Sunrise Dental Care Mogadishu

Sunrise Dental Care Mogadishu Waa xarun lagu daaweeyo ilkaha. Bixin, buuxin, nadiifin, xirid iyo talooyin kale fadlan pagekan like

29/06/2021

Soo dhawaada asxaabta galab wanaagsan

Yiridka (Gingivitis)Yiridku waa barar ku dhaca ciridka, caadi ahaan waxaa keena infekshan bakteeriya ah, taas oo hadaan ...
09/03/2021

Yiridka (Gingivitis)

Yiridku waa barar ku dhaca ciridka, caadi ahaan waxaa keena infekshan bakteeriya ah, taas oo hadaan la daweyn sababi karta ilkaha oo ka dhaca qofka. Yiridka waxa uu badanaa ku dhacaa dadka aysan wanaagsaneen nadaafadda ilka hooda, ama aan si fiican u cadeyn ilkaha

waa maxay astaamaha Yiridka

Yiridka caadi ahaan waa mid aan lahayn xanuun badan oo la dareemo, dhaqtarkaaga ilkaha waa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan ula socodsiisa amaba ula xariirta hadii aad isbadal ku aragtid

Calaamadaha yiridka waaxaaa ka mid ah

◾Cirridka oo casaan noqda

◾Cirridka oo si fudud ku dhiiga

◾Cirridka oo barara amaba ilkaha gadaal uga sikada

◾Neefta afka oo ur aan baxeyn leh

◾Ciriidka oo yara birqa

◾Ilkaha oo liiqliiqda

◾Ilkaha dareenkooda oo kordha

Yaa Halis Ugu Jiro Yiridka?

Waxaa halis ugu jiro yiridka dadka

🔹Aan cadaysan

🔹Tubaakada cuna

🔹Da’da ah

🔹Qaba af qallaylka

🔹Qaba Kansarka amaba kuwa Aids qaba

🔹Isticmaala daawooyinka u daran ilkaha

🔹Dhaawac ciridka leh

🔹Aan caafimaadka ilkahooda ku dadaalin

SababaMaxaa ?

Yiridku waxaa keena huurada oo an afka laga suulin. Huurada oo aan laga suulin amaba afka oo an lacadayn si joogta ah waxa ay sababi kartaa in qashin, bakteeriyo iyo xab ay galaan ilkaha iyo ciridka dhaxdooda amaba inta u dhaxayso ilkaha taas oo horseedi karta ilkaha oo dhaca isl markaana burbura dhamaantood. waxaa jira xalaado badan oo kordhiya yiridka waxaa ka mid ah

▪️Sonkorow

▪️Hargabka iyo ifilada

▪️Waqtiga uurka

▪️Cudurada kale ee ku dhaca afka

Sidee Looga Hortagi Karaa?

Yiridka waxaa looga hortagi karaa in la joogteeyo cadeynta ilkaha taas oo ay tahay in lagu dadaalo in laga suuliyo afka huurada iyo wasaqda gali karta ilkaha dhaxdooda ama in ta u dhaxaysa ilkaha iyo cirridka si joogta ah mar amaba marwalba oo aad cunno cunto. Ha hilmaamin mar 6dii biloodba inaad booqato dhaqtarka ilkaha si aad u ogaato xaaalda ikahaaga

Daawaynta

Dhakhtar ilkood u tag haddii aad isku aragto astaamaha kor ku xusan mid ka mid ah. Dhakhtarku ilkaha ayuu huurada ka nadiifinayaa, wuxuuna kuu sheegi doonaa nooca xanuunka ciridka ee ku haya iyo sida loo daaweyn karo.

Daawada dabiiciga ah:

Haddii aad isku aragtay ciridkaaga oo sii qodmayo, kana durkay ilkaha sida sawirka kore ka muuqata welina aad xal u la’dahay, daawadii cadayga ee dhakhaatiirta kugula taliyeenne ay shaqayn waysay, waxaan kuu hayaa laba talo oo aad isbadal degdeg ah iskaga dareemi doontid Ilaahay idinkiis:

Jooji adeegsiga burushka iyo daawooyinka lagu cadaysto “Macjuunta”, kuna badalo geedka rumayga ee lagu cadaysto.

Habeenkii inta aadan jiifan, ku luqluqo malab saafi ah, ilkaha iyo ciridka oo idilne wada gaarsii sidaasne ku seexo adigoo wax biyo ah ka daba cabin.

Haddii aad wadid talooyinkaas muddo 2 illaa 3 usbuuc ah insha’llah waxaad dareemi doontaa caabuqii yiridka oo yaraaday iyo ciridkii oo bararka joojiyay, bilaabayne inuu dib u soo koro.

xigashada dawadaan dabiiciga ah:

https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC4095052

Cirid dhiiga waa mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta dad badan oo naga mid ah hadana ay la aamusan yihin sababtoo ah ma ...
10/02/2021

Cirid dhiiga waa mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta dad badan oo naga mid ah hadana ay la aamusan yihin sababtoo ah ma helaan talo ku filan oo xal u ah daawaynta ama joojinta cirid dhiiga. Marka laga hadlayo cirid dhiiga waxaa muhiim ah in qofku ogaado

1. Sadexdii qofba mid ayaa qaba cirid dhiig ama ciridka oo xanuuna cadaysiga ka dib ama kahor
2. Qanjirada qofka oo aan sidii la rabay u shaqaynayn ayaa ah sababta ugu wayn ee keeni karta cirid dhiiga
3. Inta badan dadka ka qaba cirid dhiiga waxay sidoo kale ka sheegtaan kilya xanuun sababta dhabta ahna wali lama ogaan balse xiriir ayaa ka dhaxeeya cirid dhiiga iyo kilya xanuunka

4. Cirid dhiiga dadka qaba sida ugu fiican ee ay isaga daawayn karaan waa in dun yar ay galiyaan ilkaha ama gowsaha inta u dhaxayso ka dibna ay kasoo nadiifiyaan wasaqda gali karta ilkaha iyo gowsaha meesha u dhaxaysa sida sawirka 1aad kaaga muuqata
5. Dhakhtarka ilkaha in uu kaa dhaqo ilkaha iyadana waa xal kale oo cirid dhiiga lagu dawayn karo

6. Lixdii bil mar in ilkaha laga dhaqo dadka qaba cirid dhiiga waa muhiim ka yar iyo ka badanna sax ma ahan, sokorta iyo macmacaankana yaree sababtoo ah macamacaanka ama sokortu wax dhaawacdaa ciridka, ilkaha iyo gowsaha intaba
7. Cadayga adag ee aan jilcanen wuxuu keenaa cirid dhiiga, ha noqdo cadaygaagu mid suuf ah,
biyo badanna cab waayo dadka cirid dhiig qaba waxaa ku yar biya cabista

8. Dadka cirid dhiiga qaba waxaa ku yar macdanta qaar sida darteed waa in ay cunaan cambaha, liin bambeelmada, koostada, kaluunka, tufaaxa, toonta, karootada, sanjabiilka, yaanyada, zabiibka iyo basasha, dhamaantood fitamiino iyo macdan kala duwan oo muhim u ah ilkaha, ciridka iyo gowsaha ayaa ku jirta

9. Ku luqluqo biyo cusba leh marka aad cadaysato habenkii iyo marka aad cadaysato subaxdii, cusbadu waxay dishaa jeermiska afka gudihiisa ka dhasha

10. Ha xogin carabka hana u cadayin si xoog ah, cadayga si jiif jiif ah ugu caday sida sawirka labaad kaaga muuqata ha samaynin, carabka oo lagu xogo cadayga waliba si awood ah waxay keentaa af ur ka dibna cirid dhiig ayaa qofka ku bilowdo madama xogista faraha badan ama xooga ah ay disho awooda carabka isaga difaaci lahaa jeermiska

Waxaa jira dawooyin la qaato si looga hortago cirid dhiiga balse daawada aad qaadanayso waxay ku xiran tahay waxa sababay cirid dhiiga in la ogaado marka h**e

Waxaan Rajaynayaa In Aad La Wadaagto Dadka Kale Si Ay Uga Faaiidaystaan

Xog Qaldan Oo Aynu Ka Aaminsannahay Caafimaadka Ilkaha Iyo Muhiimadda Bedelaadda Burushka Ilkaha. Waxaa jira arrima la x...
26/01/2021

Xog Qaldan Oo Aynu Ka Aaminsannahay Caafimaadka Ilkaha Iyo Muhiimadda Bedelaadda Burushka Ilkaha.

Waxaa jira arrima la xidhiidha caafimaadka ilkaha iyo nadaafaddooda oo aaminsanaantoodu awoow laga soo gaadh uun iska tahay, oo qofku arkay uun bulshadiisa oo sidaas aaminsan isna ku raacay isaga oo aan baadhis cilmi isku deyin. Shabakadda Bright Side ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa baahisay xogo ay dadku isla dhex maraan oo ku saabsan ilkaha iyo arrinta runta ah ee ka dambaysa, qormadaas oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Alcarabiya waxa ay ku sheegtay qodobbadan:

1. Marka ay suus noqoto sonkortu k**a duwana cuntooyinka kale

In ilkuhu suus yeeshaan eeddeeda waxaa iska leh bakteeriyada khatarta ah ee soo deysa asiidhka sababa suuska, in suusku uu koro oo ilkaha ku fido dhaawacna u geystana waxaa sahla hadhaaga cuntooyinka Carbohydrate ka ah ee ilkaha ku hadha oo cunto u noqdo bakteeriyadaas, sababana in ay korto. Haddaba sonkortu sababta ay ilkaha u dhaawacaysaa ma’aha in ay sonkor uun tahay, balse waa in marka ay ilkaha ku hadho ay isu beddelayso Carbohydrate. Marka ay sidaas tahayna inta badan ee cuntooyinka aynu isticmaalno oo xitaa ay ku jirto cuntada caafimaadka u fiican ee ay ka mid yihiin khudradaha iyo cuntada firiga/galka leh marka ay ilkaha ku hadhaan waxa ay isu beddelaan carbohydrate waxa aanay sababaan suus ilkaha gala.

2. Gabadha uurka leh iyo dhakhtarka ilkaha

In gabadha uurka lihi ka warwareegto u tegista dhakhtarka ilkuhu waa fikir dad badani taageersan yihiin, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in kaas liddigiisu sax yahay, oo marka ay ilko xanuun dareento ay dhaqso ugu tagto dhakhtarka si ay isaga daweyso.

Inta badan sababta ay hooyada uurka lihi u diiddan tahay in ay dhakhtarka ilkaha u tagtaa waa cabsi ay ka qabto saamaynta taban ee ay dawadu ku yeelan karto uurjiifka, laakiin cilmibaadhis cusub ayaa muujisay in suuxdinta qayb ahaanta ee gabadha uurka leh lagu sameeyaa aanay dhibaato ku keenayn ilmaha caloosha ku jira.

3. Ilka caanoodka (Ilkaha carruurnimo ee h**e)

Dad badan ayaa aaminsan in ilkaha carruurnimo suuska ku dhacaa aanu dhib lahayn, maadaama oo ay ilkuhuba dhacayaan. Waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in ilkaha carruurnimadu u nugul yihiin suuska, marka uu ku dhacana ay keenaan khatar caafimaad oo ah in caabuq iyo olol uu cirridka ku dhaco, kana tago raad caafimaad darro oo ilkaha dambe ee rasmiga ahi marka ay soo baxaan khatartoodu gaadho.

4. Burushka ilkuhu adayg iyo jileec midkee ayuu ku fiican yahay?

Dad badan ayaa aaminsan in burushka adagi u fiican yahay nadiifinta ilkaha, laakiin xaqiiqada cilmiga ahi waxa ay tahay in burushka jilicsani uu ka fiican yahay burushka adag, sababtuna ay tahay ugu horreynba in aanu dhaawacayn cirridka, iyo in uu kaga fiican yahay nadiifinta ilkaha.

Ali osman Abdirahman

Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba. Hadii aad rabtid inaad caafimaadka adkaaga, iyo jirkaagaba wanaaj...
09/01/2021

Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba.

Hadii aad rabtid inaad caafimaadka adkaaga, iyo jirkaagaba wanaajisid waa inaad qaadataa taladaan:

1- Waa inaad ku dadaashid cadayga ilkaha ugu yaraan labo jeer maalin walba.

2- Ka dheerow mukhaadaraadka.

3- Ku caday ilkahaaga dawada ilkaha waayo waxaa kujira maadooyin la dagalama bacteriyada.

4- Cunitaanka xanjada xylitol waxay caawisaa inuu joogsado weerarka aash*tada, waxayna kordhisaa candhuufta, taasina waxay u wanaagsan tahay ilkaha.

5- Isticmaal shay nadiif ah oo dhuuban hadaad rabtid inaa nadiifisid ilkaha dhexdooda iyo meelaha aan cadaygu gali karin.

6- Hadii aad awoodid u tag dhakhtarka ilkaha sandkii labo jeer si loo hubiyo caafimaadka ilakaha.

7- Iska daaya cunitaanka waxyaabaha sonkortu ku jirto, shaaha iyo qahwahana sonkor ha ku darsanina. Sonkortu waxay ku jirtaa maacmacaanka iyo doolshaba intaa waxaa sii dheer sonkorta qarsoon oo aad ugu badan tusaale ahaan biyaha oranjigaa, bibsi koolada, faantada, buskudka, waxyaalaha shiidan oo dhan iyo kajabka iyo sinaabiga.

8- Haddii aad cuneyso waxyaalo ay sonkori ku jirto, cun wakhti go’an, hana cunin maalintii oo dhan.

9- Ku dadaal cunista cunooyinka dabiiciga ah iyo qudaarta.

10- Ku dadaal cabida caanaha ay ku yartahay sonkorta iyo dufanku si aad u heshid maadada kalshiyam-ta.

👉👉 Ama Dheh Asxaabta kuwa xidhan Birahaan.👈👈

W/Q:

 .Dhawaanahaan waxaa aad  u soo badanayaay dhalinyarada biraha ilkaha ku xirta.Biraha ilkha lagu xiro Dhibaato ma keenaa...
06/01/2021

.

Dhawaanahaan waxaa aad u soo badanayaay dhalinyarada biraha ilkaha ku xirta.

Biraha ilkha lagu xiro Dhibaato ma keenaan haddii safiican loo xiro, ciridkane dhaawac laga ilaaliyo, ilkahane joogto loo sifeeyo cunnada ka dib.

Dadka biraha markii loo xiro oo ilkahoodu aad u kala fogyihiin ama safiican isku dul saaran yihiin waa waqtiyo dhaadheer gudahood mar walba dhakhtarka la kulmaan si ilkaha waxyar oo dhuujis ah loogu daro, haddii hal mar lawada dhuujiyo dhibka aad ka hadashay ayaa dhacayo.

Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba.

Hadii aad rabtid inaad caafimaadka adkaaga, iyo jirkaagaba wanaajisid waa inaad qaadataa taladaan:

1- Waa inaad ku dadaashid cadayga ilkaha ugu yaraan labo jeer maalin walba.

2- Ka dheerow mukhaadaraadka.

3- Ku caday ilkahaaga dawada ilkaha waayo waxaa kujira maadooyin la dagalama bacteriyada.

4- Cunitaanka xanjada xylitol waxay caawisaa inuu joogsado weerarka aash*tada, waxayna kordhisaa candhuufta, taasina waxay u wanaagsan tahay ilkaha.

5- Isticmaal shay nadiif ah oo dhuuban hadaad rabtid inaa nadiifisid ilkaha dhexdooda iyo meelaha aan cadaygu gali karin.

6- Hadii aad awoodid u tag dhakhtarka ilkaha sandkii labo jeer si loo hubiyo caafimaadka ilakaha.

7- Iska daaya cunitaanka waxyaabaha sonkortu ku jirto, shaaha iyo qahwahana sonkor ha ku darsanina. Sonkortu waxay ku jirtaa maacmacaanka iyo doolshaba intaa waxaa sii dheer sonkorta qarsoon oo aad ugu badan tusaale ahaan biyaha oranjigaa, bibsi koolada, faantada, buskudka, waxyaalaha shiidan oo dhan iyo kajabka iyo sinaabiga.

8- Haddii aad cuneyso waxyaalo ay sonkori ku jirto, cun wakhti go’an, hana cunin maalintii oo dhan.

9- Ku dadaal cunista cunooyinka dabiiciga ah iyo qudaarta.

10- Ku dadaal cabida caanaha ay ku yartahay sonkorta iyo dufanku si aad u heshid maadada kalshiyam-ta.

👉👉 Ama Dheh Asxaabta kuwa xidhan Birahaan.👈👈

W/Q:

❤Share❤
Madooneysaa in aad Hesho Muqaalo Cusub SUBSCRIBE Dheh YouTobe channel keyga.
🔻
HALKAAN HOOSE RIIX WAXAA SI TOOS U AADI DONTAA CHANNEL KEYGA.
⤵ ⤵⤵
https:www.youtube.com/channel/UCApQyF02JrxQ1mOWgB6Qwug.
❤MAHADSANID❤

18/12/2020

Fadlan Share dheh si ay u gaarto dadka danaynaya

09/12/2020

Kala xiriir Taleefan Lambarka.
+25261-1-088595

fadlan lawadaag asxaabtaada

Ka jooog uma fiicno caafimaadkaaga.
02/12/2020

Ka jooog uma fiicno caafimaadkaaga.

          Caafimaadka ilkuhu waa shay muhiim ah. Ilka caddays qurxoon iyo neefta udgooni waxay kordhiyaan dareenka wanaa...
26/11/2020


Caafimaadka ilkuhu waa shay muhiim ah. Ilka caddays qurxoon iyo neefta udgooni waxay kordhiyaan dareenka wanaagsan iyo kalsoonida qofka. Caafimaadka afka iyo ilkuhu waxay saameeyn ku leeyihiin caafimaadka qofka oo dhan.
Ujeeddada tilmaan bixiyahani waa inuu wax kaaga sheego daryeelka afka iyo ilkaha. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaa wanaagsan in aad weydiiso qoraalka ka dib.

DARYEELKA KA HORTAGGA AH
Afka iyo ilkaha oo si wanaagsan oo joogto ah loo daryeelaa waxay ka hortegaysaa inay dhashaan cudurrada afka. Waxaa ugu muhiimsani waa in afka si taxadar leh oo joogto ah guriga loogu nadiifiyo iyo in si joogto ah oo loo tago baaritaanka ilkaha ee ay sameeyaan dhakhtarka ilkaha ama kalkaaliyaalka rugta daryeelka ilkaha. Marka baaritaanka ilkaha la samaynayo ayaa laga heshiinayaa sida ay tahay inaad rugta daryeelka ilkaha u tegeysid (inta mar ee ay tahay inaad rugta daryeelka ilkaha tagtid).

Ilmaha yar-yar ilkahooda waxaa wanaagsan in is taxadar gaar ah leh loo daryeelo, isla marka ay ilka caanoodku u soo baxaanba. Haddii sidaas la yeelo ilkaha ilmaha u soo baxa ee aan dhicin dalooladoodu way yaraanayaan.

Ilkaha waa in loo cadayaa si taxadar leh subixii iyo habeenkii inta aan la seexan ka hor. Isticmaal burush jilacsan. Burushka adag wuxuu waxyeello u geysan karaa ilkaha iyo cirridka. Daawada ilkaha ee fluoride ku jiro ayaa aad u wanaagsan, sababtoo ah fluorigu wuxuu xoojiyaa ilkaha. Xusuusnow sidoo kale in aad burushka ilkaha iska beddesho, ugu yaraan afar jeer sannadkii.
Cadayidda ilkaha ka sokoow, waxaa wanaagsan in dadka waaweyni ay nadiifiyaan meelaha ilkaha dhexdooda, sababtoo ah daloolada ilkaha ku samaysma iyo infakshanka cirridku waxay keenaan midab cawlan oo ilkaha ku samaysma (bakteeri dahaarkeed) kaas oo aan ilkaha laga fujin karin.

NIDAAMKA CUNTO XULOSHADA
Bakteeriyada afku sonkorta cuntada ku jirta ayey ka samaysaa aash*to asiidh), marka afka la geliyo waxaan ahayn biyo ama xylitol. Aash*tadu waxay ku fidaa ilkaha salkooda iyadoo isla markaana keeneysa, in ilkaha uu ku dhashaan daloollo. Ilkuhu 4 ilaa 6 goor ayey maalintii u adkaysan karaan weerarka ay aash*tadu ku soo qaadayso, sidaasi awgeed waxaa aad muhiim u ah in wax la cuno lana cabo waqtiyada cuntada oo keliya, waana in la iska daayo cuntada dheeraadka ah wakhtiyada u dhexeeya xilliyada cunto cunidda.

WAXAA MUHIIM AH
• Iska daaya cunitaanka waxyaabaha sonkortu ku jirto, shaaha iyo qahwahana sonkor ha ku darsanina. Sonkortu waxay ku jirtaa maacmacaanka iyo doolshaba intaa waxaa sii dheer sonkorta qarsoon oo aad ugu badan tusaale ahaan biyaha oranjigaa, bibsi koolada, faantada, buskudka, waxyaalaha shiidan oo dhan iyo kajabka iyo sinaabiga.
• Haddii aad cuneyso waxyaalo ay sonkori ku jirto, cun wakhti go’an, hana cunin maalintii oo dhan.
• Wakhtiyada u dhexeeya xilliyada cuntada waxyaabo caafimaad leh cun, sida khudrada, waxyaabah la cuno ee dhirta ka soo baxa, rootiga iyo waxyaalaha laga suubbiyey caanaha.
• Cunitaanka xanjada xylitol waxay caawisaa inuu joogsado weerarka aash*tada, waxayna kordhisaa candhuufta, taasina waxay u wanaagsan tahay ilkaha.
• Harraadkaaga (oonkaaga) biyo u cab.

FADLAN SHARE DHEH

Caafimaadka Afka iyo ilkaha iyo macluumaadka la xiriiraCaafimaadka afka waa qayb muhiim ah ee caafimaadka guud. Sida lag...
24/11/2020

Caafimaadka Afka iyo ilkaha iyo macluumaadka la xiriira

Caafimaadka afka waa qayb muhiim ah ee caafimaadka guud. Sida laga soo xigtay cilmi baarista Ururka Caafimaadka Adduunka, boqolkiiba 60 ilaa 90 caruurta dugsiyada dunida oo dhan iyo ku dhawaad ​​ boqolkiiba 10 dadka waaweyn ayaa qaba suuska ilkaha.

Dad badan ayaan heli karin daaweynta ama haysan caymiska ilkaha. cudurada aadka u daran ee (ciridka), taas oo keeni karta khasaaraha ilko la'aanta, ayaa laga helaa boqolkiiba 15 ilaa 20 dadka waaweyn ee da'aada 35 ilaa 44 sano jirka.

Guud ahaan caalamka, ku dhawaad boqolkiiba 30 dadka da'doodu u dhaxeyso 65 ilaa 74 sano jir ayaa lahayn ilkaha dabiiciga ah, taa oo soo jeedinaysa in loo baahan yahay daaweynta iyo waxbarashada caafimaadka afka in la kordhiyo .

Arrimaha caafimaadka Afka waxaa ka mid ah in la helo daryeel-caafimaadeedka ilkaha, isticmaalka fluoride ee miyiga, waxyeelada afka ee isticmaalka tubaakada, waxbarashada nadaafadda afka, nafaqada, iyo daaweynta carruurta qabta dilaaca faruurta sare iyo sanka.

Ururarada Caafimaadka Dunida ee afka ayaa sidoo kale sheegay in cudurada afka ay ka iman karaan cudurada kala duwan iyo kansarka .

arrimaha cudurada afka ayaa sidoo kale ah marar badan ah tilmaamayaasha h**e ee cudurka HIV.

Cudurada afka ku dhaca qaar ka mid ah waxay noqon karaan kuwa kaa badbaadiya cudurada halisya haddii loola dhaqmo si habboon.

Hadaba ma u baahan tahay Talo ama Daaweyn fadlan nagu soo booqo xarunteena👇👇👇





Fadlan Share si ay u gaarto fariintan walaalaha kale

Kusoo dhawaada Rugta daaweynta Ilkaha iyo Afka   Buulo xuubeey.
16/11/2020

Kusoo dhawaada Rugta daaweynta Ilkaha iyo Afka Buulo xuubeey.

Address

Buulo Xuubey
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252611088595

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sunrise Dental Care Mogadishu posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram