27/02/2026
Bilowgii bisha Febraayo 2025 waxaan si rasmi ah u daahfurnay Ubad Clinic, xarun caafimaad oo carruurta loogu talagalay, kuna dhisan fahamka baahida dhabta ah ee bulshada. Ujeeddadeennu waa bixinta adeeg caafimaad oo dhammaystiran, hufan, lana jaanqaadaya waqtiga iyo duruufaha qoysaska.
Nidaamka rugtu wuxuu ku saleysan yahay helitaan fudud oo dhakhtarka carruurta ah, iyadoo waalidiintu dooran karaan waqtiga ku habboon la-kulanka dhakhtarka, iyada oo aan lagu xaddidin jadwal adag. Tani waa hal-abuur cusub oo kor u qaadaya tayada adeegga caafimaadka carruurta, kana jawaabaya baahida sii kordheysa ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho.
Waxaan sii wadeynaa horumarinta adeeg caafimaad oo la isku halayn karo, badbaado leh, isla markaana diiradda saaraya caafimaadka ubadka.
Rakia Ahmed
Siman Abukar Abdi