01/11/2025
31 Oct 25 : habeen h**e ayay nuunahaan lu dhalata qeybta dhalmada ee isbitaalkeena, gar-gaar siin caafimaad kadib waxaa lagu wareejiyay qabta qalliimada, waxay ku dhalata xaaladda loo yaqaan oo ah caloosha oo aan ka xirmin dhinaca xudunta islamarkaasna uurkujirta qayb kamid ah bannaanka taal ayadoo xuub ku daboolan, islamaalinkiiba baaritaanno badan oo xaga dhiiga, wadnaha iyo uurkujirta ah kadib waxaa xalay loo sameeyay qalliin, ayadoo gashay suuxin guud, waa qalliin culus marka la eego heerka suuxinta, da'da ilmaha iyo xaaladda lala tacaalayo oo ah xaalad ilmuhu ku dhashay, Eebbe wayne mahaddiis qalliinkaasi waa guulaystay waxaana fuliyay Dr. Tsedalu Worku iyo dhakhaatiir & hawlwadeen kale oo qayb kala ahaa, maantana waxay nuugaysa naaska ayadoo ku jirta xaalad soo kabasho meel fiican maraysa, usoo duceeya๐คฒ.
Waa kiiskii 2aad ee noocaan ah sannadkaan gudihiisa (2025) oo nasoo mara kaas oo aan qalliin ku samaynay, waxaa horay ujirtay in aan u diri jirnay ilmahaan oo kale Magaalada Moqdisho ama meelo kale, taas oo intii aan hirgalinnay qabyta qalliimada guud & kuwa casriga ah meesha ka baxday.
Xaaladdaan say u samaysanto iyo xog dheeri ah waxaad kaga bogan doontaa muuqaal hadii eebbe idmo.
Himilo Hospital - Galdogob