03/03/2026
Muhiimadda Ay Leedahay Biyo-Cabista Gaar ahaan Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
Xog-ururin (Survey) aan ka sameynay wadayaasha mootooyinka Bajaj-ka ee Mogadishu ayaa muujisay in biyo-cabistu tahay arrin aad muhiim u ah caafimaadka.
Biyaha waxa ay ka mid yihiim nimcooyinka uu Alle nagu manaystay, waana cunsur asaasi ah oo nolosha bani’aadamka lagama maarmaan u ah.
Jirka aadanaha celcelis ahaan 60–70% biyo ayuu ka kooban yahay, waxaana qiyaastii jirka qofka weyn ku jira ilaa 42 litir oo dareere ah (Body Fluid Components).
Celcelis ahaan, qofka qaangaarka ah waxaa lagula talinayaa inuu 24-ka saac gudahood cabo 2 ilaa 3 litir oo biyo ah, taas oo u dhiganta 8 ilaa 10 koob, iyadoo ku xiran cimilada, shaqada uu qabto iyo xaaladdiisa caafimaad.
Haddii biyo-cabistu yaraato, waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin:
Dhagxaanta kilyaha ku samaysma (Kidney Stones)
Qalaylka maqaarka (Dry Skin)
Saameyn ku timaadda wareegga dhiigga iyo shaqada wadnaha (Cardiovascular System)
Calool-fadhi (Constipation)-(Reduced GastroColic Refelex).
Alle SWT wuxuu Qur’aanka Kariimka ah ku yiri:
"وجعلنا من الماء كل شيء حي أفلا يؤمنون"
Macnaheedu waa: “Waxaan ka yeelnay biyaha wax kasta oo nool, miyaanay rumaynayn?”
NAFTA BIYO NOLOSHA CAANO.
DrSaid Sh Mohamed Mukhtar Y Mohamed Hassan Ali Indhoy
Abdullahi Aynte Abdinasir Moallim Hassan Abdi-waahid Ahmed Abdirahman Rashid