Dr cayarshe

Dr cayarshe Waa pageka Rasmiga ah Ee Dr Cayarshe

wax badan baad ka faaidi doontaa i.a

Cabitaan ka kooban khudaar iyo miro kala duwan oo loogu talagalay "inuu nadiifiyo beerka" (detoxify your liver). Waxa uu...
27/04/2025

Cabitaan ka kooban khudaar iyo miro kala duwan oo loogu talagalay "inuu nadiifiyo beerka" (detoxify your liver). Waxa uu ka kooban yahay:

1. 1 beetroot (rooti)

2. 1 carrot (karootada)

3. 1 ginger (sanjabiil)

4. 1 orange (liin dhanaan)

5. 1 apple (tufaax)

Halkan hoose ka akhri faaโ€™iidooyinka caafimaad ee walxahaas:

---

1. Beetroot (Rooti):

Nadiifinta Beerka: Waxa ku jira betalains, kuwaasoo ah antioxidants ka caawiya nadiifinta beerka.

Qalabka dhiigga: Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna kordhisaa oksijiinka unugyada.

La dagaallanka bararka: Waxay leedahay sifooyin anti-inflammatory ah.

---

2. Carrot (Karootada):

Lafa-jirid & Aragga: Waxay hodan ku tahay beta-carotene oo jirka u beddela vitamin A.

La dagaallanka kansarka: Antioxidants-ka ku jira waxay yareeyaan halista qaar ka mid ah noocyada kansarka.

Hagaajinta maqaarka: Vitamin A-ga wuxuu caawiyaa caafimaadka maqaarka.

---

3. Ginger (Sanjabiil):

Xanuun daajin: Waxay yaraysaa matag iyo calool xanuun.

Barar-ka hortagga: Waxay leedahay saameyn anti-inflammatory oo xooggan.

Kor u qaadida dheefshiidka: Waxay caawisaa habsami u shaqeynta caloosha.

---

4. Orange (Liin Dhanaan):

Vitamin C: Aad bay hodan ugu tahay Vitamin C, oo xoojiya difaaca jirka.

Antioxidants: Waxay jirka ka caawisaa la dagaallanka sunta iyo radical-ka xorta ah.

Hydration: Biyaha badan ee ku jira waxay caawiyaan in jirku ahaado qoyan.

---

5. Apple (Tufaax):

Fiber: Pectin-ka ku jira wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka, wuxuuna ka nadiifiyaa beerka.

Antioxidants: Waxay gacan ka geysanayaan ilaalinta unugyada beerka.

Cholesterol hoos u dhig: Waxay yareyn kartaa kolestaroolka xun (LDL).

---

Gabagabo:

Isku darka mirahan iyo khudaartan wuxuu caawin karaa:

Nadiifinta beerka

Kor u qaadida dheefshiidka

Xoojinta difaaca jirka

La dagaallanka bararka iyo sunta jirka

Dr cayarshe

"๐Š๐ฎ ๐๐ฎ๐œ๐ž๐ž๐ฒ๐ฌ๐จ ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐ž๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐œ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง๐š๐ ๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ž๐ž ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ"ูŠุงุฑุจ ุชู‚ุจู„ ุฏุนุงุฆู†ุงุŒ ูŠุงุฑุจ ุงุณุชุฌุจ ุฏุนุงุฆู†ุง โšซ
01/03/2025

"๐Š๐ฎ ๐๐ฎ๐œ๐ž๐ž๐ฒ๐ฌ๐จ ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐ž๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐œ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง๐š๐ ๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ž๐ž ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ"

ูŠุงุฑุจ ุชู‚ุจู„ ุฏุนุงุฆู†ุงุŒ ูŠุงุฑุจ ุงุณุชุฌุจ ุฏุนุงุฆู†ุง โšซ

Reer Qaza ugu dambeyn wey guuleysteen alxamdullahi rabbil calamiin AKHRI HISHIISKAMaxaa lagu heshiisiiyey Israa'iil iyo ...
16/01/2025

Reer Qaza ugu dambeyn wey guuleysteen alxamdullahi rabbil calamiin AKHRI HISHIISKA

Maxaa lagu heshiisiiyey Israa'iil iyo Xamaas?

Heshiiskii muddada la sugayey ayaa si rasmiya loogu dhawaaqay in ay labada dhinacba qalinka ku duugeen oo ay saxeexeen. Waxana la xalliyey qodob aad laysugu diiddanaa oo ahaa sii joogista Israa'iil ee qaybo ka mida Qasa. Qodobda heshiiska.

Marxaladda koowaad 1aad.

โ— In Israa'iil si rasmiya u joojiso duullaankeeda Qasa ayna ku laabto halkii ay joogtay ka hor 7 October 2023 oo ahayd xadka ka baxsan Qasa.

โ— In Xamaas sii deyso 33 ka mida maxaabiist ay ka haysto Israa'iil iyo reer Galbeedka. Halka Israa'iil looga fadhiyo in ay oodda ka soo qaaddo 1000 reer Falastiin oo isugu jira haween, ubad iyo maxaabis kuwaas ay qalaaftay ka dib duullaankii 7 October.

โ— In Israaiil sidoo kale sii dayso maxaabiis ka badan 600 ah oo ay ku jiraan 250 ku xukunnaa xabsi da'iin.

โ— In Qasa loo ogolaado geynta gargaarka dadku u baahan yihiin kaas oo 600 oo gaadhi oo sida shidaal, cunto, dawo iyo wixii kale ee lagama maarmana.

โ— In dadku u soo laabtaan guryihii laga barackiyey ee laga dumiyey waxana hawshaas kor joogta ka ahayna guddi ka socota Qadar iyo Masar.
โ— In Israa'iil joojiso ciqaabta ay ku hayso Maxaabista reer Falastiin ee xabsiyadeeda ku jira

โ— Israaiil waxay furi doontaa marinka Rafax oo ah halka gargaarku soo marayo.

โ— Heshiiskan xabbad joojinta wejigiisa koowaad wuxuu soconayaa muddo 6 toddobaad ah ama 42 dharaarood.

โ— In dhaawacyada iyo dadka xanuusanaya loo ogolaado in ay ka baxaan Qasa iyaga oo maraya dhinaca Rafax ka dibna ka baxaya Masar.

Marxladda labaad.

Wejiga labaad ee heshiiskan waxa waxa diirrada lagu saarayaa ka bixintaanka dhammaanba ciidanka Israaiil ee Qasa iyo xabbad joojin waarta oo dhaqan gasha.

Marxaladda saddexaad.

โ—In laysu celiyo wixii maydad la kala haysta gaar ahaanna dadka muhiimka sida Yaxye Sinwaar oo maydkiisa ay Israa'iil gacanta ku hayso.

โ—In la dhiso Qasadii la dumiyey waxana hawshan u xil saaran Masar, Qadar iyo Maraykanka iyaga ayaana heshiiskan kor joogto ka ahaanaya.

Dhaqan gelinta heshiisku waxay bilaabmaysaa Axadda soo socota oo bishu tahay 19. Waxana ku dhawaaqay raysal wasaaraha Qadar oo marti loo ahaa.

Caawa damaashaad iyo farxad ayaa ka socota Qasa. Sidoo kale madax kala duwan ayaa heshiiskan soo dhoweeyey. Donald Trump wuxuu sheegay in uu isagu heshiiskan aabbe u ahaa taasina muujinayso sida uu uga dhabeeeyey ololihiisi doorashada iyo weliba sida uu u yahay wiil nabadeed

Haddii aad sadarada heshiiska eegto waxa kuu soo baxaysa in Israa'iil si k**a dambaysa isu dhiibtay oo aanay awoodi dhinaceeda jirin.
W/q:jaamac shube

19/10/2024

Maxaa yaab is daba yaal! ๐Ÿฆฎ๐Ÿ˜‚

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saladhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Ca...
15/09/2024

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saladhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdi Casiis Cismaan Maxamed(Sadaam) oo ku eedeysan in uu ceejo kudilay Marxuumad Khadiijo Cabdi Maxamed 20 jir ah oo hasaawo ka dhaxeeyay.

Waxaa socoto baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxkammada awooda uleh.

Muwaadin hadii aad lakulanto falal ammaanka liddi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 amma kusoo hagaaji banadir@bolice.gov.so

waxaan soo xasuustay markaan yaraa oo aan quraanka ka baran jiray dugsigii macallin abdullahi(ilahayhakuxifid iyo adunka...
13/09/2024

waxaan soo xasuustay markaan yaraa oo aan quraanka ka baran jiray dugsigii macallin abdullahi(ilahayhakuxifid iyo adunka iyo akhiro) ku yaalay degmada hodan xafada taleex, masjidka abdirashid ma oo aan looxa dhaqi jirnay, qadana ku riiqan jirnay banaanka dugsiga.

Cudur cusub oo sida Corona virus ah baa aduunka Ka dilaacay  Sweden Uganda Kenya baa laga helay iyo wadamo kale  Si xowl...
22/08/2024

Cudur cusub oo sida Corona virus ah baa aduunka Ka dilaacay
Sweden Uganda Kenya baa laga helay iyo wadamo kale
Si xowli ah buu u faafaya Somaliyey Hala taxadaro
Tolkeeyow is ilaaliya

"Markuu qarax dhaco Ambulance ku qaadaysa waxay share la tahay isbitaal hebeloow , dhowr isbitaal oo ku dhow ayey ku dha...
04/08/2024

"Markuu qarax dhaco Ambulance ku qaadaysa waxay share la tahay isbitaal hebeloow , dhowr isbitaal oo ku dhow ayey ku dhaafinee si kii shareta ay ku aheed ku gayso , waxaa macquul ah inaad dhiigbax u dhimato inta lagu sii wado , balse cidaada adoo meyd ah ayaa la leeyahay qaybta gargaarka ayuu ku jiraa waa lala tacaalayaa .

Marka lacagaha la shubo ayaa cida loo sheegaa inaa dhimatay." Ama aan waxba aysn uqaban karin oo ubaahanyhy ICU
Isbitaalkana uusan lahayn ICU

Arrinta isbitaalada&Ambulanceka waxbaa kajira waa in wax laga qabtaa?

Hadii aad farax ajnabi aad guur sato sidaan ayaad u duqobeysaa hada ka joog farax somali wax ku dhamo ineysan jirin ku d...
19/07/2024

Hadii aad farax ajnabi aad guur sato sidaan ayaad u duqobeysaa hada ka joog farax somali wax ku dhamo ineysan jirin ku duceyso hada mise waxaad ku dambeyneyso duqnimadaan ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

Dhacdo Ugub Ah๐Ÿ˜ฑNinkaan Idiin Muuqda Gabadh Ay Sheeko Wadaag Ahaayeen Ayaa Balamisay Isaguna Balantii Ayuu Macawis Usoo X...
13/07/2024

Dhacdo Ugub Ah๐Ÿ˜ฑ

Ninkaan Idiin Muuqda Gabadh Ay Sheeko Wadaag Ahaayeen Ayaa Balamisay Isaguna Balantii Ayuu Macawis Usoo Xidhay Markuu Xaafada Yimidna 6 Gabdhood Ooy Usii Diyaarisay Ayaa Garaacay Ilaa Uu Afka Sanka Iyo Dhagaha Dhiig Ka Keeno ฤฐyagoo Ku Dhawaaqaya Sheeg Sababta Aad Macawista Usoo Xidhatay

Waaryaadha Surwaalada Jiimiska Hala Ogaado

21/06/2024

Sheekh Faadumo "Xaajigeyga Boos 4-aad ayaa ka banaan Gabadhii galeysa waa soo dhaweenayaa"

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr cayarshe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category