Dr Carfa

Dr Carfa i am social doctor

AWOODA KAA QARSOONBayolojigu waxa uu sheegay in galmada ka dib, 200 ilaa 300 oo milyan oo mani(shahwo) ah uu ninku ku sh...
07/06/2024

AWOODA KAA QARSOON

Bayolojigu waxa uu sheegay in galmada ka dib, 200 ilaa 300 oo milyan oo mani(shahwo) ah uu ninku ku shubo xubinta taranka ee hooyada, dhamaantood waxay bilaabaan inay kor u dabalaan si ay ugaaran makaanka(minka) oo ay ula kulmaan ugxanta, 300 milyan oo aabuhu soo daayey kaliya 200 xabo oo kamid ah ayaa gaara goobta ugxanta taalo halka kuwa kale ay ku daalaan wadada sababtoo ah ma fududa safarka, kadib 200 ee u suurtagashay in ay gaaraan ugxanta hal xabo kaliya ayaa la bacrimeysa(la falgaleysa) ukunta hooyada.

marka ay sidaas tahayna halka mani ama shahwo ku guuleysta in ugxanta lafalgalo waa ADIGA. 😴

Weligaa ma ka fikirtay tan?

Tartan orod ah ayaad oraday adigoo indho la,aan ah, luga la,aan ah, waxbarasho la,aan ah, shahaado la,aan ah, caawin la,aan ah waadna GUULAYSATAY,⚡.

maxaa kugu kalifaya inaad hadda ku fakarto inaad khasaarayso oo aad quusato? Sabatoo ah ma aadan quusan maalinta koowaad, oo aad 300 milyan tartan adag kula jirtay.

sidaas darteed ma quusan kartid Hadda oo aad leedahay labada indhood iyo lugaha, hadda oo aad aqoon u leedahay ALLAHA waxwalba qadara(go,aamiya) , hadda oo aad leedahay qorshayaal, riyooyin, hadda oo aad leedahay waalid ama walaal ku caawiya.

Dhib malahan waxa aad aragto hadda oo caqabad ah, xasuusnoow inaad uurka ku GUULEYSAY.
Waxaad ku guulaysan doontaa tartankaaga Alle idimkiis.

La wadaag asaxaabtaada

Menstrual Cycle
06/10/2023

Menstrual Cycle

  Maqaarka Xaninyaha "Scrotal itching" *Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago sida:1-shukuma...
02/02/2023

Maqaarka Xaninyaha "Scrotal itching"
*Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago sida:
1-shukumaannada lagu tirtirto,
2-dharka la isla gashto
3-musqulaha furan ee la isla isticmaalo
4-ama haddii ay xaaskaagu qabto caabuqa fangaska ee cawrada gala

lagu garto cudurkaan:
1-Cuncun siyaado ah
2-Mararka qaar furuuruc ka muuqdo qooraha iyo hareerihiisa.
3-Maqaarka oo qolof dhacsado markii la xoqo.
4-Inta cuncunka kaa hayo oo midabkeedu isbadalo illaa bowdyaha.

ku tarmaa jeermiskaani ?
•Jeermiskaan wuxuu ku tarmaa lakabka sare ee maqaarka, wuxuuna ka faa'idaystaa huurka iyo meelaha dhididka leh sida
1-qooraha,
2-waraqda
3-cajarrada dhexdooda
4-jeexa barida.

keena cuncunka qoodhaha?
•Cilladaan waxaa keeno nuuc ka mid ah jeermiska fangaska ee keeno cudurka cambaarta ama cabeebka, wuxuu kaloo jeermiskaan ku dhacaa:
1-basada/madaxa
2-maqaarka,
3-kilkilaha,
4-farjiga iyoXaninyaha
5-ciddiyaha.

lagu xaqiijiyaa inuu cudurkaan ku hayo?
•Badanaa waraysiga iyo wiisitada ayuu dhakhtarka ku fahmaa,
•waxaa lagu sii xaqiijin karaa baaritaan fudud oo badanaa shaybaarrada laga helo kaasoo lagu baarayo qolofta ama dufta ka kacaysa meelaha aad xoqday oo la soo hoolo, kadibne lagu dhibciyo maaddo loo yaqaano "KOH", kadibne lagu fiiriyo weyneysada si loo arko jeermiska dhibka kugu hayo.

loo daaweeyaa xanuunkaan?
1-Daaweyntu way sahlan tahay, waa inaad marka h**e biyo iyo saabuun ku dhaqdaa xubintaada iyo hareeraheeda oo idil,
2-kadibne aad marsatid kareemka lagu dilo jeermiska fangaska kaasoo loo yaqaano "Antifungal Cream",
3-waxaa muhiim ah in kareemkaas ay ku jirto 3-daan daawo mid ka mid ah:
(1)Terbinafine
(2)Miconazole
(3)Clotrimazole.

gaar ah
* Waa muhiim in aadan joojin isticmaalka daawadaan markuu cuncunka kaa joogsado, laakiin waa inaad dhamaysataa laba usbuuc illaa jeermiska uu ka dhimanayo
* haddii intaa ka yar isticmaashid wuu soo laaban karaa xanuunka,
* fadlan la xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka una sheeg bamaatada aad soo isticmaashay.

looga hortagaa xanuunkaan?
1-Dharka lagu jimicsado ama lagu dhidido ha qaadan dhowr jeer oo isku xigxiga.
2-Dacas la'aan ha galin musqulaha la isla isticmaalo iyo meelaha lagu qubeysto
3-Qof hala wadaagin shukumaannada iyo marooyinka lagu tirtirto.
4-Haddii aad xaasle tahay, iska hubi in lamaanahaadu aysan qabin caabuqa fangaska ee xubnaha taranka.

24/01/2023

Common Unit Conversations Share Like Comments
13/01/2023

Common Unit Conversations

Share
Like
Comments

Antibiotic Drugs 🙏Share Like Comment
08/12/2022

Antibiotic Drugs 🙏
Share
Like
Comment

Some common of Drugs Like no saar Share dhehThanks
07/11/2022

Some common of Drugs
Like no saar
Share dheh
Thanks

Don't forget these common ANTIBIOTICS LIKE ANDSHARE MY PAGE 🙏🙏
04/11/2022

Don't forget these common ANTIBIOTICS
LIKE AND
SHARE
MY PAGE 🙏🙏

Vital Signs ( Calaamadaha Nolosha )Page like saar plz Soo dad badan ugaaro 👏
24/10/2022

Vital Signs ( Calaamadaha Nolosha )
Page like saar plz
Soo dad badan ugaaro 👏

18/09/2022

Welcome back Dr Carfa Page
Follow gareya I.a

  Prond to be Nurse Share  Comment ✌
13/07/2022


Prond to be Nurse
Share
Comment ✌

Calculation of Drug's PROUD TO BE A NURSE ✌♥️
21/06/2022

Calculation of Drug's

PROUD TO BE A NURSE ✌♥️

Address

Mogadishu

Telephone

+252618073435

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Carfa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Carfa:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category