku dumar yahay.
Wuuna Ka duwan yahay cudurrada kale ee arthritis ka oo badan, osteoarthritis waa xanuun “xirasho iyo xumaansho” ah, ma aha cudur difaaca jirka ah (immune system) oo la xiriira sida rheumatoid arthritis.
Waxaad sameyn kartaa si aad u dareento bogsiino?
● Nasasho qaado marka xanuunkaagu aad u daran yahay Laakiin ha nasan waqti dheer, sababtoo ah taas waxay daciifisaa murqaha waxayna uga sii dari kartaa xanuunka.
● Miisaanka dhimis haddii loo baahdo Culeyska badan wuxuu culays dheeraad ah saaraya kala goysyada. Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada ayaa kala hadli kartaa siyaabaha caafimaadka leh ee miisaanka lagu dhimo.
● Jimicsi badan samee Murqaha xooggan waxay ka qaadaan culayska kala goysyada, waxayna yareeyaan xanuunka mustaqbalka, inkasta oo uu marka h**e xanuun keeni karo. Waxaa jira siyaabo badan oo jimicsi loo sameeyo. Xitaa dhaqdhaqaaq fudud, sida socodka, waa caafimaad. Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin kara inaad samaysato jadwal ku habboon. Waxay sidoo kale kugula talin karaan inaad la shaqeyso daaweeye jirka (physical therapist).
● Isticmaal qalab (assistive devices) haddii dhakhtarkaagu ku taliyo Waxay kaa caawin karaan xasillinta kala goysyada ama yareynta culayskooda. Tusaale ahaan: kabaha lagu daro waxyaabo jilicsan (shoe inserts), qalabka gacmaha lagu xiro (splints), usha socodka (cane), iyo gaadhka socodka (walker).
● Isticmaal baraf ama kulayl : Baraf ama kulayl ayaa kaa caawin kara yareynta xanuunka si ku meel gaar ah.
● Wax badan ka baro arthritis ka Barashada cudurkaaga waxay kaa caawinaysaa inaad dhakhtarkaaga la shaqeyso si aad u hesho waxa ku anfaca. Waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad si fiican u fahamto waxa laga filan karo calaamadaha iyo daaweynta.
Ma kaa caawin karaan geedo dhaqameedka, fitamiinnada, ama kaabayaasha (supplements)?
● Ma jiraan caddaymo xooggan oo muujinaya in kaabayaal (supplements) nooc kastaa ay ka shaqeeyaan calaamadaha arthritis. Taasi waa run xitaa glucosamine iyo chondroitin, oo ah kaabayaal ay dad qaar u maleynayaan inay ka caawiyaan arthritis. Haddii aad rabto inaad tijaabiso wax kaabayaal ama geedo ah, marka h**e kala tasho dhakhtarkaaga ama kalkaalisada.
Ma qaadan karaa daawooyin?
Caadi ahaan, dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in marka h**e la tijaabiyo waxyaabo sida jimicsiga, dhimista miisaanka. Haddii kuwani aanay ka caawin xanuunka, waxay ku talin karaan daawo. Xulashooyinka waxaa ka mid ah daawooyinka kiniin ahaan loo qaato, iyo sidoo kale kareemada iyo jelalka lagu mariyo maqaarka.
Mararka qaarkood dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan irbado lagu duro kala goyska si xanuunka loo yareeyo. Laakiin kuwani caadiyan looma isticmaalo daaweynta ugu weyn.
Tixraacyada.👇👇👇
References: Evidence-Based Clinical Practice Guideline, Up-To-Date (The Basics) patient education.
Link: https://www.uptodate.com/contents/osteoarthritis-the-basics
Dr. FeiSal D KaHie