30/04/2026
Waxaa maanta si rasmi ah ugu rakibnay Wadajir Hospital qalabka casriga ah ee Mindray A3 Anesthesia Machine, oo ay soo saartay shirkadda caalamiga ah ee Mindray.
Qalabkan cusub wuxuu si weyn u sare u qaadaya tayada, saxnaanta, iyo badbaadada adeegyada suuxdinta inta lagu jiro qalliinnada, taasoo ka dhigaysa adeegyada caafimaad kuwo ka tayo iyo hufnaan badan sidii h**e.
Anaga oo ah Human Care Diagnostics Ltd, waxaa naga goβan in aan mar walba ka shaqeyno horumarinta iyo casriyeynta adeegyada caafimaad ee dalka Soomaaliya πΈπ΄, si bulshada loo siiyo daryeel caafimaad oo casri ah, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
βοΈ Tayo Sare
βοΈ Kalsooni Buuxda
βοΈ Horumar Joogto ah