25/09/2022
Sida ugu fudud ee loo daaweeyo finanka wejiga?
Dadka qaba finanka wejiga waxay la kulmaan boqollaal shay, oo isugu jira kareem iyo waxyaabo kale, oo loo sheego in ay saaraan finanka.
Maadooyiinkee raadin lahayd?
"Waxaad heli kartaa wax ka kooban AHAs (alpha hydroxy acids) iyo BHAs (beta hydroxy acids)," ayey tiri Dr Mahto.
"Maxay yihiin AHAs iyo BHAs. Waa waxyaabo ah kiimiko aad u fudud oo haragga ka saaraya waxa dhalinayo finanka.
Qiimahoodu wuu kala duwan yahay, qof kastaana wuu iibsan karaa.
Balse dooqa muxuu yahay, noocee ugu wanaagsan oo aad raadin lahayd, sideese ku garaneysaa nooca daawada u ah finanka.
"Waxay daawooyiinkaasi si wax ku nool ah u xallinayaan qeybta sare ee haragga ee unugyadooda ay ka dhinteen, waxayna fureysaa doloolada wejiga ee xirmay.
"AHAs-ka caanka ah waxay ka kooban yihiin dareeraha 'lactic acid' iyo 'glycolic acid'. BHAs-ka caanka ahna waxay ka kooban yihiin daawada 'salicylic acid'.
"Sidoo kale waxaad raadin kartaa daawada Zinc oou wanaagsan ka hortagga finanka iyo bararka ay dhaliyaan.
"Daawada loo yaqaano Niacinimide, xaqiiqdii aad bay u fiican tahay. Waxaa loo arkay in ay yareyneyso saliidda wejiga ku badan, sidoo kale waxay daaweyneysaa oo ay soo celineysaa midabka, waxayna baabi'ineysaa calaamada iyo baraha madow ee finanka ku reebaan wejiga.
"Sidoo kale waxaa jiro cadeyn muujineysa in saliidda geedka caleenta ay wax tar fiican leedahay, haddii aad dooneyso in wejigaaga uu ku noqdo sidii "dabiiciga ahayd".
"Marka aad eegto qeybta dambe ee daawada, waa muhiim in aad aqriso in maadooyiinkaas ay ku jiraan. Waxaa lagu qoraa qeybta kore. Hadaba waad ogaan kartaa in walxahaas ay waxtar leeyihiin]".
Muddo intee la eg ayey qaadaneysaa in daawada ay waxtarto?
"Waa in aad adeegsataa ugu yaraan dhowr isbuuc," ayey tiri.
"Finanka waxay sameysmaan 30 daqiiqo kaste. Daaweyn kaste oo aad sameyneyso waa in aad joogteysaa.
"Waa in aad isticmaashaa hal nooc oo ah daawada wejiga lagu dhaqdo oo leh AHA ama BHA, haddii aadan si joogto ah u isticmaalin, waxaa suuragal ah in godadka wejiga markale ay xirmaan.
"Waa in aad ku celcelisaa daaweynta, haddii kale ma heleysid faa'idada".
Cilmibaaris: Saliidda kalluunku waxba kuma kordhiso garaadka carruurta
'Carruurta Tanzania oo ugu caafimaad badan adduunka oo dhan'
Daawo Malaaryo oo la ogaaday in ay sidoo kalana difaacdo xannuuno galmada lagu kala qaado
Balse, Dr Mahto waxay sheegtay in aysan jiri daawo la hubo oo qofkaste uu faa'iido kal helayo, dadkana ay kala duwan yihiin.
Waxay sidoo kale sheegtay, "haddii daawada ama kareemka aad isticmaaleyso aysan ku jirin maadooyiinka AHA ama BHA, qarash ha ku bixinin".
Daawada kulul finanka makaga sii dartaa?
Si kooban - maya. Waa in aad mararka qaar isticmaashaa waxyaabaha kulul.
Goormaan u baahanahay in aan dhaqtar arko?
"Haddii aad daawo isticmaasho laba isbuuc oo aadanna arag isbedel," ayey tiri Dr Mahto.
"Haddii aad ogaato in noocyada finanka ay isu bedelayaa casaan, halkii ay madow ama caddaan ka noqon lahaayeen.
"Haddii finanka ay ku cabsigelinayaan, haddii aad dareento in aad dadka ka hartay, oo wejigaagana gaduud uu noqday.
"Haddii finanka ay kugu ridaan kalsoonidaro, haddii ay kaa hor istaagaan in aad iskuul aado, ama dadka aad dhexgasho, taasi waxay muujineysaa in ay qasab tahay in aad dhaqtar aragto." ayey tiri.
"Saliidda iyo biyaha wejiga ku jiro iskumid ma'aha," ayey tiri Dr Mahto.
"Wejigaaaga wuxuu noqon karaa mid aan biyo lahayn, hadana saliid badan weli ay ka soo baxeyso.
"Arrinta kale waxay tahay, daawada kulul waxay daaweyneysaa waxyaabaha shaqada ka hor istaagaya unugyada wejiga.
"Kareemyada saliidda badan leh iyo weji saliid leh, weligey kuma taliyeen in la isu dhoweeyo. Waxaad u baahan tahay kareem aan saliid lahay oo sida gel-ka ah."