Abdi Rizaaq Axmed Nuur Saacid

Abdi Rizaaq Axmed Nuur Saacid About Medicational

صلاة الاستخارة 👇
10/08/2021

صلاة الاستخارة 👇

19/12/2020

XANUUNKA JOOGTADA AH

Dhabarka xanuunka noocaan ah waa mid joogto ah oo uu mar walba uu qofku uu dareemo siiba xiliyada oo qufacayo ama uu foorarsanayo ama uu hindhisayo mararka qaarna uu xanuunku u gudbo qaybaha hoose ee jirka bowdyaha ama barida ilaa cirirbta lugta iyada oo uu qofku dareemayo xanuun qod-qodxo oo kale ah in ay mud mudayaan.

Dhabar xanuunkaan waa cillad lafdhbarta ugaar ah, qofka bini'aadanka lafdhbartiisu waxay ka kooabn tahay 33 laf oo afka soomaaliga lagu dhaho "Ricir" ama "Xaroor", labadii xaroorba waxaa u dhaxeeyo carjaw wareegsan "Saxuun" afka qalaadne lagu yiraahdo "Disc"

Suxuuntaan ayaa difaac u ah Xungulaha oo isagu dhex yaala la dhabarta toosna ugu xiriirsan Maskaxda qofka waxa uuna dareensiiya jirka oo idil,

Waxaana ka farmaca ama ka abuurma xungulaha dhamaan neerfayaasha jirka dareenka siiya masuulna ka ah dhaqdhaqaa jirka hadii uu dhaawac gaarana xungullahaas uu qofka khatar ugalo in uu qaybaha hoose jirka ay dareenka waaayaan baralis.

meesha uu qofka xanuunka ka dareemayo waxay tilmaan ka bixinaysaa ricirta ama saxniga dhaawaca qofkaasi ka gaaray.

Disc kigaas ayaa waxaa ku dhacaya isbadal ama cilad noqon karta in uu booskiiska kasoo dhaqaaqay ama uu bur-burey ama uu kor usoo baxay taas oo cadaadis soo saareysa xungullaha oo ah jiridda ay neerfayaasha lafdhabarta ay kasoo farcamaan.

Cadaadiskaas xungullaha la soo saarey ayaa keenaya Astaamaha xanuunka lafdhabarta ka soo bilaabanaya ilaa ciribta gaaraya lana dareemayo marka la qufuco, la foorarsado, la hindhiso ama adiga oo aan xitaa intaasba sameyn aad dareemi karto xanuunkaan.

Inta badan xanuunkan waxa uu kusoo bilowdaa si aayar aayar ah ilaa uu gaaro bowdada barida ilaa lugta hoose xanuunku waxa uuna dareemayaa qofku xanuun daran oo uu moodayo marka uu faroorka kasoo kaco in uu dhabarku ka harey,
Dadka qayb waxaa u raaca kabuubyo oo lugaha ama gacmaha laga dareemayo.

MAXAA KEENI KEENI KARAA CILADAHAAN CARJAWDA LAF-DHABARTA KU YIMAADA.

- jug ka gaartey qofka dhabarka.
- wax aad u culus oo uu qaadey.
- caabuq ku dhacay lafdhabarta
- jimicsi aan habooneyn oo aad sameyso.
- cirbad si khalad ah lagaaga duro dhabarka.
- caabuqa ku dhaca kala goysyada in uu h**ey kuugu dhacay
- in lagaaga joog-joogsado dhabarka ayaa kugu keeni karta.
- in aad aad u cayisho siiba caloosha aad ka cayilantahay ayaa cadaadis saari karta suxuunta lafdhabarta.
- in aad tahay qof in badan taagan maalintii ayaa kugu keeni karta.
- in aad si khaldan aad u fariisato oo aad dhabarkaada qaloociso mar walba ayaa kugu keeni karta.
- in aad inbadan foosha aad ku daahdo ayaa iyaduna kugu keeni karta.

Cilidahaan kuwo kamid ah hadii aad sameyso waxaad khatar ugu jirtaa xanuunkan fadlan badal dabeecadahaas hadii aad leedahay.

SIDEE LAGU OGAADAA XANUUNKAN IN AAD QABTO?

Inta badan dhakhaatiirtu h**ey k**a ogaadaan xanuunkaan qofka uu ku dhacana inbadan ayuu iskaga daba laab laabtaa dhakhaatiirta ilaa uu iska qanco,

Xanuunkan dhakhtarku waxa uu ku ogaan karaa wareysi qoto dheer uu la yeesho qofka bukaanka ah dabadeedna uu sawir raajo ama MRI uu ka qaado laf dhabarta sidaasna uu ku ogaado nooca haya ee xanuunkan ah.

SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN?

In lagu daaweeyo waxa ay ku xirantahay in la ogaado nooca dhabar xanuunka aad qabto dabadeed marka la cadeeyo dhabar xanuunkaadu in uu yahay cilad ku timid suxuunta la dhabarta ayuu dhakhtarkaadu kuu qorayaa daawooyin dabcinaya murqaha ku hareereysan la dhabarta, daawooyin dhaawaca ka ilaalinaya neerfayaasha iyo daawooyin xanuun baabi'iyaal ah.

Waxaa jirta cirbad Lidocaine loo yaqaano oo dhakhtarku uu dhabarka kaaga duraya ahna cirbad aad u faaiido badan oo yareysa xanuunkaas una baahan in uu kugu daro dhakhtar khibrad u leh cirbadaas.

Sidoo kale dhakhtarka ayaa kuu sameyn kara "physical therapy" oo ah in masaaj si cilmiyeysan loogu sameeynayo meelaha ciladu ay ka jirto ee dhabarka si loo dabciyo cadaadiska saaran neerfaha dabadeed uu xanuunku u yaraado.

Dadka qayb badan oo kamid ah kuma caafimaadaan daawooyinkaas suxuuntooda oo aad cadaadis u saartey neerfayaasha awgeed dadkaas waxaa loo sameeyaa qaliin cadaadiska looga yareenayo neerfaha si xanuunku u yaraado waxa uuna u baahanyahay qaliinkaasi dhakhtar aad u foojigan oo cilmi badan u leh qaliinkan maadaamo qalad yar oo uu dhakhtarku galo ay keeni karto in uu qofku baralis noqdo ayna dhumaan dhamaan dareemayaasha jirka qaybta hoose.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKAN.

Ha qaadin wax culus.
Dhabarkaadu ha toosnaado mar walba oo aad fariisato.
Cayilka badan iska ilaali siiba kan caloosha fuula.
Ha cabin wax sigaar ah iskana jooji.
Si kadis ah hal mar ha u foorarsan
Jimicsi qaldan oo aadan aqoon u lahayn hasameynin Biro culusna ha qaad qaadin.
Wax badan ha taagnaanin.

Intaan hadii aad sameyso waxaad ka hortagi kartaa xanuunkan oo waayadaan danbe dhalinyarada iyo dadka waaweynba aad ugu soo badanaayey.

Casharkeena inoo xiga haduu Alle inoo qadaro waxa aan uga hadli doonaa qaababka ugu fiican ee uu u seexan karo qofka qaba xanuunkan si cadaadiskana uu iskaga yareeyo saaran neerfayaasha.

Fadlan gaarsii asxaabtaada ama halkaan ugu wac qof u baahan in uu ka faaiideysto mowduucaan

Abdirizak Ahmed Saacid
SHARE

19/12/2020

AH

Fadlan gaarsii asxaabtaada ama halkaan ugu wac qof u baahan in uu ka faaiideysto mowduucaan.

Abdirizak Ahmed Saacid

SHARE

   Muhiim ah # Roqorta waa infakshan uu keeno fayraska maqaarka gala # Saddex meelood laba roqorta noocan ahi way iska b...
12/10/2020

Muhiim ah
# Roqorta waa infakshan uu keeno fayraska maqaarka gala
# Saddex meelood laba roqorta noocan ahi way iska baaba'aan iyadoo aan wax daawa ah la qaadan laba sano gudahood iyadoo aan wax haar ama astaan ah reebin
# Daawooyinka aan sababin haarta, sida wart paints, ayaa ku fiican in la isticmaalo

Maxay tahay?
Roqorta waxay ku badan yihiin carruurta waxaana keena infakshanka fayraska.
Badanaa kuma dhacaan carruurta aadka u yaryar laakiinse wuxuu ka soo baxaa marka carruurtu soo weynaadaan.
Way adag yihiin, maqaarkana waa ka soo kacsan yihiin waana mid leh qaab qalafsan oo aan sinayn. Inta ay le'eg yihiin wuu kala-duwan yahay kuwa cusubina waxay ka soo baxaan meesha maqaarku ka dhaawacmay.
Waxay ka soo bixi karaan meel kasta oo maqaarka ka mid ah, carruurtase wuxuu uga badan yahay gacmaha iyo ruugaga.
Roqorta calaalaha iyo cagaha cad waxaa loogu yeeraa plantar warts.
Roqortu waxay kaloo ka muuqdaan iyagoo dhibca yaryar oo midab leh ah gacmaha gadaashooda ama wajiga.

Sidee ayaa lagu kala qaadaa?
Roqorta waa infakshin uu fayras keeno fayraskaas oo galaaya maqaarka dushiisa, khaas ahaan meelaha uu horay dhaawac ugu dhacay.
Wuxuu ku faafaa iyada oo si toos ah loo taabto qofkale roqortiisa, waliba haddii uu jirku dhaawac leeyahay. Waxaa kale oo uu ku fidaa si aan toos ahayn.

Fayrasku badanaa wuxuu ku nool yahay meelaha qoyan sida meelaha lagu dabaasho ama dhulka musqulaha qubeyska waxaana la qaadi karaa haddii caga caddaan lagu socdo meelahaan.
Roqortaan ciddiyaha agagaarkooda ayay kaga dhacdaa carruuraha ciddiyahooda qaniina ama bushimaha kuwa farahooda dhuuqa.

Sidee la iskaga ilaalin karaa?
In musqulaha qubeyska la iska nadiifiyo marka la isticmaalo kadib, in aan shukumaanka qof kale lala wadaagin, in aad daboosho roqorta marka aad qubeysanayso ama aad dabaalanayso si aad u yarayso roqorradaas.
Waxaa laga yaabaa haddii aad ku daboosho sharooto inay caruurta ka joojiso inay qaniinaan ama qodqodaan.

Xigasho somalidocs.

Share insha allah.

      Anatomy
28/09/2020

Anatomy

 .1.Isla markiiba markuu ilmuhu dhasho waa in lasaara laabta hooyada, taasi waxay keneysaa in ay dhawaansho dareemaan iy...
26/09/2020

.

1.Isla markiiba markuu ilmuhu dhasho waa in lasaara laabta hooyada, taasi waxay keneysaa in ay dhawaansho dareemaan iyo hormar maskaxeed iyo hooyadu in caanaha dambarku soogalo.

2. In labilaabo naasnujinta saacada ugu horaysa ee uu dhasho ilmuhu waayo caanaha ugu h**eeya waa dambarka waana talaalka ugu h**eya ee ka difaacaya cuduro badan

3. Nuuji si joogta ah maliintii iyo habeynkii maalmaha yar ee ugu h**eyo waxa siin karta 2 ila 3 jeer malitii, haduu wali jiifo malinta labaad hooyadu waa in ay u listaa dambarka kuna siisaa koob.
Kadib isbuucyada yar ee ugu h**eeya ilmaha yar badankood waxa laraba in lanuujiyo 8 ila 12 jeer malinti, wayo nujinta isku xigxiga waxay soosaarta caano badan

4. Waa in lanuujiyaa naaska oo kaliya 1 ila 6 bilood waayo caanaha naaska hooyada waxa kujira cuntada iyo biyaha uu ubahna 6 da bilood ee ugu h**eysa, waxkale hasiinin xitaa biyo

5.Wa in la nuujiyaa si isku xigxidto maalintii iyo habeynkii markii hooyadu badiso nuujinta waxa bato caanaha lasoo saarayo.

6.Wa in la nuujiyaa iyado lagu saleynayo bahida cunuga, marwalbo oo ubaahdo waa in la nuujiyaa:
ooyintu waa calaamada ugu danbeyso ee kutusinayso in uu bahanyahay.
Waxa sifudud ugu fahmikartaa in u ubahanyahay nuujin astaamahaan :
» nasasho la’an,
» afka oo uu furayo madaxana wuu wareejinayaa hadba dhinac,
» carabkuuna gudaha afka u galinayaa wuuna soobixinayaa.
» waxa uu nugayaa faraha ama faruhuu isku laa laabayaa

7.Inta aadan naaska kale u wareejinin u ogolow inuu ka dhamaysto naaska u nuugayo.
Warejinta ilmaha yar naaska kale si dhasqo ah waxay keeneysaa in u heli waayo caanihii nafaqada lahaa.
Caanaha qeebta ugu h**eyso waxa ku badan biyaha, waxana logu talagalay in ay kababi’iso oonka, halka qebta dambe ay ka ku badantahay dufan taasoo loogu talagalay in ay kababi’iso baahida.

8.Waan in loo qabtaa tabta saxan iyo qabsashada saxan: waxa jira afar calamadod u ku tusinaysa qabsashada saxan iyo tabta saxan.

9.Waa in lajogteya naasnujinta ilaa 2 tasoo kaqayb qaadanayso kala korinta ilaha

10.Waa in la jogteeyo naasnujinta xiliga ay ilmaha jiran yahay ama hoyadu jirantahay.
Nuuji in badan oo isku xigxiga marka u jiranyahay ama uu soo bogsanayo,

11.Hoyadu waxa loga bahanyahay in ay cabto, oo cunto cuno isku dheelitiran sin ay isga ilaa liso haraad iyo oon ilmuhuna uhelo nafaqo fiican.

-dheh oo gaarsii si ay uga faaideystaan.

dhah: page-ka

 Waan kuwareerey waxba ma akhrinkaro maxaan sameeyaa maskaxda way idaaleysaa!??Talooyin kaa caawinaya inaad akhriska jec...
21/09/2020

Waan kuwareerey waxba ma akhrinkaro maxaan sameeyaa maskaxda way idaaleysaa!??

Talooyin kaa caawinaya inaad akhriska jeclaato

1. Marka h**e hadii aad doonayso inaad noqoto qof wax akhriska xiiseeya waa inaad kow kabilowdaa Kitaabka qur'aanka kariimka ah 1 jus ama nus kamid ah kadib utilaabso qoraalo gaagaaban oo nuxur leh aadan ku caajiseyn.

2.Tuko laba rakacdood oo sunna ah miyaad ogatahay hadii aad sunooyinka aad daa'imeyso inuu alle wax walba kuu fududeynayo oo adigoo faraxsan wax waliba qaban karto k**a caajisaysid insha allaah.

3. Hagaagso meel aad wax ku akhrisankarto oo daggan jawiga halkaasi ama ha noqoto qol adiga kuu gaar.

4 Si lamid qolka gees kamid ah kusameyso meel aad wax akhriska u go'an xitaa dhigo miis wax akhriska kaa saacidayo adigana ka arkayso.

5. Hadii aad tahay akhriste weyn marka h**e waa inaad ogaataa wax aad akhrinayso ama diirada saareyso diinta inay ubadnaadaan si lamid Diini & Maadi , si aad unoqoto qof dhisan dhan walba.

6. Miyaad ogatahay xirowga inuu raacanayo kutubo farabadan asigoo kuwata boorso ama bac xitaa gacantiisa uu kuqaadanayo wakhti xaadirka uu akhrisanayo ama loo galayo kitaabka uu muraajacaynayo adiga si lamid ah waxaad sameyn kartaa intaad soo saarto miiska kutubo iyo buugaag ayaad isku dhax wadi kartaa ama jadwal usameysan kartaa.

7. Culuumta maadi iyo Diini kudadaal waayo waxaad kafaa'idi doontaa inaad hesho climi dhameystiran oo dhisaya maskaxdaada, haku koobnaanin maadi oo kaliya.

8. Cilmiga waa mid meelo badan lagu soo aruurshey la isugu keenay meel lanna xifdiyey, noqo adiga mid baadhi kara mas'alo taasna waxaad kusmeyn kartaa inaad baadho kutubo badan oo qoreen imaamo kala duwan.

9. Aad xalqadooyinka ama meelaha lagu raaco kutubada masaajiddada kala duwan, si lamid ah maktabadooyinka laga helo buugaagta iyo culuumta shareecada islaamka sababtoo ah meelahaas waxaa aad ku arkeysaa dad fara badan wax akhrisanaya ama baaraya, si aad diintaada wax badan uga barato aadan shaki lagaaga galinin, hadii aad tahay gabadh waxaad sameyn kartaa waxaa jira masaajido lagu raaco kutubada raacaan gabdho muslimaad ah am xitaa ay dhageysankaraan meel aan kafogeyn hadii uu fadhiyo shiikha akhrinaya waayo makaroofankaa kusoo gaarsiin.

10. Xiliyada aad wax akhrinayso ha ahaadan xiliyada ku haboon in wax la akhriyo kuuna sahlayo inaad waxaa aad akhriisanayso si yoowtii aad u fahanto ama u xafiddo wakhtiga Salaada Subax kahor/dabadii maqribkii iyo cishaha gadaashii adigoo fadhiisanaya booskaagii akhriska adigoo hagaajinaya jadwalkaagii wax akhriska fiirinaya in wakhti kugu socdo aad maalayacni kaaga bixin Baraha lagu xidhiidho(Social media) oo gabi ahaanba iska baqtii taleefoonka intaad wax akhrinayso.

INSHA ALLAAH HADII AAD U ARAGTAY IN TALOOYIN FAAIDO KUUYIHIIN WALAALKAA LAWADAAG JASAAKALLAAH.

   maxay cillada naaso bararka?Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Gynecomastia" oo ah macnaheeda naasaha oo ...
18/09/2020

maxay cillada naaso bararka?
Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Gynecomastia" oo ah macnaheeda naasaha oo weynaada wiilasha iyo ragga intaba.
Cilladaan waxay ka timaadaa khalal ku dhaca hormoonnada ragga khaas ahaan labada hormoon ee loo kala yaqaanno "Estrogen" iyo "Testosterone".
Naaso bararka wuxuu ku dhici kartaa hal ama labada naas, marmarka qaar way kala weynaan karaan, qofkane wuxuu dareemi karaa daqnasho naasaha ah.
Marmarka qaar waxaa dhici karto in ibta naasaha ay ka yimaadaan dheecaan ama qoyaan yar.

Maxay dhibaato caafimaad ay keeni karaan?
Cilladaan ma ahan mid halis oo qofka caafimaadkiisa dhibaato u geysan karto laakiin waxay qofka u saameyn kartaa nafsiyyan maadaama uusan qofka fikrad ka heysan cilladaan, badanaa dhalinyarada way ka xishoodaan inay qof u sheegaan ama takhtar ay la tashtaan.
Xishoodka siyaadida ah waxay keentaa in qofka uu qarsado uuna iska ilaaliyo inuu dhexgalo bulshada si aan loo fahmin ama la ciyaaro dhalinyarada kale khaas ahaan ciyaaraha jimicsiga, dabaasha IWM.

Badanaa xilliga qaangaarka ayay ku badan tahay wiilasha, wayna iska baaba'daa daawo la'aan laakiin haddii ay sii jirto ama joogto noqoto waa in daawo loo raadsado.
Cillada ugu weyn waxay ka timaadaa markii uu yaraado hormoonka loo yaqaanno "Testosterone" ama uu bato hormoonka "Estrogen".

Waa maxay daawooyinka naasaha barariya?
Waxa ugu badan ee khalkhalka galin karo heerarka hormoonadaa waxaa ugu badan daawooyinka, khaas ahaan kuwaan hoos ku xusan:
1- Daawooyinka loo qaato qanjirka borostaatada, akhriso waxa qanjirka prostate-ka uu yahay:
2- Daawada kaadida dareerisa ee loo yaqaanno "Spironolactone" oo la siiyo dadka ay caloosha ama jirka kale biyaha ka galaan
3- Daawooyinka loo qaato AIDS-ka
4- Daawooyinka welwelka ama hurdo la'aanta loo qaato sida "Diazepam-ka"
5- Daawooyinka diiqada iyo niyad jabka loo qaato sida "Amitryptaline"
6- Daawooyinka qallajiyayaasha qaar "Antibiotics"
7- Daawada gaaska loo qaato ee magaceeda la yiraahdo "Cimetidine"
8- Daawooyinka kansarka loo qaato "Chemotherapy"
9- Daawooyinka wadnaha loo gaato ee "Digoxin" iyo kuwa dhiig-karka yareeya ee loo yaqaanno "Clacium channel blockers"

Waa maxay xanuunada naasaha barariya?
Xanuunada ay la socon karaan naaso bararka ragga waxaa ka mid ah:
1- Cillad lagu dhasho ee hormoonnada la xiriirto
2- Cayilka iyo duqnimada, ragga da'da ah oo cayilan waa lagu arkaa xaaladdaan.
3- Burooyinka ka soo baxo xiniinyaha ama qanjirrada hormoonnada kontoroola
4- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka,
5- Howlgabka kilyaha,
6- Howlgabka beerka,
7- Nafaqo-darrada iyo gaajada

Waxaa jiro daawo dhireedyo dhowr ah oo shaah ahaan loo cabo, qaarne shaambooyin iyo saabuunno laga sameeyay oo la arkay in naasaha ay barariyaan sidaa awgeed haddaa rabtid in aad geedo daaweed isticmaasho la tasho takhtarkaaga.

Sidee loo baaraa naaso bararka?
Dhakhtarka wuu ku waraysan doonaa, haddii ay jiraan wax daawo ah aad isticmaashay ama haddii aad xanuuno kale aad qabtid oo keeni kara cilladaan, kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno dhiig iyo qalabka computer oo naasaha la saaro, way dhici kartaa in uu takhtarka u baahdo baaritaanno dheeraad ah sida in xaniinyaha la baaro, maskaxda qanjirrada ku jiro la fiiriyo.
Waa muhiim in la kala sooco waxyaabah u ekaan karo bararkaan sida kansarka ku dhaca naasaha, naasaha baruurta leh iyo caabuq barariyay naaska intaba.

Sidee loo daaweeyaa naaso bararka?
Badanaa xaaladaan uma baahna daawo way iska baaba'daa laakiin haddii ay xanuun keento ama bararka uu sii kordhayo ama qofka ay dhibaato muuqaaleed ku hayso waa in laga daaweeyaa iyadoo la siinayo daawooyin loogu tala galay.
Waxaa kaloo muhiim ah in qofka laga daaweeyo xanuuanda kale ee keeni kara cilladaan, lagana fogaado daawooyinka naasaha barariyo.
marmarka qaar daawooyinka waxba ma taraan oo qofka wuxuu u baahan karaa in la qalo oo qanjirrada ama baruurta naasaha ku samaysantay la soo saaro.
Waa muhiim haddii aad xilliga qaangaarka ku jirtid in aad arintaan u fahantid wax si dabiici ku imaan kara, haddii ay dhibaato kaa haysato xagga la dhaqanka bulshada, xilliga iskuulka ama waqtiga ciyaaraha waa in aad la tashataa waalidiintaada iyo macallimiinta.
Haddii aad su'aalo la xiriiro qoraalkaan aad qabtid ku soo gudbi.

14/09/2020

12/09/2020

.

Gabdho waxaa jira dugaag suurad bini aadam leh, ee ka taxaddar ragga aad aamineyso, hana ku dhiirran in aad meel kasta ugu tagto. Haddii uu nin damac kaa galo kula ballan gurigaada ama goob aad u siman tihiin oo ay bulshadu ku badan tahay, si aad shartiisa uga nabadgasho.

Waalid, gabadhaada geli kalsooni ay guriga ku keento ninkii ay rabto, si aadan sabab u noqon in uu dugaag bannaanka ku cuno gabadhaada.😥😰💔🤞.
Lawadag dumarka kale
W/Q

11/09/2020

  -PAIN
07/09/2020

-PAIN

Address

Hodan
Mogadishu

Telephone

+252612104592

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi Rizaaq Axmed Nuur Saacid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdi Rizaaq Axmed Nuur Saacid:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram