AL-Hayat Clinic Center

AL-Hayat Clinic Center you healthy our priority

16/11/2022
Sida ugu fudud ee loo daaweeyo finanka wejiga?Dadka qaba finanka wejiga waxay la kulmaan boqollaal shay, oo isugu jira k...
25/09/2022

Sida ugu fudud ee loo daaweeyo finanka wejiga?
Dadka qaba finanka wejiga waxay la kulmaan boqollaal shay, oo isugu jira kareem iyo waxyaabo kale, oo loo sheego in ay saaraan finanka.

Maadooyiinkee raadin lahayd?
"Waxaad heli kartaa wax ka kooban AHAs (alpha hydroxy acids) iyo BHAs (beta hydroxy acids)," ayey tiri Dr Mahto.

"Maxay yihiin AHAs iyo BHAs. Waa waxyaabo ah kiimiko aad u fudud oo haragga ka saaraya waxa dhalinayo finanka.

Qiimahoodu wuu kala duwan yahay, qof kastaana wuu iibsan karaa.

Balse dooqa muxuu yahay, noocee ugu wanaagsan oo aad raadin lahayd, sideese ku garaneysaa nooca daawada u ah finanka.
"Waxay daawooyiinkaasi si wax ku nool ah u xallinayaan qeybta sare ee haragga ee unugyadooda ay ka dhinteen, waxayna fureysaa doloolada wejiga ee xirmay.

"AHAs-ka caanka ah waxay ka kooban yihiin dareeraha 'lactic acid' iyo 'glycolic acid'. BHAs-ka caanka ahna waxay ka kooban yihiin daawada 'salicylic acid'.

"Sidoo kale waxaad raadin kartaa daawada Zinc oou wanaagsan ka hortagga finanka iyo bararka ay dhaliyaan.

"Daawada loo yaqaano Niacinimide, xaqiiqdii aad bay u fiican tahay. Waxaa loo arkay in ay yareyneyso saliidda wejiga ku badan, sidoo kale waxay daaweyneysaa oo ay soo celineysaa midabka, waxayna baabi'ineysaa calaamada iyo baraha madow ee finanka ku reebaan wejiga.

"Sidoo kale waxaa jiro cadeyn muujineysa in saliidda geedka caleenta ay wax tar fiican leedahay, haddii aad dooneyso in wejigaaga uu ku noqdo sidii "dabiiciga ahayd".

"Marka aad eegto qeybta dambe ee daawada, waa muhiim in aad aqriso in maadooyiinkaas ay ku jiraan. Waxaa lagu qoraa qeybta kore. Hadaba waad ogaan kartaa in walxahaas ay waxtar leeyihiin]".
Muddo intee la eg ayey qaadaneysaa in daawada ay waxtarto?
"Waa in aad adeegsataa ugu yaraan dhowr isbuuc," ayey tiri.

"Finanka waxay sameysmaan 30 daqiiqo kaste. Daaweyn kaste oo aad sameyneyso waa in aad joogteysaa.

"Waa in aad isticmaashaa hal nooc oo ah daawada wejiga lagu dhaqdo oo leh AHA ama BHA, haddii aadan si joogto ah u isticmaalin, waxaa suuragal ah in godadka wejiga markale ay xirmaan.

"Waa in aad ku celcelisaa daaweynta, haddii kale ma heleysid faa'idada".

Cilmibaaris: Saliidda kalluunku waxba kuma kordhiso garaadka carruurta
'Carruurta Tanzania oo ugu caafimaad badan adduunka oo dhan'
Daawo Malaaryo oo la ogaaday in ay sidoo kalana difaacdo xannuuno galmada lagu kala qaado
Balse, Dr Mahto waxay sheegtay in aysan jiri daawo la hubo oo qofkaste uu faa'iido kal helayo, dadkana ay kala duwan yihiin.

Waxay sidoo kale sheegtay, "haddii daawada ama kareemka aad isticmaaleyso aysan ku jirin maadooyiinka AHA ama BHA, qarash ha ku bixinin".
Daawada kulul finanka makaga sii dartaa?
Si kooban - maya. Waa in aad mararka qaar isticmaashaa waxyaabaha kulul.
Goormaan u baahanahay in aan dhaqtar arko?
"Haddii aad daawo isticmaasho laba isbuuc oo aadanna arag isbedel," ayey tiri Dr Mahto.

"Haddii aad ogaato in noocyada finanka ay isu bedelayaa casaan, halkii ay madow ama caddaan ka noqon lahaayeen.

"Haddii finanka ay ku cabsigelinayaan, haddii aad dareento in aad dadka ka hartay, oo wejigaagana gaduud uu noqday.

"Haddii finanka ay kugu ridaan kalsoonidaro, haddii ay kaa hor istaagaan in aad iskuul aado, ama dadka aad dhexgasho, taasi waxay muujineysaa in ay qasab tahay in aad dhaqtar aragto." ayey tiri.

"Saliidda iyo biyaha wejiga ku jiro iskumid ma'aha," ayey tiri Dr Mahto.

"Wejigaaaga wuxuu noqon karaa mid aan biyo lahayn, hadana saliid badan weli ay ka soo baxeyso.

"Arrinta kale waxay tahay, daawada kulul waxay daaweyneysaa waxyaabaha shaqada ka hor istaagaya unugyada wejiga.

"Kareemyada saliidda badan leh iyo weji saliid leh, weligey kuma taliyeen in la isu dhoweeyo. Waxaad u baahan tahay kareem aan saliid lahay oo sida gel-ka ah."

Eczema (atopic eczema)  waa nuuc ka mid ah cambaarta waxa ayna inta badan ku timaada hidaha oo ah mid asal ahaan laga he...
21/07/2022

Eczema (atopic eczema) waa nuuc ka mid ah cambaarta waxa ayna inta badan ku timaada hidaha oo ah mid asal ahaan laga heli karo hal qoys.
Cambaarta hidde ah waxay si siman u saamaysaa labada jinsi waxayna caadi ahaan bilaabantaa toddobaadyada ama bilaha nolosha ugu horreeya. Waxay ugu badnaan taabataa carruurta, iyadoo mar uun saamaysa sabiga ugu yaraan boqolkiiba 10% Waxay caadi ahaan baaba’daa muddada carruurnimada, inkastoo ay ku sii socon karto dadka waaweyn ama waxay soo noqon kartaa sanadaha dhowr iyo toban jirka ama sanadaha ugu horreeya ee qaangaarka. Waxay marka ugu horraysa ku dhalan kartaa dadka waaweyn qaarkood.
Qofka qaba Eczema calaamadaha lagu arko waxaa ka mid ah.
1- Isbedel ku dhaca meelaha ay saameyso maqaarka sare ee jirka
2- Qolof kac
3- Adeeg iyo qalayl meesha bugta ah
4- Mararka qaar oo ay biya gashato
5- Cun cun iyo barar laga dareemo meesha bugta.
6- Dhiig ka yimaada marka la xoqo meelaha cambaarta leh
Meelaha lagu arko calaamadaas ayay noqon kartaa wajiga, xusulada, madaxa, iyo jilbaha.
Maxaa kicin kara Cambaarta?
1- Waxaa kicin kara waxyaabo farabadan sida qofka mesha uu ku noolyahay, kulaylka, iyo boorka.
2- Caafimaad daro sida, Hargabka, bakteria, ama virus,.
3- Inta badan dadka qaba Neefta way ku kicisaa Cambaarta.

Miyaa la wada dawayn karaa Cambaarta?
Waa maya! laakiin waxaa jira siyaabo farabadan oo lagu maamuli karo. Carruurta qabta cambaarta hidddaha ah intooda badan way ka roonaadaan marka ay koraan (boqolkiiba 75 ayay ka baaba’daa marka ay gaaraan dhowr iyo toban jir). Hase yeeshee, dadka cambaarta lahaa qaar farabadan ayaa sii yeesha harag engegan waxayna u baahan yihiin in ay ka fogaadaan waxyaabaha cuncunka dhaliya sida saabuunnada ama qubaysiyada jiifka ee xumbada leh. Cambaartu waxay ku sii socon kartaa dadka waaweyn, laakiin waxaa lagu maamuli karaa daawaynta habboon. Cambaarta hiddaha ah waxay dhibaato ku noqon kartaa dadka haya shaqooyin gaar ah sida Tima jaraha, geed jarista iyo qodista Macaadinta.
Sidee cambaartan hiddaha ah loo daawayn karaa?
Waxaad u baahan doontaa talobixinta xirfadlaha daryeelka caafimaadka ee ku saabsan daawaynta sida ugu fiican ugu habboon cambaartaada iyo muddada aad taas sii isticmaalayso. Habka ugu badnaan lagu daaweeyo cambaarta hiddha ah waxaa ka kooban basaas-tireyaal iyo daawooyinka jirka la mariyo ee joojiya bararka ee steroid la yiraahdo.
Sidoo kale waxad ku dawayn kartaa Ant fungal ointments iyo Kaniiniyaasha Xasaasiyada loo isticmaalo.

Xigasho. (Dr. Shaahid)

Waxan Qoraalkan uga hadli doona cudurkan inta badan lagu arko Soomaalida ahna kuwa ugu caansan ee maqaarka ku dhaco waxa...
21/07/2022

Waxan Qoraalkan uga hadli doona cudurkan inta badan lagu arko Soomaalida ahna kuwa ugu caansan ee maqaarka ku dhaco waxaana loo yaqaana Qawid.
Qawidka waxaa afka qalaad lagu dhahaa (Tinea Versicolor)

Maxaa Keena Qawidka?

Qawidka waxaa keena Fangaska loo yaqaano "(Pityrosporum orbiculare) waxa uuna ka midyahay kuwa keena Cudurka loo yaqaano Cabeebka.

Qawadka waxaa inta badan lagu arkaa dadka qaan gaarka ah ama waaweyn mana ahan cudur sidaas halis badan ugu keeno bini-aadamka marka laga reebo inuu kalarka maqaarka calaamado u yeelo sharaxsharax ah.

Sidee ku tarmaa ama ku faafi karaa Qawidka?

Fangaska keeno qawadka qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno qawad illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.
Dhididka wuxuu qawadka ku saacidaa inuu tarmo jeermiska fangaska kadibna jirka ka soo muuqdo.
Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale qawadku wuxuu fursad u helaa in jirka safiican ugu faafo.
Sidaa awgeed dadka halista ugu jiro waa:
1- Dadka leh maqaarka dufanka ku badan tahay
2- Dadka ku nool dhulalka kuleelaha.
3- Dadka dhididka badan.
4- Dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo.

Meelaha iyo calaamadaha lagu garan karo Qawidka

Meelaha lagu arko calaamadaha qawadka waxaa ka mid ah:-
1- Dhabarka iyo qaybta dambe ee Garbaha
2- Qoorta.
3- Wajiga iyo dhafoorka
4- Gumaarka Gumaarka, qaybo kale oo jirka ka mid ah waa kasoo muuqan karaa

Sidee looga hortagaa Qawadka?

Qawadka waxaa looga hortagi karaa adigoo iska ilaaliya dhididka ama qaata dhar hawadu ka gudbayso, joogtane dharka u badasho, iska ilaali qoraxda in aad isku dhigto haddii aad qawadka u nugushahay.
Haddii difaacaaga jirka uu hooseeyo isku day sidaa kor ugu qaadi lahayd adigoo daawo u qaato cudurka difaaca hoos u dhigay, haddii daawo ay keentayne aad joojisid adigoo la tashanaya dhakhtarka kuu qoray.
Sidee la isaga daweeya Qawadka?

Qawadka waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambooyinka kala ah. Selsun, Nizoral & Ketoconazol.

Qawadku markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kor ku soo sheegay.
Waxaa jirro cudurro kale oo qawadka u ekaan karo sidaa awgeed qawadka waa la baaraa oo qolof ayaa laga qaadaa jirkaaga kadib ayaa la baaraa.

Qawadku Qatar kale ma keeni karaa?

Haa waa Keeni karaa balse waa hadii uu Cun cun keeno taasna ay sababto in Maqaarki uu dhaawacmo Fangaskii ayaa usii gudba qaybo kale oo jirka hoose ka mid ah waxa uuna keena Nabro kuwaas oo Cudur ahaan loo yaqaano (Pityrosporum folliculitis)

Xigasho . DR Shaahid

Aga gaar ka masjid Al iman Kaxda .𝐅𝐠. 𝐀𝐫𝐛𝐚𝐜𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐦𝐢𝐬 𝐛𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐥𝐚,𝐚𝐚𝐧 .
20/07/2022

Aga gaar ka masjid Al iman Kaxda .

𝐅𝐠. 𝐀𝐫𝐛𝐚𝐜𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐦𝐢𝐬 𝐛𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐥𝐚,𝐚𝐚𝐧 .

Address

Kaxda Road
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AL-Hayat Clinic Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram