10/10/2025
Bukaankan wuxuu lahaa nabro sanbabada ku yaallay, waxaana looga shakisanaa buro (Cancer) waxaan u samaynay Tubbada Neefmareenka ee kaamirada wadata ka dibna, waxaan kasoo jarnay cad, dheecaanna waan kasoo qaadnay (bronchoscopy with lavage and biopsy).
Cadki iyo dheecaankiba waxay si isku mid ah u xaqiijiyeen in waxa nabraha sameeyey ay ahaayeen Qaaxo ama Tiibisho (MTB), balse uusan kansar jirin.
Kaamirada Neefmareenka (Bronchoscopy) waxay u muhiim u tahay xaqiijinta cudurada halista ah ee ku dhaca Neefmareenka iyo daawayntoodaba.