Drs Ruun Abdiqadir

Drs Ruun Abdiqadir Hadad timid pagekeyga folow haila dhafin wllo๐Ÿ™

8 Cunto Ka Fogow hadii aad cunto adigoo baahan waxay keeni karaan nabro ku samaysma xuubka caloosha1. Cuntooyinka aadka ...
06/04/2024

8 Cunto Ka Fogow hadii aad cunto adigoo baahan waxay keeni karaan nabro ku samaysma xuubka caloosha

1. Cuntooyinka aadka u kulul ama basbaaska ah: Kuwani waxay sababi karaan in xuubka caloosha uu bararo ama dhaawacmo, gaar ahaan haddii qofku leeyahay xasaasiyad ama xaalado horay u jiray sida gaastariigga.

2. Cuntooyinka aadka u bisleen ama adag: Sida qaar ka mid ah khudradda ceeriin ah ama hilibka aadka u bislayn, waxay adkeyn karaan dheef-shiidka kuna keeni karaan in xuubka caloosha dhaawacmo inta lagu jiro shaqada dheef-shiidka.

3. Aash*tada leh ama dhadhanka aash*tada leh sida canabka ama yaanyada: Cuntooyinkan waxay kordhin karaan soo-saarka aash*tada caloosha, taasoo keeni karta dhibaatooyin haddii caloosha lafteedu ay mar h**eba xanuunsan tahay ama haddii qofku cuno isagoo gaajaysan.

4. Kafeega iyo Qaxwaha: Caffeine wuxuu kicin karaa soo-saarka aash*tada caloosha, waxayna taasi keeni kartaa inay dhibaato ku keento xuubka caloosha, gaar ahaan haddii adigoo gaajaysan hadii aad isticmaasho

5. Aash*tada: Cabbitaannada alkoholka leh sida coca, faanta ama kuwa la midka ah waxay dhaawici karaan xuubka caloosha waxayna kordhin karaan soo-saarka aash*tada caloosha, taasoo keeni karta xanuun iyo dhaawac.

6. Cuntooyinka aadka u shiilan: Cuntooyinka sida aadka ah loo shiilay waxay noqon karaan kuwo culus oo dhib ku ah dheef-shiidka, waxayna kordhin karaan soo-saarka aash*tada caloosha, taasoo dhib ku noqon karta xuubka caloosha

7. Cuntooyinka aadka u milix badan: Milixda badan waxay kor u qaadi kartaa aash*tada caloosha, waxayna sababi kartaa cadaadis iyo xanuun xuubka caloosha iyo xitaa in nabaro ku samaysmo xuubka caloosha

8. Cuntooyinka sare leh dufanka xoolaha (sida subagga culus ama hilibka baruurta leh): Cuntooyinkan waxay ku adag yihiin dheef-shiidka waxayna kordhin karaan dagaal inuu galo dheefshiidka, taasoo dhibaatayn karta xuubka caloosha gaar ahaan marka cunnooyinkan la cuno adigoo baahan.

Drs_Ruun Abdiqadir

27/12/2023

๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ

Waa sababta wareega dhiiga caadada ay usoo daahdo ama ay u soo dhaqsato ama gabi ahaan loo waayaa Waa qasab in aad ka welwesho sababta uu kaaga soo daaho dhiiga caadada?

In aad weydo gabi ahaan caadada ama ay kaasoo daahdo sababo badan ayaa keeni kara marka laga yimaado in aad uur leedahay waqtiga uurka waa wax dabiici in ay kaa maqnaato caadada.

Wax yaabaha ugu caansan ee sababa caado wareerka waxey ka yimaadaan isku dheeli tirnaanta ku timaada dheecaanada taranka labo jeer ayey caadi tahay in waqtiga caadada ay ka wareerto sida waqtiga qaangaarka oo ay caadadu ku cusubtahay Iyo waqtiga ay hooyadu dhalmo dayso oo da,deedu ay ka weyntahy 40 sano

Wareega saxda ah ee cadada waa in ay 28dii bariba ay ku timaadaa halmar waxaa sidoo kale caadi ah inta u dhaxeysa ilaa iyo 21 bari ilaa iyo 35 bari inta udhaxeysa in ay kutimaado

Hadii ay 35 bari ka badan ay kaa maqnaato ama 20 bari ka yar ay ku timaado waxaa macquul ah in uu xanuun jiro

Wax yabaha sababi karo caado wareerka

1 Walbahaarka (stress)
2 Miisaanka jirka oo aad u hooseeya
3 Miisaanka aadka ubadan
4 Jirka oo dhiicanada kubata
5 Daawooyinka uurka ka hortaga
6 Xanuunka Sokorowga ama macaanka
7 In ay kugu so dagdagto xiliga caadadu ay go ilaheyd
8 In ay dhibaato kajirto qanjirka (tyroid)

Dumarka qatarta ku jiro in oo ku dhaco caado wareerk

1 Dumarka cayilka xad dhaafka ah qabo
2 Dumarka walwalka badan
3 Dumarka qabo cudurada ku dhaco qanjirada
4 Dumarka aan qaadan cuno isku dheeli tiran
5 Dumarka isticmaalo sigaarka

Sidee loga hortagaa caado wareerka

1 Qaado cunooyin isku dheeli tiran
2 Qaado cunooyin aan baruurta ku badneen
3 Qaado waqti fiican oo nasiino ah
4 Iska yareey walwalka iyo walaaca
5 Yarey ciyaaraha iyo jimicsiga xad dhaafka ah

Hadii aad calaamadahaan la kulanto fadlan booqo dhaqtarka

1 Dhiig farabadan
2 Qandho iyo xanuun aad udaran
3 Dhiig socda 7 bari wax kabadan
4 50 sano adigoo kaweyn hadii uu dhiig uu dhiig kaa yimaado

Fadalan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu h**eeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino pageka mahadsanid

Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsii so asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan mahadsanid

Cilmu Nafsiga Waxa uu leeyahay..........!!!1- Markaste oo uu aamuskaaga bato waa markaste oo hadalkaaga qimo yeesho.2- D...
27/12/2023

Cilmu Nafsiga Waxa uu leeyahay..........!!!

1- Markaste oo uu aamuskaaga bato waa markaste oo hadalkaaga qimo yeesho.

2- Dadka badankod waa ay dhoola cadeeyaan marka ugu horaysa oo ay lahadlayaan qof aysan h**e isu aqoonin.

3-Qofka dareenkiisa qarsada waa uu ka daneyn io jeceyl badan yahay qofka marwalbo dareenkiisa so bandhiga.

4- 80 % dadku way Necebyihiin in ay Taleefonkooda ku hadlaan dadka hortooda.

5-Iska indha tirista iyo danayn la'aantu waa dareenka ugu dhaawaca xun dhanka dumarka Waxayna ka qaadaan kalsooni darro.

6- Su'aasha oo su'aal lagaga jawaabaa waa hab soo jireen ah oo ay isticmaalaan kuwa beenaalayaasha ah.

7-Haddii ay jirto gabadh aamusani, Ogow waxay ku naalloonaysaa garaad heerkiisu sarreeyo.

Nala Wadaag Qodob si gaar ah kuu soo jiitay ama aad ugu heshayba....?

Hadaad ka heshay lasii wadaag saxibadaada kale...!
Waxay kuutahay wanagsan

Taxanaha Caafimaadka1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimah...
27/12/2023

Taxanaha Caafimaadka

1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimaha iyo calool adayga

2. Biyo cabid la'aanta saddex meel oo jirka ka mid ah ayay aad u saamaysaa waa maqaarka, maskaxda iyo kilyaha

3. Hadii labo daqiiqo oo xiriir ah aysan indhahaagu Libirsan waxaa kugu jirta awood qayeul caadi ah oo ka duwan dadka caadiga ah

4. Midabka buluuga ah inta badan waxaa isticmaala aaladaha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Skype sababtoo ah midabka buluuga ah maskaxda ayuu dajiyaa

5. Hadii hurdada aad habeenkii hurudo ay tahay Lix saac oo xiriir ah walina aad dareemayso ama lasoo kacayso daal hurdada kadib jirkaaga ayaa biyaha cabistu ku yar tahay ee biyo cab

6. Qandhada waxyaabaha dabiiciga ah ee baabi'iya waxaa ugu h**eeya Liin bambeelamada sababtoo ah maado heerkulka ajirka hoos u dhigta ayaa ku jirta

7. Hadii aad cabto biyo la dhex dhigay zabiib adiga oo baahan maqaarkaaga waxaa muddo bil ah kaga baabi'i doona finanka iyo haaraha wajiga

Hadii Qodobadan Aad Kuu Anfaceen โค๏ธ Saar

Ruun #

5 QODOB OO AAD KU ILAALIN KARTID BAD QABKA SANBABADAADA.Dadka badankood waxay rabaan inay caafimaad helaan. Marar dhif a...
27/12/2023

5 QODOB OO AAD KU ILAALIN KARTID BAD QABKA SANBABADAADA.

Dadka badankood waxay rabaan inay caafimaad helaan. Marar dhif ah, in kastoo, ay ka fekeraan ilaalinta iyo dayactirka caafimaadka sambabbadooda.

Runtu waxay tahay sambabahaaga, sida qalbigaaga, kala-goysyada, iyo qaybaha kale ee jirkaaga, da โ€˜ahaan waqti ha lahaado. Way yarayn karaan dabacsanaantooda waxayna luminayaan xooggooda, taas oo adkayn karta neefsashada. Laakiin adoo qaadanaya caadooyin caafimaad oo gaar ah, waxaad sifiican u ilaalin kartaa caafimaadka sambabkaaga, waxaadna ka dhigi kartaa inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan sanado .

- jooji cabidda sigaarka.
- jimicso ,jimicsiga badan waxa uu xoojiyaa awoodda sanbabada .
- ka fogow hawada wasakhaysan .
- ka fogow caabuq in uu ku dhaco sanbababada iyo jidhkaaga.

AFAR CUDUR OO AY BIYUHU KA HORTAG U YIHIINQaadashada biyo badan si maalinle ah ayaa caawimaad ka geysata caafimaadka nol...
27/12/2023

AFAR CUDUR OO AY BIYUHU KA HORTAG U YIHIIN

Qaadashada biyo badan si maalinle ah ayaa caawimaad ka geysata caafimaadka nolashaada iyada ka hortag u ah xanuunadaan soo socda.

In aad biyo badan cabto si joogta ah maalin walba ayaa kaa caawinaysaa in aysan calooshaadu aysan istaagin oo ay saxaradaadu ay ahaato mid jilicsan oo aan dhaawac iyo dhibaato kuu geysan.

Climi baaris cusub ayaa iyaduna shaaca ka qaadey dadka biyaha badan caba in aysan halis ugu jirin in ay ku dhacaan kansarada qayb kamid ah sida kansarka kaadi-haysta iyo kan mandhicirada.


Hadii aad joogteyso in aad cabto maalin walba biyo badan ayaa ka hortag weyn u ah in ay kilyahaagu ay ku sameysmaan dhagaxaan.


Sidoo kale qaadashada biyo badan ayaa meesha ka saaraya in uu wajigaadu uu yeesho finanka iyo in uu ahaado mid qalalan.

Hadaba joogtee maalin walba cabista biyo badan si aad u wanaajiso caafimaadkaada.

Gaarsii asxaabtaada aan biyaha badan cabin fariintaan ama halkaan ugu yeer.

Ruun #

SHARE SHARE SHARE

27/12/2023

Neefsashada oo qofka ku adag had iyo jeer waa xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Sababaha caadiga ah ee ku yaraanshaha neefta qofka waa:
1.Dhibaatooyinka sambabada, sida neefta iyo cudurrada sambabada ku dhaca ee joogtada ah (COPD).
2.Dhibaatooyinka wadnaha, sida cudurrada ku dhaca wadnaha xididdad iyo shaqada wadnaha. 3.Caabuqyada ku dhaca marinka-hawada, sida croup, boronkiitada, oof wareenka, COVID-19, iyo xitaa hargabka.

Malaayiin qof ayaa dhib ku qaba neefta iyadoo oxygen ku xiran yihiin qaarkood taas oo lacag fara badan ku kacda.
ilaahay ku mahadnaq haddii aad ka caafimaad qabto.
Dr. Dayib Abdulkadir Mohamud

MY Dream๐Ÿ”๐Ÿ™‚โœ‹
09/11/2023

MY Dream๐Ÿ”๐Ÿ™‚โœ‹

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Ruun Abdiqadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drs Ruun Abdiqadir:

Share