Ogaalka Caafimaadka

Ogaalka Caafimaadka Si Aad u heshid Fariimo Caafimaad oo joogta ah Fadlan LIKE IYO FOLLOW Saar Page-ka (OgaalkaCaafimaa).

Dhacdada ugu Hadal-heynta badan isbuucan amakaageedana wadata...Dr suhail waa Nin udhashay Dalka Pakistan  kana hawlgali...
16/09/2025

Dhacdada ugu Hadal-heynta badan isbuucan amakaageedana wadata...

Dr suhail waa Nin udhashay Dalka Pakistan kana hawlgali jirey dhakhtar kuyaala gudaha dalka ingiriiska magalada Manchester Dr-kan ayaa isagoo qaliin xamaytida ah kujira isagga tagay bukaankii uu qalayay..
Wuxuuna tagay Qol kale isagga oo markaas Naag kale oo hospitalka ka shaqeyneysay lasoo sameeyay Galmo kuna maqnaa muddo 8-daqiiqo ah..

Daqiiqadahaas kadib ayuu bukaankii kusoo noqdey hawshiisiina halkii kasii watay" xariifka Naagtiisa ayay isku dhacsanayeen maalmahaas sida warbaahinada qaar sheegayaan...

Waa Maxay Astaamaha Uurka Cusub, Sidee Loo Ogaadaa, Maxaase Khatar Ku Ah UurkaUurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrim...
05/09/2025

Waa Maxay Astaamaha Uurka Cusub, Sidee Loo Ogaadaa, Maxaase Khatar Ku Ah Uurka

Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.

Waa maxay astaamaha uurka cusub?
Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili h**e soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

Daal
Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo
Naasaha oo barara ama danqada
Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela
Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.

Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu h**eeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.

Sidee lagu ogaadaa uurka?
Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.

Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.

Qorshaha daryeelka uurka
Waxaa lagaa rabaa inaad la socod siisid dhaqtar isla xiliga aad ogaatid inaad leedahay uur, sababtoo ah dhaqtarka wuxuu miskahaaga ku sameynayaa baaris caafimaad si loo xaqiijiyo uurka, mararka qaar waxaa lagu saarayaa kombiyuutarka Ultrasound si kormeer loogu sameeyo minka. Dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu ku sameeyo qiimeyn khaas ah dumarka la darsan halis caafimaad, sida dumarka ka weyn 35 sano, iyo dumarka qaba xanuunada wadnaha iyo sokoroowga.

Waxaa muhiimad caafimaad uleh uurka baaris joogta, iyo in si deg deg loo ogaado wax walba oo halis gelin kara caafimaadka canuga. Kombiyuutarka Ultrasound wwuxuu ogaan kkaraa jinsiga canuga kadib 16 todobaad marka ay ukunta ku dhegtay minka. Waxaa kaloo la ogaan karaa in uurkujirka uu si fiican ukorayo iyo in kale, dhaqtarka wuxuu ku siinayaa talooyin caafimaad, sida cunooyinka u wanaagsan uurka, iyo jimicsiga aad sameyn kartid xiliga aad uurka leedahay, waxay cunada Wanaagsan iyo jimicsiguba muhiimada weyn u leeyihiin adiga iyo uurjiifka. Waxaa kaloo muhiim ah inaad qaadatid Vitamin badan, sababtoo ah waxaa u baahan jirka koraya ee uurjiifka.

Maxaa khatar ku ah uurka.
Waxaa la ogaaday in dumarka da doodu ka yartahay 30 sano ay ka uur qaad fiican yihiin dumarka da daas kawayn, khatarta waxaa kamid ah:

Inaad ilmo badan sidid
Dhiig kar
Cudurada wadnaha
Kansar
Sokoroow
Cudurada kelyaha
Infekshan

Inta badan uurka Wanaagsan wuxuu qaataa 40 isbuuc, laakin dumarka qaar waxay ku dhalaan in ka yar ama kabadan, ilmaha dhasha 40 isbuuc kahor waxay la dhashaan dhibaatooyin caafimaad, sida miisaankooda oo yar, iyo joonis, mararka qaarna xubnahooda ma wada dhamaystirna.

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in haddii aadan habeenkii ilkahaaga cadaysan  ay kordhineyso halista aad ugu jirto cudu...
26/08/2025

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in haddii aadan habeenkii ilkahaaga cadaysan ay kordhineyso halista aad ugu jirto cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Khubaro caafimaad  ayaa sheegay in dufanka qarsoon ee jirka, gaar ahaan kan ku wareegsan caloosha iyo beerka uu keeni ka...
26/08/2025

Khubaro caafimaad ayaa sheegay in dufanka qarsoon ee jirka, gaar ahaan kan ku wareegsan caloosha iyo beerka uu keeni karo gabowga wadnaha.
Tani waxay kordhin kartaa khatarta cudurrada wadnaha.
Inkasta oo wadnuhu si dabiici ah u gaboobo da’da awgeed, haddana waxyaabaha sida stress-ka, cunto xumida, jimicsi la’aan, iyo hiddo-sideyaasha qaarkood ayaa xoojiyo gabowga h**e.

25/08/2025

Dadka hurdada ku dhex hadla iyo sababta.
Sii fafai

22/08/2025

Shanta cunto ee ugu fiican caafimaadka ilkaha
Sii faafi

16/08/2025

Siigaysiga Diinta maxay ka qabtaa | sh shibil

"Kalkaalisadii dadka badbaadisay, haddana iyada la badbaadin la’yahay""Utman Bardisa" waa gabar 29 jir ah oo u dhalatay ...
15/08/2025

"Kalkaalisadii dadka badbaadisay, haddana iyada la badbaadin la’yahay"

"Utman Bardisa" waa gabar 29 jir ah oo u dhalatay dalka mareykanka gaar ahaan gobolka Florida. Waxay ka shaqayn jirtay isbitaalka Advent Health Palm Coast Parkway, halkaas oo ay muddadii u dhaxaysay bishii Luulyo 2023 ilaa Janaayo 2025 ka qayb qaadatay daaweynta bukaan gaaraa 4,486 .

Maamulka isbitaalka ayaa darajo sare ugu dallacsiiyay kalkaaliso ahaan, sababtoo ah dadaalkeeda joogtada ah, daacadnimadeeda iyo inaysan hal maalin maqnaan ama dib u dhac shaqo sameyn.

Laakiin booliiska ayaa dhawaan xiray kadib markii la ogaaday inaysan dhab ahaantii kalkaaliso ahayn, balse ay isticmaashay waraaqo been abuur ah si ay shaqada ugu gasho. Hadda waxa lagu hayo baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa maxkamad.

Degdeg: Dalka Ruushka ayaa bilaabaya  tijaabooyin lagu sameynayo bini’aadamka oo ku saabsan tallaalkii ugu horreeyay ee ...
09/08/2025

Degdeg: Dalka Ruushka ayaa bilaabaya tijaabooyin lagu sameynayo bini’aadamka oo ku saabsan tallaalkii ugu horreeyay ee ka dhan ah cudurka kansarka ee adduunka oo lagu sameeyay farsamada casriga ah ee AI.
Tallaalkan oo loo arko horumar taariikhi ah ayaa bilaash loogu qeybin doonaa bukaanada, iyadoo la filayo inuu iftiin cusub u noqdo malaayiin qof oo adduunka la tacaalaya cudurkan halista ah.

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in hilibka la warshadeeyey uu kordhiyo halista cudurrada sida sonkorowga, cudurrada wad...
03/08/2025

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in hilibka la warshadeeyey uu kordhiyo halista cudurrada sida sonkorowga, cudurrada wadnaha iyo kansarka.

Kebaad tahay?
30/07/2025

Kebaad tahay?

✅ *Sida Loogu Dhiso Muruqyada Lugaha (Calves) oo Waaweyn*  ① *Fadhi Dumbbell Calf Raise* ② *Taagan Barbell Calf Raise* ③...
29/07/2025

✅ *Sida Loogu Dhiso Muruqyada Lugaha (Calves) oo Waaweyn*

① *Fadhi Dumbbell Calf Raise*
② *Taagan Barbell Calf Raise*
③ *Half Squat Calf Raise*
④ *Fadhi Barbell Calf Raise*

*3 jeer (sets) × 15-20 ku celcelin (reps)*

*FG:💡 Ku dadaal inaad si tartiib ah u sameyso dhaqdhaqaaq kasta, adigoo xoogga saaraya xiirista murqaha lugaha hoose.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaalka Caafimaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ogaalka Caafimaadka:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category