A - Negative Blood Donor Community- Somalia

A - Negative Blood  Donor Community- Somalia Somalia Rh A-Negative Civic Organization(SRHANCO) .A- blood group

23/08/2025
02/08/2024

Ilaahey ha u naxariisto dadka ay caawa argagixisadu ku xasuuqday xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.

Team A - Negative Blood Donor Community- Somalia iyo dhamaan kuwa dhiigadooda sadaqeysanaa hagaaraan hospital Hana badbaadiyaan walalahod.

Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Xuseyn oo ka tirsan samafalayashaa dhiiga A-🩸ayaa taariikhdu markee eheed 10/8/2023  dhiig ugu deeqay hooyo emergency ah...
13/08/2023

Xuseyn oo ka tirsan samafalayashaa dhiiga A-🩸ayaa taariikhdu markee eheed 10/8/2023 dhiig ugu deeqay hooyo emergency ah . Ajar allaha ka siiyo🤲

Nagu soo biir wll haduu dhiigaagu yahay A-🩸

Maanta ay taariikhdu tahay 13/8/2023 Gudoomiyaha samafalayaasha A- oo  dhiig ugu deeqay gabar yar oo dhiig yari darteed ...
13/08/2023

Maanta ay taariikhdu tahay 13/8/2023 Gudoomiyaha samafalayaasha A- oo dhiig ugu deeqay gabar yar oo dhiig yari darteed maqaar keeda isku badalay.

Allaha ka ajarsiiyo🤲. Gudoomihaha
Gabadha yarna cfmd taama allaha siiyo🤲

Nagu soo biir wll haduu dhiigaagu yahay A-🩸

Samafalayaasha A-  ayaa ka qeyb qaatay gurmadka dhiga ee loo fidinaayay dadkii musiibadii Zobe kuwaxyooleebay.
02/11/2022

Samafalayaasha A- ayaa ka qeyb qaatay gurmadka dhiga ee loo fidinaayay dadkii musiibadii Zobe kuwaxyooleebay.

Ciid Mubaarak walayaal
02/05/2022

Ciid Mubaarak walayaal

Allaha ka ajarsiiyo walal osman Ahmed oo dhigis A-  kusadaqeysta bukan kujiray isbitaalka digfeer.
15/04/2022

Allaha ka ajarsiiyo walal osman Ahmed oo dhigis A- kusadaqeysta bukan kujiray isbitaalka digfeer.

05/04/2022
05/03/2022

Qiso xanun badan oo ka dhacdey hospital guud ee Gabiley.

Hooyo laba matano oo ay sidey ku waydey dhiig qaldan oo lagu shubey.

Hooyo jamiila waxay booqatey hospital ka guud ee Gabiley mudo ku beegan 2 todobaad ka hor, waxay u booqatey inay ku umusho xiligaso sidkeedi dhamaday nabarki fooshana dareemaysay.

Waxa hooyo jamiila loo sheegay marki la saarey ultrasound machine in labada ubada caafimad qabaan, sidkoodi dhamadey. Biyahuhuna ku filan yahin.

Waxa lagu wargaliyey Inay dhiig u baahan tahay, dhiiga ku jiraana u yar yahay waxa kale lagu war galiyey in dhiig lagu shubi doono.
baadhis noca dhiigeda ah ka dib in dhiiga hooyadu yahay B+ yahay bay shaqalahu u sheegen qaraabada hooyo jamiila. Loona
baahan yahay dad B+ ah, sida ku qoran warqada bukaanka waxa loo qabto lagu diwaan gasho.

Isla habenkaas waxa lagu shubay Dhiig B+ ah oo kaydka yaalay,
Marki lagu shubay dhiigi mudo yar ka dib xaaladi way is badashay hooyo jamiila afka ayay ka xunbeysay, jidhkeedi waxa lagu arkey barar sida inay shini cuntey la modo,Xumad,

Abaaro 11kii subaxnimo aya hooyo jamiila ubadki so dhashen yago midna mayd yahay midna marku so baxay dhintey.

Dhayalsiga iyo dayacaad(negligences) sidi kuma joogsan hooyo jamiila waxa lagu shubay ilaa 5 qarbad ama 5 unit oo dhiig Ah oo kale oo Ah dhiigi qaldana.

Markii xaalku halka marayey waxa isbadalay xaaladi hooyo jamiila.
dhaman shaybadhadi laga qaadey waxu sheegay in dhaawac kalyaha so gaadhey kuna jirto xaalad loo yaqan acute kidney injury.

Dheecanada shaqada beerku ( liver function test) kor ayay u kaceen dhamana way isbadaleen. Xinjirawga dhiigedu isbadalay,

Comma gashay waxa la keenay hospital ka wayn ee hargeisa shaybaadho ka dib waxa la ogaadey in dhiig yaraan jirto, dhaman shaybaadhka dhiiguna isbadalay.

Waxa la go’aansadey in la siiyo dhiig, sidii caadada ahayd baadhis ka dib waxa la direy dhiig taaso la eegayay is qaadashada dhiiga iyo nooca dhiiga ( blood grouping and cross matching) .

Jaba waka danbeya, anfariirna looma dhinto, waxa Soo baxay wax xaafda dhabano hays ku noqdey !
In dhiiga la siin jrey aanu ahayn keegi saxda, ahaa, shaw wa waxa sababay dhibkay Soo martey oo ahaa wax la idha (blood transfusion reaction).

Hubin ka dib waxa la ogaadey In dhiigedu yahay O- , Dhakhterka Gabileyna lagu Soo siiyey B+.
Hooyo jamiila haatan waxa xaaladeda lagula tacaalaya Hargeisa Group hospital.
Alhamdullilah caafimadkeduna wu Soo raynaya maalinba maalinka ka danbeya.

Marka qof dhiig lagu shubayo maxu xaq u leeyahay.

1. In la hubiyo nooca dhiiga iyo inay is qaadanayan (blood grouping and crosshatching)

2. In qofka laga shubayo laga hubiyo cudurada dhiiga ku faafa,

3. In u hubiyo qofka ku shubaya ma isleeyahay magaca qofka iyo dhiigu si an qof kale dhiig lagu waday anu ugu qaldamin.

4. In dhiiga loo siiyo si qunyar ah.

5. In qofka shaqaalaha ah ee siinaya sugo 10-15minute si u u ogaado xaalada bukaanka.

6. Inan haben la doorbidin in la siiyo si haddi xaalad caafimad timad loo waayin dadki la tacaali laha.

Maxa lagu garanaya inu dhigan Qofkan lagu shubay yeeshay blood transfusion reaction.?

1. Qofku waxu markaba yeelanaya xumad

2. Qofku wu bar barayaa

3. Naqaska qabanaya

4. Garaaca wadna iyo pressure ka dhiiga hoos u dhacaya

5. Shock inu qofku galo.

Maxa la gudboon haddaba shaqaalaha marka dhiig khaldan qofka la siiyo.

1. Isla markaaba inu ka joojiyo,

2. Inu hubiyo magaca iyo nooca dhiiga dibna ugu diro qaybta blood bank ama kaydka dhiiga

3. Inu cabiro vital sign ka sida xumada, garaca wadnaha, iyo pressure ka dhiiga.

4. In shaqaalahu ogaysiiyo maamulka iyo familyga waxa dhacay.

5. In qofka laga jabiyo xumada la siiyo paracetamol 500mg every 8 hour

6. In qofka laga daweeyo allergic reaction ka u dhiiga ku yeeshay la siiyo non sedating anti histamines like cetirizine

7. Qofku haddi u naqasku qabto in oxygen la siiyo lana siiyo epinephrine

8. In la eego si taxadirle lola socdo dhiiga guud CBC, in la eego shaqada kalyaha RFT, in la eego shaqada beerka LFT,

Hadaba si’aasha meesha taalba ah sharcigu xaqeeda ma siin doona dhibanahan! ?

Sawirka 1aad. Nooca dhiiga hooyada lagu shubay B+

Sawirka 2aad . Nooca dhiiga hooyadu ahay O-

Sawirka 3aad. Inta jeer ee loo qorey Laguna shubay.

Fiiro Gaara: maqaalkan cid gaara kuma socdo, haayad dawladedna lidi kuma aha, waxan u qorney qormadan in laga waantobo dayaca bukaan caafimad ku bidey.

Xigasho : Mohamed A. Sheikh

02/03/2022

✶*

💉
#(premarital screenings).

• Waxaa jiro baaritaano aad muhiim ugu ah qof kasta oo guurdoon ah ( Rag & Dumarba) lanasameeyo guurka kahor si aysan lamaanuhu isugu gudbin cudurada faafa, ilmahooduna mustaqbalka dhibaato aysan gaarin ama aysan kudhalanin cudurada aanan waxba laga qaban karin.

:

• Dhiiga nuuciisa( blood group).
• Infakshinada ku gudba galmada (sexually transmitted diseases (STD).
• Nuucyada Cagaarshowga( Hepatitis).
• HIV ama AIDS ka.
• Hidasidayaasha (Genetic testing).

Baaritaanada sida infakshinada, cagaarshowga, AIDS ka iyo hidasidayaasha waxaa laga yaaba in jawaabtoodu noqoto waa lagaa helay oo daawo lagaa siiyo ama waa lagaa waayay waadna guursan kartaa. Lkn Blood group ka ama dhiiga nuuciisa ayaan waxyar sharxeeynaa insha Allah.

!

¶ inta aanan saadaasha isla galin waxaad ila fahantaa waa maxay RH oo lagasoo gaabiyay = Rhesus •*
Waa barootiin la Iska dhaxlo lagana helo oogada unugyada dhiiga cas, hadii dhiigaagu barootiinkaas leeyahay waxaa tahay (RH positive) hadii uusan laheeyna waxaa tahay (RH negative). Bini'aadamkuna waxeey u badan yihiin positive ka.

Waayahay aan falan qeeynta u imaano marka!

📌Jawaabaha laga filaayo baaritanka nuuca dhiiga waxa kamid ah in:

[ ] Hadii Labaduba (lamaanaha) noqdaan positive (Rh +), markaa dhib malaha, dhiigooda wax dhib ah ilmaha uma keenaayo insha allah.

[ ] Hadii Labaduba noqdaan negative (Rh-), markaa sidokale dhib malahan, ilmaha waxdhib ah uma keenaayo.
[ ] Ninku hadii uu noqdo Negative (Rh-) Gabadhuna noqoto positive (Rh +), sidokale ayadana waxdhib ah uma keenaayo ilmaha.

[ ] Ninku hadii uu noqdo Positive (Rh +) Gabadhuna noqoto Negative (Rh-), markaas ayuu dhibka imaanayaa.

?

🔬 Qodobka ugu dambeeyay ee ah Aabaha oo ah RH positive iyo hooyada oo noqota RH negative waxaa loo yaqaanaa.
(Rh incompatibility). Oo loola jeedo nuuca dhiiga oo aanan iswaafaqsaneeyn, micnaheeduna yahay:-

🧪 Aabaha dhiigiisu waxuu leeyahay barootiinkii aan kor kusoo sheegnay saas ayuu Positive(+Rh) ku noqday.

🩸 Hooyadana kuma jiro barootiinka dhiigeeda oo waa negative (-Rh).

!

Xaaladaan oo kale Marka uur yimaado, dhiigga uurjiifka/canuga waxuu noqdaa mid Positive ah (Rh +) sida kan aabbaha, sidaas darteed dhiiggiisa waxaa ku jira nooc aan ku jirin dhiigga hooyada ileen hooyada negative ayeey aheyde!

🚫 Dhiiga hooyada waxa ay u qaadanayaa kan ilmaha yar in uu yahay wax ajanabi ka ah ee jirkeeda aanan kamid ahayn, sidaas awgeed waxa ay ku amrayaan unugyada difaaca in ay u burburiyaan dhiiga canuga (Hemolysis). Kadiban uurkaas dhib ayaa soo gaara wuuna soo dilmaa.

:
SIDEE LOOGA BADBAADAA?

✅ Waxa ay hooyada qaadaneeysaa cirbad (ANTI-D) layiraahdo, 72 saac gudahooda marka ay dhasho cunuga ugu horeeya, cirbaddaan waxaa ku jira maado Gamma Globulin ladhaho oo joojisa soo saarista unugyada difaaca hooyada si uusan ubadka dhib u gaarin.

[ ] GAARSII ASXAABTAADA IYO QOF KASTA OO GUUR DAMACSAN.

[ ] CAAFIMAAD IYO BADQAB AYAAN IDIIN RAJEEYNAYAA.
Q.N.33

By Dr-Osman Mohamed Ahmed

Address

Mogadishu

Telephone

+252617227163

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when A - Negative Blood Donor Community- Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to A - Negative Blood Donor Community- Somalia:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category