10/02/2022
Waa Maxay Cambaarta Madaxa?
Cambaarta oo afka qalaad lagu dhaho "Tinea", waa infakshan ama caabuq ku dhaca guud ahaan ama waxa uu ju dhici karaa meel kasta oo jirkaada ka mid ah.
Cambaarta waxaa keena jeermis loo yaqaano (Fungas) Tinea nooca madaxa iyo jirka gala waxaana loogu yeeraa afka qalaad "ringworm". (Tinea capitis) inta badan kuma dhacdo carruurta ka yar laba asano, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay caruurta dugsileyda ah.
Meelahee ayuu madaxa uga dhacaa? Tinea wuxuu ku dhacaa qaybta sare ee madaxa , wuxuuna u muuqdaa dhibca yaryar oo tima ka goéen kadibne tinta ayaa ka daadato.
Cambaarta noocaan ahi waxay ku dhacdaa jirka meel kasta, maqaarka, cagaha, calaacalaha, cidiyaha iyo tinta intaba. Waxaana lagu gartaa markay tinta iyo maqaarka ku dhacdo inuu wareeg ahaan tinta uga bido madaxa ama jirka goobaabin ahaan nabar ah u samaysanto.
Cambaartan si sahlan ayaa loo kala qaadi karaa haddii la isla isticmaalo shukumaanada, dharka iyo saabuunta lagu qubeysto. waana sababta keentay in caruurta ku dhex faafto khaas ahaan kuwa dugsiyada iyo iskuulada dhigto intaba.
Maxaa keena Cambaartan? Tinea waa infakshan uu keeno jeermiska fangaska cayayaanka noocaan ah waxaa iyana isu gudbin kara mukulaalaha iyo eyda yaryar. Midka ku dhaliya fangaska cagaha waa ka duwan yahay. Kani badanaa waxaa laga helaa meelaha lagu qubaysto iyo agagaareheeda, ceelasha dabaasha iyo barkadaha. Carruurtu waxay ka qaadi karaan tinea waalidka ama wallaalohooda waaweyn oo qaba tinea. Kabaha sida kuwa lagu ordo/cayaaro waxay ku dhaliyaan cagaha inay diirimaad noqdaan oo dhididaan sidaasna uu ku dhasho tinea. Cayayaanka gala cidiyaha lugaha wuxuu la socdaa midka cagta.
Sidee looga hortagaa? Ka hortagiisu waa nadaafada oo la joogteeyo iyo ka warqabka caruurtaada.
Daaweeynta xanuunkan? (Tinea)Cambaartan gasha dhalada sare ee madaxa waxaa lagu daweeyaa daawada lidka fangaska taas oo dhakhtar kuu qoro. Kareemka lidka fangaska waxaa laga heli karaa farmashiyaha badankood. Haddii ilmahaagu qabo jeermiska fangaska ee wareegsan (ringworm), waa in aad dhakhtar la xiriirtaa, sidii caruurta kale uga ilaalin lahaydne waa in aad samaysaa.
Waxii talo iyo weydiimo ah lasoo Xariir Kafi Care Medical Center
Messenger ama Whatsapp-ka kaaga muuqdo page-ka.