Dr. Abdihakim Jama

Dr. Abdihakim Jama Healthcare Professional | GP Focused on Primary & ENT Care | Passionate About Comprehensive Patient Wellness.

๐…๐€๐€'๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐’๐Ž๐‚๐Ž๐ƒ๐Š๐€ ๐’๐”๐๐€๐—๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐„ ๐–๐€๐—๐€ ๐Š๐€๐Œ๐ˆ๐ƒ ๐€๐‡โœ… ๏ธXoojinta niyada & hormarinta      Caafimaadqabka jireed ...
14/09/2025

๐…๐€๐€'๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐’๐Ž๐‚๐Ž๐ƒ๐Š๐€ ๐’๐”๐๐€๐—๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐„ ๐–๐€๐—๐€ ๐Š๐€๐Œ๐ˆ๐ƒ ๐€๐‡

โœ… ๏ธXoojinta niyada & hormarinta
Caafimaadqabka jireed iyo maskaxeed
โœ… Hagaajinta caafimaadqabka wadnaha
โœ…๏ธ Kaalmeynta Miisaan dhimista jirka
โœ…๏ธ Hormarinta shaqada sambabadda
โœ…๏ธ Xoojinta murqaha & lafaha jirka
โœ…๏ธ Hagaajinta dheefshiidka
โœ… ๏ธHormarinta tayadda hurdada
โœ…๏ธ Yareynta walwalka & isku buuqa
โœ…๏ธ Hormarinta difaaca jirka
โœ…๏ธ Dhiirigelinta caadooyinka wanaagsan
โœ… ๏ธHormarinta difaaca jirka, Hagaajinta
Diirad saarista iyo hal abuurnimada



Subax wanaagsan๐ŸŒ…. Saaxiibadda halkaan ku xiranow waxa aan idin rajeynayaa subax farxad iyo caafimad leh.
14/09/2025

Subax wanaagsan๐ŸŒ….

Saaxiibadda halkaan ku xiranow waxa aan idin rajeynayaa subax farxad iyo caafimad leh.

13/09/2025

DAAWO

Wareysi kooban oo ku saabsan xanuunka Gowracatadda, saameyntiisa bulshada iyo siyaabaha halistiisa hoos loogu dhigi karo, oo ay ila yeesheen Telefishinka & Idaacadda Gobalka Banaadir si bulshadda loo gaarsiiyo wacyigelin caafimaad oo ku saabsan halista xanuunkani Gowracatada iyo siyaabaha hoos loogu dhigi karo faafistiisa bulshadda si gaar ah caruurta.


13/08/2025

This is why the maternal mortality rate is high in Sub-Saharan Africa.
According to the United Nations 2023 report on maternal mortality, about 70% of all maternal deaths worldwide occur in Sub-Saharan Africa.

ู„ู‡ุฐุง ุงู„ุณุจุจ ู…ุนุฏู„ ูˆููŠุงุช ุงู„ุฃู…ู‡ุงุช ู…ุฑุชูุน ููŠ ุฃูุฑูŠู‚ูŠุง ุฌู†ูˆุจ ุงู„ุตุญุฑุงุก.
ูˆูู‚ู‹ุง ู„ุชู‚ุฑูŠุฑ ุงู„ุฃู…ู… ุงู„ู…ุชุญุฏุฉ ู„ุนุงู… 2023 ุญูˆู„ ูˆููŠุงุช ุงู„ุฃู…ู‡ุงุชุŒ ูŠุญุฏุซ ุญูˆุงู„ูŠ 70ูช ู…ู† ุฌู…ูŠุน ูˆููŠุงุช ุงู„ุฃู…ู‡ุงุช ููŠ ุงู„ุนุงู„ู… ููŠ ุฃูุฑูŠู‚ูŠุง ุฌู†ูˆุจ ุงู„ุตุญุฑุงุก.

๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐šSanad kasta 1-da ilaa 7-da bishani Agoosto, waxa dunida laga xusaa toddobaadka naasnuujinta si s...
07/08/2025

๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š

Sanad kasta 1-da ilaa 7-da bishani Agoosto, waxa dunida laga xusaa toddobaadka naasnuujinta si sare loogu qaado wacyiga naasnuujinta iyo faa'iidooyinka caafimaad ee ay u leedahay hooyadda iyo ilmaheeda dhalaanka ah.

Naasnuujintu waxa ay uleedahay hooyadda iyo ilmeedaba faa'iidooyin farabadan oo ay kamid yihiin, koritaanka ilmaha si hagaagsan, helitanka nafaqo dheelitiran, difaac sare, xiriir adag iyo jaceyl wanaagsan dhexmara hooyadda iyo ilmaha dhalaanka ah.

Hooyaddu waxa ay ka heleysaa faa'iidooyin ay ugu h**eeyaan iskusoo uruurista minka dhalmada kadib, yareynta dhiigbaxa dhalmadda kadib iyo hoos u dhigista halista kansaradda naasaha, ugxan sidayaasha, cuduradda wadnaha, macaanka heerka kabaad iyo lafo burburka.

Hooyo nuuji ilmahaada 2 sanno, lixda bil ee ugu h**eysana waxa ku filan caanaha naaska oo aynan wax kale wehliyeynin haddi aadan laheyn xaalad caafimaad darro.

Nuujinta naasku, nuunahaada waxa ay siisaa nafaqo dheelitiran, koriinsho hagaagsan iyo difaac adag. Hayareysan ee nuuji nuunahaadda.



Sanad kasta 1-da Bishaan Agoosto, waxa dunida laga sameeyaa wacyigelin ku saabsan Kansarka Sambabadda. Kansarka sambabad...
02/08/2025

Sanad kasta 1-da Bishaan Agoosto, waxa dunida laga sameeyaa wacyigelin ku saabsan Kansarka Sambabadda.

Kansarka sambabadu waa midka waqtigaan la joogo hormuudka u ah dhimashadda ugu badan ee ay sababaan kansaraddu. Sanadkasta waxa u geeriyooda kansarka sambabadda in kabadan 1.8 milyan oo qof.

Kansarkani waxa uu saameyaa lab iyo dhedigba, inkasta oo uu taariikh ahaan saameynta ugu badan ku lahaa ragga.

Sababta ugu weyn ee kansarkani waxa ay tahay cabista sigaarka, taasi macnaheedu ma ahan sigaarka kuwa caba oo keliya balse waxa uu sidoo kale saameynayaa kuwa lagu ag cabo oo loogu yeero cabaayaasha labaad.
Waxa uu sidoo kale saameyn karaa, dadka aan sigaarka cabin iyadda oo ay ugu wacantahay wasaqowga hawadda, hawooyinka sunta ah, dhaxal iwm.

Haddaba, ujeedada wacyigelin ee maalintani ayaa ah gaarsiinta bulshadda sababaha keena kansarkani sambabadda, joojinta isticmaalka sigaarka iyo sameynta baaritaanadda waqti h**e si daaweyn iyo daryeel h**e bukaanku u helo.

Kansarka sambabadu ma saameeyo oo keliya kuwa caba sigaarka. Ilaali sambabadaada oo saameey baaris waqti h**e, yareyn unuglaanshaha xanuunkani oo ka wacyigeli kuwa aad jeceshahay.

Sambabo caafimaad leh iyo hawo nadiif ah

03/01/2025

Waxa aan wareysi kooban siiyayay Warbaahinta Codka Caasimadda FM, barnaamijkooda caafimaad ee toddobaad laha ah.

Barnaamijka waxa aan uga hadalnay xanuunka HIV/AIDs, calaamadaha lagu garto, hababka uu ku faafo iyo siyaabaha hoos loogu dhigo karo faafista xanuunka.

.

๐—๐”๐’๐Š๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐๐“๐€ ๐‚๐€๐€๐‹๐€๐Œ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ ๐„๐„ ๐Ž๐Ž๐…-๐–๐€๐‘๐„๐„๐๐Š๐€ ๐€๐ƒ๐ƒ๐”๐”๐๐Š๐€(๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐๐๐„๐”๐Œ๐Ž๐๐ˆ๐€ ๐ƒ๐€๐˜): | ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ก๐š๐ค๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐‰๐š๐ฆ๐š12-ka November,...
12/11/2024

๐—๐”๐’๐Š๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐๐“๐€ ๐‚๐€๐€๐‹๐€๐Œ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ ๐„๐„ ๐Ž๐Ž๐…-๐–๐€๐‘๐„๐„๐๐Š๐€ ๐€๐ƒ๐ƒ๐”๐”๐๐Š๐€(๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐๐๐„๐”๐Œ๐Ž๐๐ˆ๐€ ๐ƒ๐€๐˜): | ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ก๐š๐ค๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐‰๐š๐ฆ๐š

12-ka November, sanad waliba waxa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Oof-wareenka adduunka. Maanta oo kale waxa dunida laga sameeya wacyigelin iyo olole baraarujineed oo kor loogu qaadayo wacyiga oofwareenka iyo dhibaatada uu leeyahay.

Oofwareenku(Pneumonia), waa xanuun ku dhaca neefmareenka gaar ahaanse, sambabada, kiishashka hawada(Alveoli) iyo interstitial spaces-ka kuwaasi oo noqda kuwo ay ka buuxsamaan dheecaan ama malax sababa dhibaatooyin neefsiga ah. Waxa sababa xanuunkani waa bakteeriya, sidoo kale waxa sababi kara fayrus ama fungus. Oofwareenku waa xanuunka ugu badan ee dila caruurta ka yar da'da 5 jirka. Sanad waliba waxa u geeriyooda xanunkani kudhawaad 740 000 oo qof.

๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐š๐š๐ ๐ค๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ญ๐จ, ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š๐ง๐ข ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก: qufac (badanaa qalalan), neefta oo ku dhibta, xabad xanuun, qandho, garaca wadnaha oo kordha, madax xanuun, dhidid, lalabo ama matag. Waxa sidoo kale jira astaamo kale laakiin ah kuwo aan badanaa la arkin waxana kamid ah, qufac dhiig lasocdo, xiiq, daal, kalagoysyo xanuun iyo murqo xanuun.

๐˜๐€๐€ ๐‡๐€๐‹๐ˆ๐’ ๐”๐†๐” ๐‰๐ˆ๐‘๐€ ๐€๐Œ๐€ ๐”๐” ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€๐๐ˆ ๐‡๐€๐‹๐„๐„๐‹๐ˆ ๐Š๐€๐‘๐€๐€?

Xanuunkani waxa uu ku dhici karaa ama halis ugu jira:

1. Dhalaanka iyo caruurta yaryar
2. Dadka da'da ah
3. Sigaar cabayaasha(dadka caba sigarka)
4. Bukaanada qaba xanuunada, kilyaha, beerka, wadnaha iyo neefta.
5. Dadka difaaca jirkoodu hooseeyo iyo kuwa qaba xanuunada AIDs-ka iwm.

๐‡๐€๐๐Š๐€ ๐๐€๐€๐‘๐ˆ๐’๐“๐€ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€ ๐Ž๐Ž๐…๐–๐€๐‘๐„๐๐Š๐€?

Oofwareenku, waxa u ubahanyahay hubin ama baaris saxan. Waxa uu astaamo la wadaagaa xanuunkani, xanuunadda neefta, xanunka tuboyinka hawo marenka iyo hargabka.

Waxa la adeegsan karaa baaritaanada kala ah: Qiimeyn guud sida dhageysiga dhawaqa sambabadda, ogaanshaha heerka oxygen-ta jirka, Raajada xabadka(Chest X-ray), baaris dhiiga ah(Blood test), Xaako bacrimin(Sputum Culture), Bronchoscopy(Tuubo hawo marenka lamarsinayo) iyo CT Scan.

๐ƒ๐€๐€๐–๐„๐˜๐๐“๐€ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€ ๐Ž๐Ž๐…๐–๐€๐‘๐„๐„๐๐Š๐€(๐๐ง๐ž๐ฎ๐ฆ๐จ๐ง๐ข๐š)?

Daaweynta xanuunkani waa mid sahlan, oo la daweyn karo, hadii sababaha xanuunku yahay noolaha ilma aragtada ee bakteeriyada ah, waxa la isticmaalayaa Qalajiyayaal. Xaaladaha kale ee la arko waa lala tacaalayaa si bukaanku u helo bogsasho hagaagsan. Hadii uu heerka xanuunku yahay mid sahlan oo bukaanka gurigiisa lagu dabiibayo waa in uu dawada si saxan u isticmaalaa, nasiino helaa, cabitaan badana cabaa. Hadii xaladisu ay tahay mid daran, waxa lagu dabiibi doonaa isbitaalka ama xarunta caafimaad.

Waxa jira talaal xanuunkani loogu talo galay, oo la siin karo dadka halista ugu jira.

๐‡๐€๐๐Š๐€ ๐€๐€๐ƒ ๐”๐†๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐“๐€๐†๐ˆ ๐Š๐€๐‘๐“๐ˆ๐ƒ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€๐๐ˆ ๐–๐€๐—๐€ ๐Š๐€๐Œ๐ˆ๐ƒ ๐€๐‡:

1. Marki aad qufaceyso ama aad hindhiseyso in afkaada aad ku daboosho, tiish ama istiraasho nadiif ah
2. Gacmaha inaad iska dhaqdo oo aad nadiifiso si aynaan noolayasha sababa xanuunku kuugu gudbin.
3. Tiishka ama marada aad isticmaasho oo aad iska dheereyso, dadka kalena aad ka dheereyso ama aad ku rido weelka qashinka.
4. Yareynta wasakheynta hawada
5. Isticmaalka cuno dheelitiran
6. Kala fogaanshaha caruurta sigaarka marki aad cabeyso ama inaad kala dheeraato goobta ay ku suganyihin.

Ka dhowr dhalaanka iyo caruurta yaryar xanuunkani, katalaal dadka waaweyn kana dheerow cabista sigaarka.

โ€œEvery Breath Counts: Stop Pneumonia in Its Track.โ€

Dr. Abdihakim Abdullahi Jama



.

๐Œ๐€๐—๐€๐˜ ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐” ๐“๐€๐‡๐€๐˜ ๐ˆ๐๐€๐€๐ƒ ๐Ž๐†๐†๐€๐€๐“๐Ž ๐—๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ | ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ก๐š๐ค๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐‰๐š๐ฆ๐šOggaanshaha xaaladdaadda caafimaa...
04/11/2024

๐Œ๐€๐—๐€๐˜ ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐” ๐“๐€๐‡๐€๐˜ ๐ˆ๐๐€๐€๐ƒ ๐Ž๐†๐†๐€๐€๐“๐Ž ๐—๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ | ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ก๐š๐ค๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐‰๐š๐ฆ๐š

Oggaanshaha xaaladdaadda caafimaad waxa jira sababo badan oo ay muhiim kuugu tahay. Sababahasi waxa kamid ah:

1. ๐Š๐€๐‡๐Ž๐‘๐“๐€๐†: Inaad oggaato xaaladaadda caafimaad, waa mid ku siineysa inaad doorato habab ka hortag waxtar leh isla markaana kuu sahlaya inaad ka hortag ka sameyso xaaladdo ama xanuuno ay suurtagal tahay inay ku saameyn karaan. Waxa kabadalka hab nololeedkaada, hubinta caafimaadka guud iyo oggaanshaha xaaladdaha caafimaad ee aad halista ugu jirto waa kuwo waqti h**e kusiinaya inaad ka hortagto halis caafimaad oo kugu soo wajahan si sahlan.

2. ๐†๐Ž'๐€๐€๐ ๐๐€๐€๐ƒ๐€๐’๐‡๐Ž ๐’๐”๐†๐€๐: inaad oggaato xaaladdada caafimaad waxa ay tilmaam saxan kaa siineysaa qaadashadda go'aano waxtar leh haddi ay ahaan laheyd, nooca cunto ee aad ubaahantahay, jimicsiga iyo habab nololeedka kale ee waxtar kuu leh. Waxa aad go'aansaneysaa waxa u wanaagsan caafimaadkaada iyo waxa u daran, waana mid sare u qaadeysa la macaamilka xaaladaada caafimaad si guud.

3. ๐‡๐Ž๐‘๐Œ๐€๐‘๐ˆ๐๐“๐€ ๐“๐€๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐๐Ž๐‹๐Ž๐’๐‡๐€: Markaad oggaatid xaaladaadda caafimaad waxa aad ahaaneysaa qof u diyaarsan daryeelka naftiisa, aqoonshada xaaladaadda waxa ay kusiineysaa faham ku saabsan hababka maareynta hurdadaada, walwalka, muuqaalkaada guud iyo go'aan qaadasho waxtar kuu leh waqti dheer.

4. ๐Ž๐†๐†๐€๐€๐๐’๐‡๐€ ๐—๐ˆ๐‹ ๐‡๐Ž๐‘๐„: Xaaladdo caafimaad oo badan sida dhiigkarka ama sokorta ayaa ah kuwo iyada oon la oggeyn saameyn kuyeesha qofka. Oggaansha iyo la socoshadda heerarka dhiiga iyo sokortaada xili h**e ayaa ah kuwo suuratagal ka dhigaya inaad la socoto xaaladada ka hor inta aysan saameyn daran kugu yeelan, waxa ayna sidoo kale sare u qaadeysaa fursadaha maareynta, daaweynta iyo ka hortagga saameyn ay geeystaan xanuunadani iyo kuwa lamidka ah.

5. ๐ƒ๐€๐‘๐˜๐„๐„๐‹๐Š๐€ ๐’๐‡๐€๐๐’๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ, ๐‚๐ˆ๐Œ๐‘๐ˆ ๐‘๐€๐€๐†๐ˆ๐’ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐Š๐€๐‹๐’๐Ž๐Ž๐๐ˆ: Ogaanshaha iyo la socoshadda xaaladdada caafimaad waxa ah kusiineysaa garashadda baahidaada shaqsiyadeed daryeel iyo daaweyn, iyo in xirfadleyda caafimaad ee xaaladaada la macaamileysa baahidaada ku saleeyaan rabitaankaada jireed.

Wacyigaada caafimaad oo sareeya waxa uu ku siinayaa cimrigaada oo raagga ama muddo dheer jira. Daraasado badan ayaa jira oo soo jeedinaya in sameynta baaritaano caafimaad ee xili h**e iyo doorashadda hab nololeedyo kugu haboon ay hoos u dhigi karaan halista xanuuno raagga(Chronic Diseases), taasina waxa ay ka qayb qaadaneysaa raagista cimrigaadda muddo dheer. Tan qaddarta iyo in waqti go'an cimrigaadu leeyahay ma ahan in shaki aan kaa galinayo, alle ayaana ina faraya in aynaan gacmaheena ku doonan hallaag ama wax nolosheena saameynaya(ูˆูŽู„ุง ุชูู„ู’ู‚ููˆุง ุจูุฃูŽูŠู’ุฏููŠูƒูู…ู’ ุฅูู„ูŽู‰ ุงู„ุชูŽู‘ู‡ู’ู„ููƒูŽุฉู).

Ugu dambeyn Kalsoonida, markasta oo aad ogtahay xaaladaada caafimaad waa markasta oo aad kaslooni ku qabto hababka aad ula macaamileyso xaladaada in ay yihiin kuwo waxtar kuu leh, waxa ay sidoo kale ku siineysaa kalsoonida aad ku dooran karto inaad qaado talaabooyin kale oo waxtar leh. Waxa aad hoos u dhigeysaan walaacadda caafimaad waxa aadna ogtahay waxa jirkaada ka dhex dhacaya, waxa aadna u diyaarsanaaneysaa inaad qaadid talaaboyinka lagama maarmaanka kuu ah.

Warki oo kooban koombana ku jira๐Ÿ˜€, "Oggaanshaha xaaladaadda caafimaad waa qiimeyn ama tixgelin aad u sameyso naftaadda, dhismaha aaasaas rajo oo adag, dheelitirnaan iyo nolol caafimaad leh".

Fadlan ogoow waqti h**e xaaladadda caafimaad, xanuunadda halista aad ugu jirto iyo hababka nololeed ee waxtarka kuu leh.

Fadlan fariintani ha halmaamin inaad gaarsiiso saaxiibadda iyo ehelka aad jeceshahay si ay ugu baraarugsanaadaan muhiimadda ay leedahay oggaanshaha xaaladahooda caafimaad. Farxad iyo fayoobi ayaan kuu rajeynayaa akhriste.

๐–/๐: Dr. Abdihakim Abdullahi Jama.

Acid base analysis.
25/10/2024

Acid base analysis.

SAAMEYNTA SONKORTU KU LEEDAHAY CAAFIMAADKA MASKAXDA===========================The Effect of Sugar on The Brain==========...
19/09/2024

SAAMEYNTA SONKORTU KU LEEDAHAY CAAFIMAADKA MASKAXDA

===========================
The Effect of Sugar on The Brain
===========================

Cilmibaaris baaxad ballaaran oo uu daabacay PubMed Cenral (Jan. 2024) oo ka kooban ilaa 77 daraasadood waxay muujisay in uu xiriir togan ka dhexeeyo isticmaalka sonkorta iyo hoos u dhaca garashada ama garaadka (Human Cognition) ee dadka iyagu caafimaadka qaba.

Dhammaan daraasadahaaasi waxay soo jeediyeen in si adag loo xakameeyo cunidda iyo isticmaalka sonkorta. Isticmaalka joogta ah ama xad dhaafka ah ee sonkortu wuxuu kale oo dhaawac u geystaa xusuusta qofka.

Heerka sonkorta jirka oo hal mar ah kor u kaca (Glucose Spike), wuxuu curyaamin ku saneeyaa shaqada "Mitochondria" oo ah warshadda soo daysa daaqadda (Energy Powerhouse) ee unnugyada jirka. Waa sababka marka qofku aadka u dhergo ay hurdada iyo caajisku u qabato, halkii uu furfircioni ka heli lahaa.

Daraaso kale oo lagu daabacay "Cell Journal" (Feb. 2024) waxaa lagu eegay sida maskaxdu ula qabsato "Glucose Rush", waxaa cilmibaarayaashu ogaadeen in "Neoron Mitochondria" ay qaab ahaan inla bedesho heerka sonkorta ee dhiigga ama soo gaara maskaxda. Isbedelkaas ku dhacay shaqada jirka ayaa waxaa laga yaabaa - sida ay tibaaxeen - in uu sababo cuduro ay ka mid yihiin "Diabetes Type 2".

Waddamada horumaray waxay ka leeyihiin "Regulations" isticmaalka sonkorta gaar ahaan goobaha ganacsiga ama cuntooyinka/cabbitaanada loogu talogalay caruurta iyagu aan qaadan karin go'aan laga baaraan degay.

Soomaalida oo si xad dhaaf ah u isticmaasha sonkorta, waxay u baahan yihiin in ay ku baraarugaan waxyeelada dadban iyo tan tooska ah ee ay leedahay "Free & Added Sugar". Dadka mas'iiliinta ah iyo aqoonyahankuna waa in uu dadka ka wacyi geliyaa isticmaalka sonkorta ee aan loo meeldayin.

Dr-Mohamoud A Mohamoud.

28/04/2024

โš ๏ธHALIS AAN LAGU BARARUGSANEYNโš ๏ธ.

La wadaag saaxiibaddada, si ay uga taxadaran halistani iyo kuwa lamid ah. Sidoo kale waxa aan habooneyn in dawadda la dhigo goob ay caruurtu gaari karto iyo meelaha aan ku habooneyn isla markaana wax u dhibaya tayada iyo waxtarka dawadda. .

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdihakim Jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Abdihakim Jama:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category