12/03/2023
𝑨𝒔𝒃𝒂𝒂𝒃𝒂𝒉𝒂 𝑲𝒆𝒆𝒏𝒂 𝑪𝒂𝒂𝒅𝒐 𝑾𝒂𝒓𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 𝑫𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝑰𝒚𝒐 𝑿𝒂𝒍𝒌𝒂
Caado wareerka, xanuunka caadada, caado, dhiiga caadadaCaado wareerka:
Mararka qaarkood haweenka waxa lasoo gudboonaata caado-xanuun ama caado wareer, taaso micnaheedu yahey in caadada eey dhibto dumarka qaarkood.
Waqtigaas caada wareerka la soo gudboonato ayaa dumarka qeebtood waxey is weeydiyaan su’aalo ey ka mid yihiin: Maxa caadada iga soo dahday? Maxan laba goor caado u heley bil gudaheed? caadeydu maxey u istaagi la’dahey? iyo goormey istaagi?
Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah oo dumar badan ka nixisa, oo jahwareer iyo shaki ku rida hadeysan aqoon u laheyn.
Gabadhu waxey hesha cadada ‘Menstrual Cycly’ inta u dhaxeyso 10 ilaa 15 sano, gabdho qeebtood ayaa da’aadaas ka hor dhiiga ugu h**eeya ka dhaca ‘Menarche’ kuwana kadib qaangara. Dakhatirta ayaa wareegtada dhiiga dumarka iney tahay 28 maalmood ku mucayima. Sidoo kale bil kaste iney ka duwanaato bilihi h**e dhinaca maalmaha ayaa suurta gal ah khaasatan sanadada ugu h**eeya ee gabadhu hesho cadaada. Cadaada ayaa waxa sababa ugxanta dumarka aan bacrimisamin oo kala daata kuwaaso noqda cadaada haweenka.
𝑪𝒂𝒂𝒅𝒂𝒅𝒂 𝒄𝒂𝒂𝒅𝒊𝒈𝒂 𝒂𝒉 (𝑨 𝑵𝒐𝒓𝒎𝒂𝒍 𝑷𝒆𝒓𝒊𝒐𝒅)
Waa ku kala duwanyihin dumarka intey le’egtahey dhiiga ka imaada waqtiga caadada ey ku jiraan. Sida caadiga ah ayaa dumarka qeebtood helaan dhiig qiyaasti dhan 12 qaando, kuwana waxa laga yaaba 3 qaando ama ka yar bishii iney ka dhacdo.
𝑪𝒂𝒂𝒅𝒐 𝑾𝒂𝒓𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 (𝑨𝒏 𝒊𝒓𝒓𝒆𝒈𝒖𝒍𝒂𝒓 𝑷𝒆𝒓𝒊𝒐𝒅)
Caado-keen (Premenstuaral Syndrome),taaso ah iney dumarka isku arkan xanaaq dhaw, murqo xanuun caloosha agagaarkeeda ah, dulqaad la’aan, iyo wareer imaada ka hor inteysan helin caadada. Sidoo kale is badal ku dhaca hab-socodka dabiiciga ah ee cadada.
𝐌𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚
Haween badan ayaa wahjaha caado wareerka oo ma ahan wax had iyo goor halis ah. Balse waa muhiim inaad ogaatid waxa sababay, hoos waxa ku xusan waxaayabo sababa caado wareerka:
𝐔𝐠𝐚𝐱𝐚𝐧-𝐬𝐢𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚 𝐋𝐞𝐡 (𝐏𝐨𝐥𝐲𝐜𝐲𝐬𝐭𝐢𝐜 𝐎𝐯𝐚𝐫𝐲 𝐒𝐲𝐧𝐝𝐫𝐨𝐦𝐞)
Ugaxan-sidaha fiixda leh ayaa ah xaalad caafimaad oo sabab caan u ah caada wareerka dumarka. Sidoo kale wuxu dhaliya qofka oo aad u cayila, timaha oo aad u baxa iyo madhaleysnimo. Cudurkan oo ah mid hido loo kasbado ama ku dhaca haweenka markey dhallaan kabacdi, taaso la ogeyn sababta runta ah oo keenta. Ugaxan-sidaha Fiixda leh oo aan laheyn dawo rasmiya laakin dakhtar hadaad u tagtid kuu sheegi karo qaabab aad raaci kartid si uu xanuunkisa kugu sahlanaado oo ey ka mid tahay badalida qaabkaga nolol maalmeed.